Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Afgooye: Webiga Shabeelle oo laga xiraayo meelaha laga cabsanayo in uu ka fataho

Radio Ergo by Radio Ergo
December 4, 2019
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Afgooye: Webiga Shabeelle oo laga xiraayo meelaha laga cabsanayo in uu ka fataho

Qaar ka mid dhallinyada Afgooye oo ka qayb qaadanaaya dadaallo looga hortagayo daadadka/Axmed Sabriye/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Siddeed iyo labaatan dhallinyaro ayaa magaalada Agooyo isu-xilqaamay in carro-tuur ka sameeyaan hareeraha wejibga Shabeelle si ay uga hortagaan fatahaadda uu ku samayn lahaa magaalada iyo beeraha. Tani yaa timid kaddib markii uu webiga qaybo ka mid xaafadaha u dhaw wejiga ku fatahay, inkasta oo aysan jirin qasaaro wayn. Xaafadaha uu ku fatahay ayaa waxaa ka mid ah Aaytire, Dalamey, iyo Baalgure oo ku yaalla agagaarka wabiga.

Siid Cumar Siidow oo madax u ah 28 ka dhallinyada ahaa ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in iyaga oo kaa shanaayo dadka deegaanka ay ilaa afar meelood oo uu webiga ka fatahay. Sidoo kale dhallinyadan ayaa ilaa toban goobood carro-tuur ka sameeyay. Siid ayaa sheegay in dhallinyada habeenkii ay isqaybiyaan si ay uga shaqeeyaan goobaha uu webiga ka fatahi karo.

“Kolay waa wadnaa, macal hooyinkeena iyo gabdhaheena waan isla shaqeyneynaa, marka meeshii looga bahnaa inaan biyaha ku celino ayaa maanta biyihii noogu soo fateheen, hadda ka hor, kolay 2007dii in ay aheyd ayaan umaleynaa mar baa sidaan dhacday isla meehsaan waaye,” ayuu yiri Siid.

Sida uu sheegay Siid, waxaa u daran xaafadda baalgure oo laga cabsi qabo in uu fatahaadda ugu badan ka gaysto wabiga. Sidoo kale waxaa dadaallada looga hortagayo fataadaada ka socdaan tuulaayin ay ka mid tahay, Sagaalaad.

Gudoomiyaha arrimaha bulshada degmada Afgooye Cabdulaahi Xasan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in iyagana ka maamul ahaan ay kor kala socdaan dadaallada ay hormuudka u yihiin dhallinyadan.

“Anaga maamul ahaan waxaan geynay xoogaa kharashaad ah iyo jawaano webiga meelaha uu ka jabsanayo lagu carabuuxinayo,” ayuu yiri Cabdulaahi.

Nabadoon Mursal Abuukar Axmed oo ka mid ah odayaasha dhaqanka degmada Afgooye ayaa sheegay in tan iyo markii uu dhacay burburkii dalka ay meesha ka baxeen guud ahaan howlahaasi lagu dayactiri jiray webiyada..

“Sanad weliba haddii uu biyo xoog leh keeno oo ay banaanka u soo baxaan, beri samaadkii xilligii dowladii dhexe ee Maxamed Siyaad Barre, caratuur ayaa lagu sameyn jiray, makiinado ayaa la keeni jiray oo lagu caratuuri jiray, wax khashin ahna waa laga ilaalin jiray wabiga,” ayuu yiri Mursal.

Previous Post

Garowe: Ardayda tuulada Dundumaale oo aan haysan tasiilaadkii waxbarasho

Next Post

IDAACADDA MAANTA ARBACO 4-DEC-2019

Related Posts

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Barakicin qasab ah oo nolol xumo galisay qoysas laga saaray xeryaha Baydhabo

September 10, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA ARBACO 4-DEC-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-SEP-2026

IDAACADDA 12-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-SEP-2026
September 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-SEP-2026
September 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2026
September 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo