Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Bari: Tuulada Wardheer Bari oo Koronto ka helaysa tamarta cadceeda

Radio Ergo by Radio Ergo
April 23, 2020
in Caafimaadka, SOCIAL, Wararkii u Danbeeyay
0
Xeryaha barakacayaasha ee Jowle oo lagu xiray leyrar qorraxda ku shaqeeya

Kayd/Radio Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xarunta Hooyada iyo dhallaanka deegaanka Wardheer-bari oo 30 km u jira magaalada Carmo ayaa hadda shaqeeya habeenki kaddib marki dhallinyaro is-xilqaantay ay soolarro ku xireen dhawr meelood oo deegaanka gudihiisa oo MCH-ku ka mid yahay.

Maxamuud Baxwal Cali oo ah maamulaha xarunta ayaa raadiyo Ergo u sheegay in xarunta oo shaqaynaysay muddo sanad ah aysan habeen u adeegi jirin hooyada iyo dhallaanka maadaama uusan jirin iftiin. Wuxuu kaloo tilmaamay in hadda habeen iyo maalinba ay si joogta ah u shaqayso maadaama gudaha iyo banaankaba layrar loogu xiray.

“Habeenkii waxay noqon jirtay qofkii u baahan inaan u furno oo aan toosh wixiisa ku soo siinno, kaddibna aan iska xirno, laakiin haddeer waxay noo noqotay inaan caadi u shaqayno ”Ayuu Yiri Maxamuud.

Yaasiin Cabdi Idaale waa gudoomiyaha dhallinyarada deegaanka Wardheer-bari, waana fikradii ka dambaysay in deegaanka la iftiimiyo. Sida uu sheegay Yaasiin waxaa fikraddan lagu hirgeliyay dhaqaale ay iska soo ururiyeen dadka deegaanka si loogu hawlgalo in la helo iftiin, iyadoo la adeegsanayo qorraxda (Solar system), tallaabadii kowaadna wuxuu deegaanku soo iibsaday ilaa 30 xabbo oo qalabkaas ah oo midkiiba ku kacay $600.
“Mashruucaan markaan celcelis ahaan isku xeeriyo waxaa ku baxay $18kun waxaa ka shaqeeyey dhalinyaro gabadho iyo wiilal ka kooban, aad bay u soo dhaweeyeen dadka deegaanka, nin walba wixii tabartiisa ah ayuu ka qayb qaatay”. Ayuu yiri Yaasiin.

Xarunta MCHka Caafimaadka oo gelin hore shaqayn jirtay qaabili jirtayn 15 Qof ayaa mararka qaar ka fursan weyday in xaalado deg-deg ah loo furi jiray habeenkii sida uu sheegay maamulaha xarunta Maxamuud Baxwal ayaa wuxuu raadio Ergo uga warramay caqabadaha ay kala kulmi jireen markii ay la soo daristo xaaladaha degdegga ah, sida markii ay umulayaan haween xilli habeennimo ah, taasoo ay ku kallifi jirtay iney adeegsadaan tooshash. Nasiibwanaag hadda MCHka wuxuu yeeshay layr ,wuxuuna guud ahaan qaabilaa habeen iyo maalin 25 Qof.

25ka mida Layrarkan ayaa lagu xiray wadooyinka muhiimka ah ee deegaanka oo ku yaallaan goobaha ganacsiga halka 5-ta kalana lagu xiray goobaha caafimaadka, waxbarashada iyo masjidka magaalada.

Ayaan Maxamuud Maxamed oo goob ganacsi oo raashinka bisil lagu iibiyo ku haysta deegaanka lehna 10 carruur ah, ayaa sheegtay in iftiinka loo yeelay magaalada uu isbaddal fiican ku keenay shaqadeeda.

“Habeenki maan ganacsan jirin mugdi bay ahayd magaaladu, Alxamdu Lillaah haddeer waxaan ka faa’iideysannay in goobahayagu furnaadaan habeenkii.” Ayey tiri Ayaan.
Macaamiisha rugta ganacsiga ee Ayaan waxaa u badan gaadiidleyda isaga goosha gobollada oo iminka xataa ku talagala iney habeenkii ka heli karaan goobteeda adeeg, iyadoo saacado badan furan. Ayaan oo la hadleysa raadiyo Ergo waxay sheegtay inuu kordhay dhaqaalihii ay ka heli jirtay mehradda taasoo ay ugu wacan tahay iftiinka la helay oo keenay iney saacado badan shaqeyso.

“ Hal gelin baan shaqayn jirnay labo gelin shaqaynteeda wax badan bay is dheer yihiin, Maalintii waagii mugdi ahayd waxaan ku xisaabtami jiray 50$, Hadda dhaqaalahii sidii hore waa ka fiican yahay way laba jibbaarmay 120, $130”Ayey tiri Ayaan.

Previous Post

Dhallinyarada caafimaadka baratay ee Somaliland oo si mutadawacnimo ah isugu diiwaangelinaya la-dagaallanka Covid 19

Next Post

Muqdisho: agabka Afxirka ee ka hortaga COVID19 oo dalka lagu sameeyey

Related Posts

blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Next Post
Beled-xaawo: Dhallinyaro mutaddawiciin ah oo si iskood ah u fulinaya ololaha keliya ee xakamaynta Karoona Fayrus

Muqdisho: agabka Afxirka ee ka hortaga COVID19 oo dalka lagu sameeyey

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-SEP-202

IDAACADDA 09-SEP-202 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-SEP-202
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-SEP-2026
September 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo