Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Qardho: Dooxada Qalwo oo gu’ga la xirmeeyay si ay uga soo kabato xaaluf iyo nabaad-guur ku dhacay

Radio Ergo by Radio Ergo
April 28, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Puntland oo dhul loo seereynayo xoolo-dhaqatada si ay jiilaalka ugu baxsadaan

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Axmed Xaaji Faarax wuxuu saddex toddobaad ka hor reerkiisa oo wata laba tiro oo ari ah iyo labaatan geel ah u raray dooxada muqla-yar isagoo ka mid ah  dadka sida iskood ah u go’aansday in ay isaga guuraan dhul-daaqsimeedka Qalwo ee degmada Qardho oo ay muddo dheer deegaansanayeen taasoo hadda la xirmeeyay si uu nabaadkeedii u soo noqdo. In kastoo uu xilligan gu’gu yahay waqti ay reer miyigu aad u jecel yihiin in ay ka faa’iidaystaan misna Axmed iyo qoyskiisu waxay fursaddaas ka door-bideen in ay muddo laba bilood ah xoolaha ku soo hayaan deegaan-daaqsimeedyo kale oo ka tirsan gobolka.

“Waxaan uga guuray dooxadaan muddo badan ayay abaar ahayd, xoolihii markay abaarowday way ka kaceen baahi baa timi, waxaan u aragnay  markii dooxadii roob-gabtay xaalufna noqotay ayna dhimatay, waddankiina uu naq  leeyahay in la xirmeeyo ayaanu u aragnay”

Dooxadan oo ku fadhida dhul dhan 25km oo isku wareeg ah ayaa saddexdii toddobaad ee u dambeeyay waxaa ka guuray in ka badan 300 boqol oo qoys kaddib markii roobka gu’gu curtay. Wadatashiyo iyo kulalmo kaddib ayay odayaasha deegaanku ku talinyeen in la nabaadceliyo dooxada oo ay xaalufiyen abaaro iyo dadka badan ee xoola-dhaqatada, sidaas darteed hadda loo  baahan yahay in la nabaad-celiyo si loo intifaacsado oo daaqsin wanaagsan looga helo xilliga xagaaga ee dhow, waqtigaas oo daaqsinku yaraado.

Oday Faarax Maxamuud Ibraahim oo ka mid ah odoyaasha u xilsaaran ilaalinta dooxada wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in roobka gu’ga ee bishii hore ka da’ay meelo ka mid ah Karkaar uu yahay fursad ay uga maarmayaan in dooxada la daaqo.

“Waxaa keenay baahi iyada ka muuqatay, waxaa kaloo sababay maadaama dhulka kale raxmad leeyahay oo ay tahay raxmad baahsan waxa loogu talagalay in lagaga faa`iidaysto si dooxadu dib ugu soo noolaato oo geedkeedii dib u soo noolaado”

Go’aanka odoyaasha xoola-dhaqatada waxaa qayb ka ahaa ganaaxyo ka dhan ah dadka jebiya heshiiska lagu ilaalinayo daaqsinka iyo nabaad-soocelinta dooxada Qalwo ee gobolka Karkaar ee Puntland. Oday Faarax Maxamuud ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in ganaaxyada oo ay qayb ka tahay in dadka xeerka jebiya oo ku xadgudubta xirmada, degta ama xoolaheeda daajisa lacag laga qaado.

Maamulka gobolka Karkaar ayaa odoyaasha si dhow ugala shaqaynaya fulinta xeerka ay ugu talagaleen in lagu ilaalinayo dooxada, sida uu Raadiyo Ergo u shegay Guddoomiye Ku xigeenka Gobolka Karkaar ee Puntland Cabdicaasiis Yuusuf Caamir oo dooxada dhawr jeer kormeeray. Wuxuuna kaluu sheegay in ay dawladdu fulineyso oo ay gacan siineyso wixii awooddooda ka bata odayaasha u xilsaaran ilaalinta dooxada.

Cawska ayaa la filayaa inuu afartan iyo shan cisho kaddib xay daadiyo, kaas oo muhiim u ah in marka dambe ee dooxadu roob hesho uu caws ka badan midkii hore ka soo bixi doono, sida ay hore noogu xaqiijiyeen dadka bartay arrimaha deegaanka.

Xoola-dhaqatada Karkaar ayaa ka faa’iidaysanayay qorshaha xirmada dooxooyinka waa weyn ee daaqsinka teer iyo markii abaaro khasaare xoog leh reebay ay gobollada Puntland ku dhufteen saddex sano ka hor. Dooxada Dharoor ee gobolka Bari ayaana laga bilaabay xirmaynta daaqsinka sannadihii 2018 iyo 2019.

Previous Post

Galkacyo: barashada cillad-bixinta moobayllada oo beddeshay nolosha naafo aan weligood shaqaynin

Next Post

Islam encourages good hygiene during Coronavirus pandemic in Somalia

Related Posts

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Maraakiibta ka jillaabta xeebaha Bari oo galaaftay nolol-maalmeedka qoysas badan

June 23, 2026
Next Post
Islam teaches Muslims not to stigmatise people with diseases like COVID19

Islam encourages good hygiene during Coronavirus pandemic in Somalia

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 03-JUL-2026

IDAACADDA 03-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 03-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUL-2026
July 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUL-2026
July 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUL-2026
July 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-JUN-2026
June 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-JUN-2026
June 29, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo