(ERGO) – Siddeed iyo labaatan dhallinyaro ayaa magaalada Agooyo isu-xilqaamay in carro-tuur ka sameeyaan hareeraha wejibga Shabeelle si ay uga hortagaan fatahaadda uu ku samayn lahaa magaalada iyo beeraha. Tani yaa timid kaddib markii uu webiga qaybo ka mid xaafadaha u dhaw wejiga ku fatahay, inkasta oo aysan jirin qasaaro wayn. Xaafadaha uu ku fatahay ayaa waxaa ka mid ah Aaytire, Dalamey, iyo Baalgure oo ku yaalla agagaarka wabiga.
Siid Cumar Siidow oo madax u ah 28 ka dhallinyada ahaa ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in iyaga oo kaa shanaayo dadka deegaanka ay ilaa afar meelood oo uu webiga ka fatahay. Sidoo kale dhallinyadan ayaa ilaa toban goobood carro-tuur ka sameeyay. Siid ayaa sheegay in dhallinyada habeenkii ay isqaybiyaan si ay uga shaqeeyaan goobaha uu webiga ka fatahi karo.
“Kolay waa wadnaa, macal hooyinkeena iyo gabdhaheena waan isla shaqeyneynaa, marka meeshii looga bahnaa inaan biyaha ku celino ayaa maanta biyihii noogu soo fateheen, hadda ka hor, kolay 2007dii in ay aheyd ayaan umaleynaa mar baa sidaan dhacday isla meehsaan waaye,” ayuu yiri Siid.
Sida uu sheegay Siid, waxaa u daran xaafadda baalgure oo laga cabsi qabo in uu fatahaadda ugu badan ka gaysto wabiga. Sidoo kale waxaa dadaallada looga hortagayo fataadaada ka socdaan tuulaayin ay ka mid tahay, Sagaalaad.
Gudoomiyaha arrimaha bulshada degmada Afgooye Cabdulaahi Xasan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in iyagana ka maamul ahaan ay kor kala socdaan dadaallada ay hormuudka u yihiin dhallinyadan.
“Anaga maamul ahaan waxaan geynay xoogaa kharashaad ah iyo jawaano webiga meelaha uu ka jabsanayo lagu carabuuxinayo,” ayuu yiri Cabdulaahi.
Nabadoon Mursal Abuukar Axmed oo ka mid ah odayaasha dhaqanka degmada Afgooye ayaa sheegay in tan iyo markii uu dhacay burburkii dalka ay meesha ka baxeen guud ahaan howlahaasi lagu dayactiri jiray webiyada..
“Sanad weliba haddii uu biyo xoog leh keeno oo ay banaanka u soo baxaan, beri samaadkii xilligii dowladii dhexe ee Maxamed Siyaad Barre, caratuur ayaa lagu sameyn jiray, makiinado ayaa la keeni jiray oo lagu caratuuri jiray, wax khashin ahna waa laga ilaalin jiray wabiga,” ayuu yiri Mursal.