Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Ayax xaalufiyay deegaanno ka tirsan Galgaduud iyo Hiiraan

Radio Ergo by Radio Ergo
November 13, 2019
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
CADAADO:-XOOLO-DHAQATO-BEERALEY-NOQONEYSA

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dhartii ka baxaysay lix degmo oo ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Hiiraan ayaa waxaa waxyeello badan u gaystay ayax ka soo ruqaansa dhanka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Sida ay dadka deegaanka ay u sheegeen Raadiyow Ergo ayaxan ayaa halka uu ku dego muddo nus saac ka yar ku xaalufinayo naqa geedaha saran.

Degmooynka ayaa kala ah Dhusamareb Cadaado, Caabudwaaq, Balanbal Galinsoor, Guriceel iyo Galijir oo ka tirsan Hiiraan.

Ayaxan ayaa la sheegay in inta badan deegaannadan yimid kowdii bishan.

Cumar Barre Maxamed oo ku nool degaanka Laasxadow oo Dhusamareeb 25km waqooyi uga began ayaa isaga iyo qoysaska kale ay ka gureen halkii ay deganayeen kaddib markii uu ayuxu ku degay deegaankooda.

“Hadeer matoorkii Laasxadow, xeryihii cidu deganeyd saf balaran ayuu u heystaa, qiiq asago aad moodo. Bahalkan guduud, madow iyo caddaan ayuu ka dhexeyaa, meesha naqa badan ayuu ku degayaa, labatan daqiiqo mesha uu jogana wuxuu ka dhigayaa beyl cad,” ayuu yiri Cumar.

Cumar ayaa deegaankaas ku dhaqdo 75 neef oo ari ah iyo 12 geel ah kuwaas oo uga haray 250 ari ah 20 geel ah oo uga le’day abaarihii la soo dhaafay.

Dadku ayaa waxay kicinta anyaxan u isticmalayaan koonbooyin ay dhagxaan ku shubeen oo ay ka daba-ruxayaan.

Sidoo kale Cabdi Cabdullaahi Faarax oo ku nool degaanka Gelijir ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa walaac ka muujiyay imaatinka ayaxa, isagoo sheegay in ay ku adag tahay in uu ka guuro deegaanka.

“Ilaa afartan kilo mitir dhul la’eg ayuu hadda heystaa, quraan ayaa lagu aqrinayaa waana la jafayaa oo kicin ayaa lagu wadaa haddase uma heyno tacaal kale,” ayuu yiri Cabdi .

Cumar Barre wuxuu sheegay in uusan weligiis arag anyax, qaab la iskaga kiciyana uusan aqoon u laheyn isago markii hore u heystay wax caadi ah balse mar dambe ogaaday in uu yahay mid dhirta naqa ka cunaya.

“Ubax qurxoon ayuu u eg yahay, baalal ayuu leeyahay, afweyn ayuu leyahay dhuunta meesha wax laga bireeyo wuu ka bireysan yahay, haddana cunadii ka dadan meyso Ilaahay amarkiis marka hore sahan ayaa ka soo horeeya ilaa toban, shan, lix ayaa marka hore imanaysa, labo berri ayay joogayaan, meesha markaas ayuu ka daba imanayaa,” ayuu yiri Cumar oo intaas ku daray in guuxa ayaxa uu ariga iyo geela didinayay.

Mahad Cabid Xuseen oo ku nool degaanka Marodile oo Guriceel 40km waqooyi ka xiga ayaa ka mid ahaa dadka koombooyinka ku dabaqaraacayay ayax.

“Waa lagu kacay waan cirdaynay, waxan ka dhignay waxaan cirdeyno iyo waxaan dilno carruurta iyo dumarka ayaan ku kicinay, oo waan jafnay, maalin dhan ayaan daba ordeynay, xabado waan ku ridnay,” ayuu yiri Mahad.

Deegaannada Ari-cadeys iyo Miro-cowleed oo Gelinsoor ka tirsan ayaa ka mid ah deegaannada roobka dayrtu uu sida fiican u helay bil iyo bar ka hor hase yeeshee dooggii roobku uu ka soo saaray dhirta waxaa baabi’iyay cayayaanka ayaxa oo ku dagay.

Siciid Maxamuud Cadde oo ah aabaha qoys toddob qof oo horay u deggenaa deegaanka Miro-cowleed oo ayaxu ku degay wuxuu hadda ku nool yahay deegaanka Ari-cadays. Wuxuu ka cabsi qabaa in xoolihiisu ay waayaan wax ay cunaan inta roobka kale laga gaarayo maaddaama naqii yaraa ee roobka ugu soo baxay uu ayaxu la tagay.

“Marka hore Caleenta geedka ayuu cunaya laankasta oo geedka ku taalana dhexda ayuu ka jarayaa. Geedku waxa uu u ekaanaya wax qalalay oo qaawan marka xooluhu wax ay ka cunayaan ma leh,” ayuu yiri Siciid.

Cabdikariin Xasan Mohammed oo ah aqoonyahan Cilmiga deegaanka bartay islamarkaana muddo toban sano ah ku shaqaynayay ayaa sheegay samaynta ayaxa uu u gaysto doogga roobka ku dhashay uu kaga daran yahay wax walba.

“Ayaxa marka uu meesha uu kudago waxa uu kureeba ugxaan isga oo muddo kooban jooga, ugxantaas waxa ay awood uleeyihiin in jiilcusub oo bahalkaas ah ay sameeyaan, waxaana dhacday  deegaan aan ayaxa lagu aqoon in lagu arko” ayuu yiri Cabdikariin.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 12-NOV-2019

Next Post

Cudurka shuban biyoodka oo soo ritay in ka badan 50 qof tuulada Saddex-higlo

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Cudurka shubanka oo carruur badan ku soo ridanaya xeryaha lagu barakacay ee Muqdisho

Cudurka shuban biyoodka oo soo ritay in ka badan 50 qof tuulada Saddex-higlo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo