(ERGO) – Mako Muxumed Cabdullahi waa hooyada qoys ka kooban siddeed qof, muddo labaatan sano ku dhow ayay buugta, qalimaanta, macmacaanka iyo cuntada ay ardaydu u baahan yihiin ku iibinaysay afaafka hore ee dugsiga sare ee Sheekh Muxumed Warsame ee degmada Gibiley, laakiin muddo hadda ku dhow bil shaqadaas ma aysan qaban maadama ay dowladda Soomaaliland xirtay iskuullada oo dhan, si loo xakameeyo khatarta Koroona Fayrus.
Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in ay halkan ka heli jirtay maalintii lacag ugu badnaan u dhiganta $4 oo faa’iido ah taas oo wax weyn ka tari jirtay nolosha qoyska oo ku tiirsan iyada oo keliya, maadama uu odaygeedu muddooyinkii dambe xanuunsaa. Mako waxay ka mid tahay boqol iyo toddobaatan qoys oo ku tiirsanaa dakhli ka soo gala ganacsiga noocaan ah, balse hadda aan haysan ilo dhaqaale, kuwaas oo maamulka degmada Gibiley uu beryahan u qaybinayay raashin ay ku noolaadaan muddo bil ah ka badan..
“Imika anuunba koriya, waa masaarifta reerka ee lagu nool yahay uun ama ha yaraato ama ha badnaate cishaba Ilaahey wuxuu ku siiyo mar 30, 20, 25 shilinka Soomaaliland ah, samayntiisu saddex saacadood ayey igu qadataa salaada subax ka hor ilaa inta cadceedu ka soo baxeyso” ayay tiri Mako.
Mako ayaa toddobaadkii hore ka heshay dawladda hoose ee degmada Gibiley raashin 25 kiilo midkiiba yahay oo isugu jira bariis, sonkor, daqiiq, saliid, baasto iyo caleenta shaaha. Waxay sheegtay in raashikani uu yididiila gelinayo qoyskeeda oo xilli adag ku jira, markii horena uusan ku filnayn dakhliga ay soo saarto iyadu.
Maamulka Dawladda hoose ee Gibiley ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in qoysaska sida Mako oo kale ee ku tiirsan shaqooyinka yar-yari ay yihiin kuwo danyar oo duruufo badani ku xeeran yihiin, sababtaasna ay ku doorteen in ay noloshooda kabaan. Agaasimaha xafiiska arrimaha bulshada ee maamulka Gibiley mudane Yusuf Xasan Jaamac ayaa sheegay in si ay qoysaskan u caawiyaan ay xullidooda la kaashadeen horjoogayaasha xaafadaha degmada iyo maamulayaasha iskuullada ee iyagu yaqiinay haweenka shaqadan qabta.
Hawlaha leh mashaariicda iyo isu gudubka ganacsiga ee magaalada ka socday ayaa kaalin weyn ku lahaa in dadka danyarta ahi ay helaan wax ay ku noolaadan maalintii, balse hawlahaas oo dhan ayaa istaagay xaaladda Koroona darteed, taas oo ugu wacan qoys badan in dabku ka damo. Yusuf Xasan wuxuu kaloo Raadiyo u sheegay in golaha deegaanku u qaybiyay dadkaas danyarta ah raashin lagu qiimeeyay $10,700.
Nimco Cabdullahi Dagaal oo ka mid ah hooyooyinka ganacsiga yaryar ku lahaa iskuullada Gibiley waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in uusan jirin haba yaraadee meel kale oo ay ka sugayso taageero maaliyadeed oo aan ka ahayn ganacsigaas garab-raradka ah.
Maxamed Cabdi Hayaan oo bare ka ah jaamaacadda Hargeysa ayaa ku talinaya in xilligan dawladaha hoose, maamullada kale ee jira iyo dadka sakada bixiyaba looga baahan yahay in ay dadka saboolka ah iyo kuwa dabku ka damayo ay ku celiyaan canshuurtii ay aruuriyeen, taas oo uu u arko hab loola tacaali kalo isbedelka nolosha iyo xaaladda dhaqaale xumi ee ka dhalatay Koroona. Bare Cabdi wuxuu xukuumadda ugu baaqay intaan xaaladdu ka darin in ay suuqa fara-geliso si ay u xakamayso qiimaha raashinka oo haddii uu faraha ka baxo ay xaaladda noloshu aad uga sii daridoonto.
Maamulka dawladda hoose ee Gibiley ayaa sheegaya in iyagoo kaashanaya ganacsatada ay doonayaan in raashin kala duwan oo Rammadaanka kaga gudbaan ay u qaybiyaan ilaa 600 oo qoys oo kale toddobaadkan.










