Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Garowe: Ardayda tuulada Dundumaale oo aan haysan tasiilaadkii waxbarasho

Radio Ergo by Radio Ergo
December 3, 2019
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Garowe: Ardayda tuulada Dundumaale oo aan haysan tasiilaadkii waxbarasho

Qaar ka mid ah ardayda Dundumaale/Maxamed Saalax/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqol iyo siddeed arday oo dhigata iskuul cusub oo laga hirgeliyay tuulada Dundumaale ayaa waxaa ay dhibaato ka haysataa helitaanka kuraas iyo miisas ay wax ku  bartan. Ardayda ayaa derin ku fadhiista xilliyada ay qaadanayaan duruusta.

Cabdikaafi Maxamed Aadan oo 14 jir ah, waxaa uu ka mid yahay ardayda wax ka barata iskuulkan oo la furay bishii Ogoosto ee sannadkan. Waxaa uu subax walbo xaafadda ka soo qaataa derin uu ku fadhiisto xilliga uu fasalka joogo. Cabdikaafi waxaa ay caqabad ka haystaa in uu si wacan arko sabuuradda maaddaama ay meel sare suran tahay.

“Sidaan sabuuradda ugu jeedno. xataa surka ayaa najaba, anigana uma dulqaadan karo, xanuunno jidhka ah ayaan dareemaa saan kor ugu jeedo,” ayuu yiri Cabdikaafi. Qoyska Cabdikaafi oo ahaa xoolo-dhaqato waxaa ay tuuladan soo degeen sanadkii 2016 kaddib markii ay abaar ka laysay xoolihii. Waxaa ay hadda tuulada ku haystaan 30 ari ah.

Maamulaha Dugsiga Dundumaale Falastiin Cabdulqaadir Cawad ayaa sheegtay in macallimiintu ay dhib ku qabaan kuraas iyo miisas la’aanta oo aysan fahansiin karin ardeyda casharka.

“Waaad dareemaysaa ilma yar oo dhulka fadhiya, ma aha qof weyn, ilmaha yar marka uu dhulka fadhiyo surka ayaa daalaya, adigana waxaad rabtaa in aad wax fahansiiso iyana way daalayaan,” ayay tiri Falastiin. Toddobo doolar ayaa laga qaadaa ardaygiiba, waxayna Falastiin tilmaantay in aysan ka badnayn musharka macallimiinta. Waxa ay sheegtay in 30 ka mid ah ardayda oo danyar ah aan wax lacag ah laga qaadin sidaas darteedna macallinkastaa qaato mushar gaadhaya $250 doollar.

Xaawo Maciisha Aw-Maxamed waxaa iskuulka u dhigto labo cunug.

“Anigu labo xasiig ayaan lahaa mid baan siiyay, martidii wax aan siiyo ma leh, carruurtii kale wax aan siiyyo ma leh,” ayay tiri Xaawo.

Xaawo waxay rajo xumo ka muujinaysaa in aqoonta ilmaha la barayaa ay fahmi waayaan maaddaama aysan haysan qeyb ka mid ah tasiilaadkii waxbarasho.

“Waxaa dhici karta in ilmihii waxba arki waayo oo wixii la soo dhigay iyagoo aan waxba ka garaneyn igu soo noqdo ayaa dhacda,” ayay tiri Xaawo oo 30 oo ku dhaqata tuulada.

Iskuulkan agab la’aanta ah waxaa dhistay dowladda hoose ee Garoowe kaddib codsi ay dirsadeen dadka deegaanku, sida uu sheegaayo guddomiyaha Dundumaale Cabdiraxmaan Siciid.

“Kuraas ku ma jirin mashruuca, waxaanan u aragnaa in aan waxba nala ka hagranayn madaxda waxbarashada ee wasaaradda iyo maamulkaba, markaa waxaan ku niyad qabnaa in ay noo imanayaan oo noo keenayaan kuraas,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA ISNIIN 2-DEC-2019

Next Post

Afgooye: Webiga Shabeelle oo laga xiraayo meelaha laga cabsanayo in uu ka fataho

Related Posts

Cayayaan iyo biyo la’aan qasaare galiyay beeralayda deegaanno ka tirsan Sool
Beeraha Iyo Xoolaha

Cayayaan iyo biyo la’aan qasaare galiyay beeralayda deegaanno ka tirsan Sool

February 7, 2026
Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo

February 5, 2026
Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow

February 4, 2026
Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah
Beeraha Iyo Xoolaha

Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah

February 3, 2026
Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay

February 2, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Waayeel iyo dad nugul oo looga guuray deegaan roob la’aan ah oo Hargaysa hoostaga

January 30, 2026
Next Post
Afgooye: Webiga Shabeelle oo laga xiraayo meelaha laga cabsanayo in uu ka fataho

Afgooye: Webiga Shabeelle oo laga xiraayo meelaha laga cabsanayo in uu ka fataho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-FEB-2026

IDAACADDA 07-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-FEB-2026
February 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-FEB-2026
February 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-FEB-2026
February 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-FEB-2026
February 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-FEB-2026
February 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo