Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Fatahaad boqollaal qoys ku barakicisay Doolow

Radio Ergo by Radio Ergo
May 12, 2020
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Fatahaad boqollaal qoys ku barakicisay Doolow

Dadka Doolow oo dhex socda biyaha fatahaadda oo dhex fadhiya magaaladooda/Maxamuud Cabdirashiid/Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Lix kun oo qoys ayaa tan iyo siddeeddii bishan ku barakacay fatahaad ay sameeyeen webiyada Jubba iyo Daawo ee mara degmada Doolow iyo tuulooyinka hoostaga ee gobolka Gedo, sida uu sheegay guddi uu maamulka degmada u xil-saaray qiimeynta khasaarihii ka dhashay fatahaadaha.

Cabdiqani Xasan Uumiye oo ah afhayeenka guddiga oo maanta warbaahinta kula hadlay Doolow ayaa sheegay in ay sidoo kale fatahaaduhu baabi’iyeen dalaggii ku beernaa 1,230 beer, matoorradiina ay biyuhu ka qaadeen. Waxay biyuhu xannibeen waddada u baxda dhanka Beled-Xaawo, taas oo khasabtay in ay gaadiidku u wareegaan waddooyin kale.

Afhayeenka ayaa xusay in ay gurmad degdeg ah iyo dib-u-dejin u baahan yihiin qoysaska qaar oo hoy-la’aantu ay bidday inay dulsaar ku noqdaan dad magaalada deggan iyo qaar kale oo xaalad adag ku wajahaya xeryaha lagu barakacay, kaddib markii ay biyuhu ka qaadeen agabkii guryaha u yaallay.

Uumiye ayaa dadka kula taliyay inay ka fogaadaan dhulka webiga u dhow ee jooggiisu uu hooseeyo, maaddaama uu sii kordhayo heerka biyaha webiga.

Fatahaadda ugu daran waxay labada Doolow ee ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ku dhufatay 11-kii bishan, cabsiduna way sii kordheysaa.

Waxaa barakacay inta badan qoysaskii deggenaa xaafadaha Ceelasha biyaha, Dhagaxley iyo Garboolow ee Doolow Soomaaliya iyo Jiiqley iyo Xaafad-koowaad ee degmada Doolow Addo ee dhanka Itoobiya oo guryahooda ay biyuhu dhex fariisteen. Biyaha waxay sidoo kale burburiyeen goobo ganacsi iyo musqulo.

Waxaa weli xaafadaha qaar ku sugan dad awoodi waayay inay barakacaan dhaqaale-la’aan darteed. Waxaa ka mid ah Sacdiyo Xuseen Xasan oo ah 37 jir haysata toddobo carruur ah, welina ku sugan xaafaddeeda Garboolow.

“Halisaan ku jirnaa guryihii waa naga galeen [biyaha], goglihii waa naga qoyeen raashinkii ilmaha waa naga qooyeen, ilmihii yaryarka ahaa ilaa saaka waan la taaganahay, musqulihii waa naga dumeen meelaan galno xitaa ma aragno, caawada meelaan barinno xitaa ma naqaano.”

Bashiir Maxamed Aadan oo ka mid ah dadka ka barakacay xaafadda Dhagaxley wuxuu qoyskiisa oo ka kooban sagaal qof u raray xerada lagu barakacay ee Qansaxley ee duleedka ku taalla.

“Haddee qaboowgaan iyo roobabkaan meel aan ka galno malaha guryihii waa naga jiijiifaan.”

Gaari-dameer uu uga shaqaysan jiray buundada xuduudda ayuu reerkiisa ku daabulay, isagoon sabankanba shaqaynin taasoo ay ugu wacanayd xirnaanshaha xuduudda kahortagga cudurka Koronaha awgii, waxayna noloshiisa ku tiirsan tahay kaalmada dad qaraabo ah.

Marka laga soo tago qoysaska barakacay, waxaa jira beeraley ay fatahaaddu gaarsiisay khasaaro wayn. Cali Axmed Cismaan oo ah guddoomiyaha Iskaashatada Beeraleeyda Daawo ayaa Raadiyaha Ergo u sheegay in wabiga Daawo oo keliya uu baabi’iyay dalagyadii ku beernaa beero gaaraya 200, isla markaana ay jiraan matoorro ay daadadku la tageen.

“Sannadihii hore abaar xun bay ahayd, ayax baa maray oo dhulka gooyay fatahaad xoog leh oo hadda ku timaaday beerihii aan tacbannay oo dhibaatadaa noo geysatay, hal beer oo fiyoow ma jirto.”

Xuseen Nuur Barre oo ah aabbaha qoys ka kooban lix qof, Xuseen oo dukaanle ah wuxuu sheegay inuu daadku kala tagay bagaash qiimihiisu yahay 4,000 doollar.

“Wixii hanti iyo dukaan ii yaallay biyuhu way la tageen gurigeyga wixii yaallay oo dhan way galeen. Dariska iyo xaafadaha igu dhow hadda meel la joogo ma jirto.”

Previous Post

Dowladda iyo maamul goboleedyada oo u diyaargarobay la dagaallanka Koronkorta

Next Post

Doolow: Qoysas uu saameeyey daad ka dhashay roob halkaasi ka da’ay

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Baydhabo: Kumanaan barakacayaal ah oo daadadku ugu galeen xeryahooda

Doolow: Qoysas uu saameeyey daad ka dhashay roob halkaasi ka da'ay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUN-2026

IDAACADDA 13-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo