Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Cudurka shuban biyoodka oo soo ritay in ka badan 50 qof tuulada Saddex-higlo

Radio Ergo by Radio Ergo
November 15, 2019
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Cudurka shubanka oo carruur badan ku soo ridanaya xeryaha lagu barakacay ee Muqdisho

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ugu yaraan konton iyo afar qof oo afartan iyo toddobo ay carruur yihiin ayaa uu soo ritay cudurka shubanka  tan iyo toddobaadkii la soo dhaafay. Cudurka ayaa ka dilaacay tuulada Saddex-higlo ee gobolka mudug oo Galkacyo dhanka koonfurta kaga beegan 50 km, sida ay Raadiyow Ergo u xaqiijisay Faaduma Cawil Salaad oo madax ka ah xarunta caafimaadka ee Saddex-higlo. Dadkan ayaa guryadooda lagu dabiibayaa maaddaama  xarunta caafimaadka ee Saddex-higlo aysan lahayn qayb dadka la jiifiyo.

“Gargaarka ayaan u fidinnaa, qofka waxaa waaye in aan ogaanno xaaladdiisa iyo heerka uu joogo fuuqbixiisa, waxaan siina marka hore ORS iyo daawooyin kale oo fuuq celin ah oo soo celinaya jismigiisa waxa kabaxay, Waxaa kale oo aan ku xirna (kaanool) carruurta xaalladooda ay halista tahay ee aan afka waxba ka qaadan karin oo u baahan in la siiyo faleenbooyinka nafaqada,” ayay tiri Faadumo.

Faadumo ayaa sheegtay in celcelis ahaan maalintii 10 qof oo carruur u badan ay xaruntu qaabisho. Xarunta deegaanka ee Seddex-higlo waxaa dhanka dawada iyo mushaarsiinta shaqaalaha kataageera hay’ada saf-UK oo muddo lix bilood uun kahowl galaysa.

Dahabo Axmed Aadan waxay ka mid tahay waalidiinta la halgamaya soo kabashada caruurtooda. Waxaa uu cudurka kaga dhacay laba cunug kuwaa oo ay gaysay xarunta caafimaad ee deegaanka. Waxa ay sheegtay in howl wadeennada isbitaalku u xaqiijiyeen in cudurka shubanka ay la ildaran yihiin carruurteeda.

“Horta ilmaha afku wuu qalalay, cunnada way qaadan waayeen marka afka aan wax u galiyo way soo matagayeen biyahaas cad xitaa calooshooda ma gaarayn, Iyaga oo maliil ah ayaan isbitaalka keenay,” ayay tiri Dahabo.

Sahra Axmed Cali oo ah hooyada qoys 6 qof ah waxaa cudurka shubanku uu ka haleelay wiil 5 jir ah afar-maalin ka hor.

“Waxaa qabatay qandho saa’id ah kaddibna shuban iyo matag ayuu billaabay, isaga oo xaaladiisu liidato oo sidii u fuuqbaxaya ayaan isbitaalka keenay, Hal saac ayaan guriga ku hayay, Markii aan isbitaalka keenay, waxaa la ii siiyay daawooyin sida faleenbooyinka,” ayay tiri Sahro oo ka mid ahayd qoysaskii guryahooda uga barakacay biyaha roobka ee soo rogmaday tuulada.

Guddoomiyaha deegaanka Saddex-higlo Khaliif Warsame Maxamed ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in boqollaal qoys oo guryahooda ugu barakacay todobaadkii hore daadad kusoo rogmaday ay si teel-teel ah ugu soo laabanayaan xaafadaha biyuhu harqiyeen. Waxa uu xusay in dhowr iyo taban guri roobka uu dumiyay.

“Kowdii bishaan 1aad ayay roobabku da’een ilaa 7-dii bisha way socdeen, Waxa ay sameeyen guryaha dadka danyarta ay daganaayeen, ilaa 50 musqulood ayay biyuhu dulmareen oo qaarkoodna dumeen,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Previous Post

Ayax xaalufiyay deegaanno ka tirsan Galgaduud iyo Hiiraan

Next Post

Mudug: Qoysas ka faa’iideysanaya ceel laga qoday Tuulada Farxaan

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Next Post
Ceelwaaq: Ceel laga qoday tuulo oomane aheyd

Mudug: Qoysas ka faa’iideysanaya ceel laga qoday Tuulada Farxaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-JUL-2026

IDAACADDA 07-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUL-2026
July 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUL-2026
July 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo