Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Muqdisho: agabka Afxirka ee ka hortaga COVID19 oo dalka lagu sameeyey

Radio Ergo by Radio Ergo
April 27, 2020
in Arrimaha Bulshada, Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Beled-xaawo: Dhallinyaro mutaddawiciin ah oo si iskood ah u fulinaya ololaha keliya ee xakamaynta Karoona Fayrus

Kyad/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Qaar ka mid dhallinyarada ku shaqaysata tolliinka dharka ee ku nool magaalda Muqdsiho ayaa baryahan dambe hawshoda ku kordhiyay iney soo saaraan marada afka lagu xirto ee looga gaashaanto cudurka Koronaha. Dhallinyaradan ayaa u arkay iney tahay hawshaan mid muhiim ah oo ay u baahan yihiin dadweynaha xilliga halista loogu jiro Koronaha iyo iyagoo u arkay iney ka heli karaan nolol maalmeedkooda.

Cabdullaahi Cali Xasan wuxuu ka mid yahay dhallinyaradaas sida joogtada ah u soo saara afxirka, iyagoo ku iibiya halkii xabbo qiimo dhan 13 kun oo shilinka Soomaaliga ah, wuxuuna aad uga hooseeya qiimaha la siisto kuwa dalka debadda uga yimaad. Cabdullaahi ayaa radio Ergo u sheegay iney dalabaad ka helaan shaqaalaha dawladda, ciidamada iyo ha`yadadha kale.

“Waxaan bilownay kaddib markii uu soo shaac-baxay cudurkan Koroona Faayrus oo dadwaynaha qaar ka mid ah intay noo yimaddeen dalabkooda ay noo dhiibteen, kadibna waxay noo noqatay shaqo aan ka shaqeeysanno .” Ayuu yiri Cabdullahi.

Sida uu Cabdullaahi raadio Ergo u sheegay maskeradan ayaa ka sameysayn dhar tayo leh ee uu qofku dhowr jeer isticmaali karo haddii uu si fiican u mayro, waxayna ka duwan yihiin tayo ahaan maskerooyinka kale oo ah hal mar isticmaalid dabadeedna la tuuro. Wuxuu kaloo sheegay in markii kowaad ee laga iibsado laga qaatay ilaa iyo 160 xabbo, taasoo ku abuurtay yididdiilo ah in suuq loo heli karo.

Maskeradan wuxuu ka sameysan yahay maro baro baati ah oo labada dhan uga tolan xagga hore iyo xagga hose waxaana dhexda kaga sii jira kaanaba adag oo suurtagelinaya in la mayro oo marar badan la isticmaalo sida uu sheegay Cabdullaahii
Afartan iyo shan dhallinyaro ah oo horay loo tababary oo ka kala socda qoysaska barakacay iyo dadki ka soo laabtay xerayaha qaxootiga ee dalka Kenya iyo kuwa danyar ah ayaa iyaguna sidaasoo kale ka shaqeeya hawshan dakhlina uu ka soo galaa.

Saciid Cabduqadir oo qoyskiisa uu ka kooban yahay shan ruux ayaa ka mid ah dhallinyarada ka faa’ideysanaya fursadan shaqo. Wuxuu ka soo laabtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya sanadki 2019, Maalinti wuxuu soo saaraa ilaa sedex boqol oo xabbo.

“Marka hore markaan runta kahadlo iyadoo arintayda isku cakirantahay shaqo la’aan iska jirto magaalada waxba lahayn marka ayey arrintan soo baxday wax badanna ayeey iga caawisay aad ayaan ugu faraxsanahay.”Ayuu yiri Saciid.

Dadka shacabka ah ayaa maalmihii ugu horreyay waxaa ku adkaaatay inay iibsadaan afxirka iyadoo qiimaha la iibinayo suuqyada uu qaaliyoobay laakiin hadda waxay aad ugu faraxsan yihiin iney heleen mid kuwii qaaliga ahaa ka jaban kana tayo fiican.

Cabdirisaaq Xasan oo isaguna ka mid ah shacabka Muqdisho wuxuuna sheegay in markii uu qaaliyowbay afxirka dibadda laga keeno uu awoodi wayay inuu iibsado balse hadda midka gudaha dalka uu ku helo qiimo yar uu awoodo, uuna siisto 1 dolar.

“Aad bay u wanaagsan tahay in gudaha Soomaaliya masker lagu sameeyo madaama ay ka g`oday kii dibadda laga keenay waana arrin aad u fiican oo bulshada ay soo dhawayneeyso.” Ayuu yiri cabdirisaaq.

Dr Cabduqadir Maxmed Axmed Keynaan Oo ka mid ah Takhaatirta Cafimaadka Muqdisho ayaa tilmaamay in afxirkan gudaha lagu sameeyo uusan wax badan kaga duwanayn kuwa laga keeno debadda, hase ahaatee uu sheegay iney tahay muhiim in aad looga taxaddaro nadaafaddiisa.

“Midkan marada ah ee dadka toshaan haddii sax loo dhaqo oo sifiican loo hagaajiyo marooyinka caadiga uu la mid yahay, wax dhibaato badana ma leh isaga wixii ka bixii lahaa oo dadka kale dhibaato ku gaarsiin lahaa ay ka celineysa, marka marada dib waa loo isticmaali karaa.” ayuu yiri Dr. Cabdulqaadir isagoo tilmaamaya in si fiican looga taxaddaro nadaafadda marada kol haddii dib loo isticmaalayo oo si fiican loo dhaqaa.

Previous Post

Bari: Tuulada Wardheer Bari oo Koronto ka helaysa tamarta cadceeda

Next Post

Galkacyo: barashada cillad-bixinta moobayllada oo beddeshay nolosha naafo aan weligood shaqaynin

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Next Post
blank

Galkacyo: barashada cillad-bixinta moobayllada oo beddeshay nolosha naafo aan weligood shaqaynin

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-JUL-2026

IDAACADDA 07-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUL-2026
July 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUL-2026
July 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo