Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Galkacyo: barashada cillad-bixinta moobayllada oo beddeshay nolosha naafo aan weligood shaqaynin

Radio Ergo by Radio Ergo
April 28, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
blank
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdi Cabdulle Axmed waa 36 jir  naafo ah, waa aabbaha qoys ka kooban afar qof oo aan weligii shaqaynin, wuxuuna qoyskiisu ku tiirsanaa qaraabo ka kaalmeysa baahidiisa. Hase ahaatee wixii ka dambeeyay 20-kii bisha Febraayo ee sanadkan ayay wax iska beddeshay noloshiisa kaddiba markii uu u istaagay  inuu shaqaysto. Hadda waa farsamo-yaqaan ka shaqeeya cilladbixinta moobayllada goobna ku leh magaalada Gaalkacyo.

“Waa markii ugu horreysay oo aan shaqaysto oo wax qabsado oo lacag aan shaqaysto oo dhididkayga aan isticmaalo, markii hore waxaan ku fakari jiray qof naafo ah in uusan wax qabsan karin” ayuu yiri Cabdi oo la hadlay Raadiyo Ergo.

Wuxuu sheegay in ay u rumowday riyadiisii ahayd inuu mar uun shaqaysan doono, wuxuu raadiyo Ergo u sheegay in dukaanka hadda u furan uu ku kacay maaliyad dhan ilaa $1,500 oo doolar, dakhliga ka soo gala farsamaynta moobaylladana  uu u dhexeeyo $6 – $10 maalintii.

“Maalmihii hore inkastoo dadka mugdi-mugdi iiga jiray ka bacdi waan soo caanbaxay, markii dadkii barteen in aan farsamo yaqaan ahay, badanaa waa la iikeensadaa taleefonnada in meel farsamo ii furantahay dadka magaalada way ka warqabaan”

Cabdi wuxuu uu ka mid ahaa labaatan qof oo qaba baahiyaha gaarka ah kuwaas oo intooda badan la baray xirfadda cillad-bixinta mobayllada iyo xirfado kale oo dhawr ah sida farshaxanka iyo harqaanka. Ururka maxalliga ah ee Gowdo oo ka shaqeeya horumarinta dadka naafada ah kana hawlgala gobolka Mudug ayaa ugu deeqay tababarka xirfaddan dadka baahiyaha gaarka ah qaba, maantana qaar badanoo ka mid ah ay ku shaqaystaan xirfadihii la baray sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Faysal Mursal Xasan oo ah madaxa ururka Gowdo ee gobolka Mudug.

“Cillad-bixinta mobeyllada waxaan ugu talo galnay dadka gacmaha ka shaqayn kara in ay ka faa’iideystaan fursaddaas maadaama ay yihiin dad kursi-baaskiil ku socda qaarna biro ku socda oo luguhu ka go’an yihiin”Ayuu yiri Faysal

Wuxuu intaas ku daray inay tababarrada xirfadahan ka leeyihiin hadaf ah in dadka naafada ahi aysan iska takoorin bulshada inteeda kale, isla markaasna ay suuqa xorta ah kaalin ka helaan. Ilaa boqol iyo afartan qof oo kale oo naafo ah ayuu sheegay in xirfado ay qaban karaan ay bareen afartii sano ee u dambeeyay.

Xirfaddan cillad-bixinta moobilladu waxay sidoo kale wax ka beddeshay nolosha Axmed Maxamed Maxamuud iyo qoyskiisa oo saddex qof ka kooban. Wuxuu furtay dukaan ay u maalgeliyeen dad qaraabo bishii Abriil  kaasoo $5 oo uu ka helo maalintii ay wax wayn ka beddalay nolosha qoyskiisa. Mar uu la hadlayay Raadiyo Ergo wuxuu soo xasuustay wakhtigii adkaa ee qoyskiisu ku tiirsanaayeen eheladiisa, markaas oo xilliyada qaar ay dhici jirtay in carruurtiisu ay gaajo ku seexdaan.

“Hadda hamigaygu wuu ii fiicanyahay oo hawsha waxay iigu socotaa si wanaagsan, aniga  oo markii horeba xiisaynayay in farsamadan moobayl-samaynta aan barto, maadaama aanan xamaali-karin ama meel kale oo la fuulayo, ama orod kale aanan ka qayb gali karin.” Ayuu yiri  Axmed

Muxyadiin Yusuf Samatar oo ah madaxa arrimaha bulshada ee Dawladda hoose ee Gaalkacyo dhinaca Galmudug ayaa wuxuu tilmaamay faa`iidada wayn ee ku jirta in la tababaro dadka baahiyaha gaarka ah qaba taasoo uu sheegay inay yihiin tab cusub oo ay dadka naafada ahi ku soo bandhigi karaan awooddooda shaqo, isla markaan ay bulshada uga mid noqon karaan.

“In dadka qaba baahiyaha gaarka la baro farsamada nolol bey u tahay is-dhexgalna way u tahay in ay ogaadaan in ay shaqaysan karaan bey u tahay” Ayuu Samatar

Previous Post

Muqdisho: agabka Afxirka ee ka hortaga COVID19 oo dalka lagu sameeyey

Next Post

Qardho: Dooxada Qalwo oo gu’ga la xirmeeyay si ay uga soo kabato xaaluf iyo nabaad-guur ku dhacay

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Puntland oo dhul loo seereynayo xoolo-dhaqatada si ay jiilaalka ugu baxsadaan

Qardho: Dooxada Qalwo oo gu'ga la xirmeeyay si ay uga soo kabato xaaluf iyo nabaad-guur ku dhacay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo