Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Gibiley: Qoysaska saboolka ah ee ilihii dhaqaale ka burbureen oo maamulku u qaybiyay raashin

Radio Ergo by Radio Ergo
April 21, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas abaaraha ku cayroobay oo ka faa’iideystay gargaar raashin ah

Keyd Ergo/Dad raashin gargaar ah loo qeybiyey.

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Mako Muxumed Cabdullahi waa hooyada qoys ka kooban siddeed qof, muddo labaatan sano ku dhow ayay buugta, qalimaanta, macmacaanka iyo cuntada ay ardaydu u baahan yihiin ku iibinaysay afaafka hore  ee dugsiga sare ee Sheekh Muxumed Warsame ee degmada Gibiley, laakiin muddo hadda ku dhow bil shaqadaas ma aysan qaban maadama ay dowladda Soomaaliland xirtay iskuullada oo dhan, si loo xakameeyo khatarta Koroona Fayrus.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in ay halkan ka heli jirtay maalintii lacag ugu badnaan u dhiganta $4 oo faa’iido ah taas oo wax weyn ka tari jirtay nolosha qoyska oo ku tiirsan iyada oo keliya, maadama uu odaygeedu muddooyinkii dambe xanuunsaa. Mako waxay ka mid tahay boqol iyo toddobaatan qoys oo ku tiirsanaa dakhli ka soo gala ganacsiga noocaan ah, balse hadda aan haysan ilo dhaqaale, kuwaas oo maamulka degmada Gibiley uu beryahan u qaybinayay raashin ay ku noolaadaan muddo bil ah ka badan..

“Imika anuunba koriya, waa masaarifta reerka ee lagu nool yahay uun ama ha yaraato ama ha badnaate cishaba Ilaahey wuxuu ku siiyo mar 30, 20, 25 shilinka Soomaaliland ah, samayntiisu saddex saacadood ayey igu qadataa salaada subax ka hor ilaa inta cadceedu ka soo baxeyso” ayay tiri Mako.

Mako ayaa toddobaadkii hore ka heshay dawladda hoose ee degmada Gibiley raashin 25 kiilo midkiiba yahay oo isugu jira bariis, sonkor, daqiiq, saliid, baasto iyo caleenta shaaha.  Waxay sheegtay in raashikani uu yididiila gelinayo qoyskeeda oo xilli adag ku jira, markii horena uusan ku filnayn dakhliga ay soo saarto iyadu.

Maamulka Dawladda hoose ee Gibiley ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in qoysaska sida Mako oo kale ee ku tiirsan shaqooyinka yar-yari ay yihiin kuwo danyar oo duruufo badani ku xeeran yihiin, sababtaasna ay ku doorteen in ay noloshooda kabaan. Agaasimaha xafiiska arrimaha bulshada ee maamulka Gibiley mudane Yusuf Xasan Jaamac ayaa sheegay in si ay qoysaskan u caawiyaan ay xullidooda la kaashadeen horjoogayaasha xaafadaha degmada iyo maamulayaasha iskuullada ee iyagu yaqiinay haweenka shaqadan qabta.

Hawlaha leh mashaariicda iyo isu gudubka ganacsiga ee magaalada ka socday ayaa kaalin weyn ku lahaa in dadka danyarta ahi ay helaan wax ay ku noolaadan maalintii, balse hawlahaas oo dhan ayaa istaagay xaaladda Koroona darteed, taas oo ugu wacan qoys badan in dabku ka damo. Yusuf  Xasan wuxuu kaloo Raadiyo u sheegay in golaha deegaanku u qaybiyay dadkaas danyarta ah raashin lagu qiimeeyay $10,700.

Nimco Cabdullahi Dagaal oo ka mid ah hooyooyinka ganacsiga yaryar ku lahaa iskuullada Gibiley waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in uusan jirin haba yaraadee meel kale oo ay ka sugayso taageero maaliyadeed oo aan ka ahayn ganacsigaas garab-raradka ah.

Maxamed Cabdi Hayaan oo bare ka ah jaamaacadda Hargeysa ayaa ku talinaya in xilligan dawladaha hoose, maamullada kale ee jira iyo dadka sakada bixiyaba looga baahan yahay in ay dadka saboolka ah iyo kuwa dabku ka damayo ay ku celiyaan canshuurtii ay aruuriyeen, taas oo uu u arko hab loola tacaali kalo isbedelka nolosha iyo xaaladda dhaqaale xumi ee ka dhalatay Koroona. Bare Cabdi wuxuu xukuumadda ugu baaqay intaan xaaladdu ka darin in ay suuqa fara-geliso si ay u xakamayso qiimaha raashinka oo haddii uu faraha ka baxo ay xaaladda noloshu aad uga sii daridoonto.

Maamulka dawladda hoose ee Gibiley ayaa sheegaya in iyagoo kaashanaya ganacsatada ay doonayaan in raashin kala duwan oo Rammadaanka kaga gudbaan ay u qaybiyaan ilaa 600 oo qoys oo kale toddobaadkan.

Previous Post

Haweenay gaari dhexdiis ku umushay markii iyada iyo qoysas kale ay Janaale dagaal uga soo carareen

Next Post

Dhallinyarada caafimaadka baratay ee Somaliland oo si mutadawacnimo ah isugu diiwaangelinaya la-dagaallanka Covid 19

Related Posts

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo
Wararkii u Danbeeyay

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo

July 9, 2026
Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Next Post
Hargeysa: xarun lagu baaro ebola oo laga furay garoonka Cigaal

Dhallinyarada caafimaadka baratay ee Somaliland oo si mutadawacnimo ah isugu diiwaangelinaya la-dagaallanka Covid 19

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-JUL-2026

IDAACADDA 09-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUL-2026
July 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo