Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Dhallinyarada caafimaadka baratay ee Somaliland oo si mutadawacnimo ah isugu diiwaangelinaya la-dagaallanka Covid 19

Radio Ergo by Radio Ergo
April 22, 2020
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Hargeysa: xarun lagu baaro ebola oo laga furay garoonka Cigaal

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Lix iyo tobankii qof ee ugu horreeyay oo kalkaaliyayaal caafimaad ah ayaa loo tababaray inay la tacaalaan bukaannada uu soo rito cudurka Kofid 19 iyo ka-wacyigalinta bulshada ee cudurkaasi si loo xakameeyo inuu ku baaho deegaannada Somaliland. Waxay kalkaaliyaashu ka shaqayn doonaan dawo-siinta iyo daryeelka bukaannada iyagoo beegsanaya sariibadaha, maqaayadaha cunnada iyo xaafadaha ay deggan yihiin dadka soo barakacay.

Cabdillaahi Maxamuud Xasan oo ah agaasimaha hay’adda Havayoco oo tababarkan siisay kalkaaliyeyaashan ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in qorshahan loogu talagalay yareynta halista cudurka si aanu bulshada ugu faafin.

“Waxaa loo sameynayaa qorshe maalinle ah, waxaana ay shaqeynayaan wiigii afar maalmood waxaana loo diyaarinayaa dhammaan qalabkii ay ku shaqeysan lahaayeen.”

Saddex boqol oo kalkaaliyeyaal caafimaad ah oo si mutadawacnimo ah isaga diwaangaliyay wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa iyaguna qaadan doona tababarkan oo kale si ay uga shaqeeyaan ka hortagga iyo la-tacaalidda bukaannada qaba cudurka Covid19.

Cabdillaahi waxaa uu Raadiyo Ergo u sheegay in gobollada oo dhan la gaadhsiinayo dadka ay tababareen si ay wacyigelinta iyo xakameynta fayraska uga caawiyaan bulshada aan heli karin telefishinnada iyo idaacadaha.

Xamda Aadan Guuleed oo ka qeybgashay tababarkan kalkaaliyayaasha lagu siinayay qaabka ay wacyigelinta u gaadhsiin lahaayeen bulshada ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in la baray qaabka ugu habboon ee loo faraxasho, muhiimadda ay leedahay kala fogaanshaha iyo in uu ka hortaggu ka fiican yahay daweynta.

Gabadhan oo culuumta caafimaadka guud ka dhameysay jaamacadda Golis ee magaalada Hargeysa ayaa xustay in markii ay maqashay in loo baahan yahay dad bilaash ugu shaqeeya bulshada oo caafimaadka bartay ay is diiwaangalisay si cilmiga ay baratay ay bulshada ugu celiso.

Madaxa fayo-dhowrka ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Cabdiwahaab Cabdinuur Nakruuma waxaa uu sheegay in muddo labo toddobaad ah oo si iskood ah ay u wadeen wacyigelinta ay dadku yareeyeen imaatinka goobaha lagu badan yahay, sidoo kalena ay bulshadu badsatay faraxalka.

Cabdiwahaab ayaa ka warramay muhimmadda ay leedahay in goobaha lagu badan yahay sida sariibadaha wacyigelinta lagu badiyo. Wuxuu kaloo sheegay inay ugu talagaleen xooggana saarayaan xilliga dumarka iyo hooyooyinka ay joogaan suuqyada iyo xilliga salaadaha kaddib oo u arko inay ku habboon yihiin gaarsiinta farriimaha caafimaad ee ka hortagga cudurka halista ah ee dadka.

Nimcaan Ismaaciil Cali oo kalkaaliyayaasha mutadawiciinta ah ka mid ah ayaa aaminsan in qorshaha ay ku shaqeynayaan ee iskaa-wax-u-qabsada ah uu badbaadin karo bulshada sababtaasna ay u billaabeen inay shaqeeyaan.

“Horta maanta waxaan isku abaabulnay annagu inaanay ahayn maalintii lacag la eegi lahaa maaddaama ay muhiimaddu tahay inaan dadkayaga badbaadinno, si mutaddawacnimo leh ayaan isku abaabulnay una wadaynaynaa, waqtigu ha dheeraado ama ha gaabnaado,” ayuu yiri Nimcaan.

Guddida u diyaargarowga cudurka Covid 19 ee Somaliland ayaa horraantii bishan xirfadlayaasha caafimaadka kula taliyay inay si mutadawacnimo ah isu-diwaangaliyaan si ay bulshada uga badbaadiyaan cudurka safmarka ah oo saameyn ku yeeshay nolosha boqollaal kun oo qof oo ku nool adduunka.

Previous Post

Gibiley: Qoysaska saboolka ah ee ilihii dhaqaale ka burbureen oo maamulku u qaybiyay raashin

Next Post

Bari: Tuulada Wardheer Bari oo Koronto ka helaysa tamarta cadceeda

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Xeryaha barakacayaasha ee Jowle oo lagu xiray leyrar qorraxda ku shaqeeya

Bari: Tuulada Wardheer Bari oo Koronto ka helaysa tamarta cadceeda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo