Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas isgaarsiin la’aan uga barakacay deegaanno ka tirsan Gedo

Radio Ergo by Radio Ergo
September 13, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas barakac ah oo ku tiirsan shaqooyin ay qabtaan carruurtooda

Kaydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Deegaano ka tirsan koonfurta Gobolka Gedo ayaa waxaa labadii bilood ee la soo dhaafay ka go’an hanaanka taleefoonada lacagaha oo ah habka kaliya ee wax loogu kala iibsado deeganadaaas, iyadoo sidoo kale ay ka jiraan abaaro keenay biyo la’aan iyo in xoolihii dadka ka baxaan ay degaanka .

Tuulooyinka ayaa kala ah Dhuyac garoon, Geriley, Cawsquran, Daarasalaam, Dhamaso, Faafaxdhuun, Khadiijo xaaji oo ka tirsan degmooyinka Beledxaawo iyo Ceelwaaq.

Waxaana jira qoysas hor leh oo ka barakacaya deganadaas kuwaaoo raadsanaya goob ay wax ka iibsan karaan, iyadoo dadkaas qaarkood soo gaareen deegaanka Busaar oo ka tirsan degmada Baarhdeere.

Safiyo Aden waa hooyo 48 sano jir ah, qoyskeeduna uu ka kooban yahay ilaa 10 ruux.

Waxay ka mid tahay ilaa 50 qoys oo bishii hore ka soo barakacay deegaanka Cawsquran ee ka tirsan degmada Ceelwaaq.

Waxayna iminka ku sugan tahay tuulada Buusaar, halkaasi oo ay kula nooshahay qaar ka mid ah eheledeeda.

“Walaalow nolosha ciriiri ayay isaga jirtaa, hadda meesha aan nimid waxaan ka helnaa in aan wixii teleefoon aan ku haysano wax ku iibsanno, noloshu waa iska adag tahay, laakiin waa uun dhaannaa meeshii guryahayagu ahaayeen, oo aadan waxba ku iibsan karin” ayay tiri Safiyo.

Safiyo oo ka soo jeeda qoys xoolo dhaqato ah ayaa abaarihii jiray ku wayday 75 neef ari iyo 7 neef oo lo’ah. Waxaana ay la timid 28 ari iyo labo sac oo irmaan ah.

Waxay halkan ku timid gaari ka Soo qaadi deegaankeeda oo 113 km jira goobta hadda ay joogto.

Markii uu istaagay hanaankii EVC, waxaa ay keentay in ganacsigii istaago, taasoo qiimahii raashinka laban laab ka dhigtay.

Maxamed Xuseen waxaa uu ka mid yahay ganacsatada degmada Ceelwaaq.

Waxaa uu Radiyaha ERGO u sheegay in isagu uu ka ganacsan jiray raashinka quutal daruuriga ah, isagoo ka keeni jiray degmooyinka Baardheere, Beledxaawo, iyo Ceelwaq ee dalka Kenya.

“Xuduuddii waa xiran tahay, hanaankii EVC waa xiran yahay, dadkuna ma haystaan lacag iyo hab kale oo ay wax ku gataan, marka ganacsi in aan geeyo meeshaas waxay noqotay dhibaato” ayuu yiri Maxamed.

Ganacsigaan istaagay wuxuu keenay in raashinkii quutal daruuriga ahaa uu qiimihiisa laban laabmo, iyadoo 50kii kilo ee bariiska ahaa oo laba bil ka hor ahaa 17 doolar, uu hadda ka marayo 45 doolar, cid wax ay ku iibsato haysataana aysan jirin” ayuu yiri Maxamed.

Dhibaatada adeeg la’aanta EVC waxaa u dheer dadka dhulkaas ku nool iyadoo xilligaan lagu jiro abaar. Xoolaha wixii socon karayeyna sida geelii loola hayaamay gobollada Jubooyinka.

“Tan kale raashinka marka dadka aysan lacag haysan, waxaa kale oo ay wax ku bedelanayeen xoolo, xoolihiina abaar ayaa kala reebtay, oo mar aan gaari ku marayey maalin dhowyd, neef ariya oo jidka in uu ka gudbo rabay, jidka dhexdiisuu kudhacay oo ku bakhtiyey, waana dhibaatada abaartu ku keentay xoolo dhaqatada, waxna ma iibsan karaan” ayuu yiri Maxamed.

Sahal Macalin Aden oo ah Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Degmada Ceelwaaq ayaa Radiyow Ergo u sheegay in dadka ku nool deegaannadaasi oo u badan dad xoolahoodii ku waayay abaartii deegaannadaasi ku dhufatay ay hadda dhibaato weyn ku qabaan sidii ay u noolaan lahaayeen, isagoo intaasi ku daray in dadku ay dhibaato ka heysato helidda adeegyo muhiim u ah nolosha sida biyaha iyo cuntada.

Sahal ayaa ugu baaqey hay’adaha samafalka iyo DF ee Soomaaliya in gurmad bini’aadinimo ay la soo gaaraan kumananka qoys ee wax yeelada ba’an ay ka soo gaartey abaaraha, biyo la’aanta iyo cunno la’aanta, isagoona tilmaamay in qoysaskaasi ay dhiban yahiin.

“Dhibaatada lama soo koobi karro ilihii biyaha oo ahaa waro iyo ceelal waa qalaleen, isgaarsiintii waa go’an tahay, jidadka Kenya iyo Soomaaliya qaybaheeda ka imanayey waxba kama yimaadaan iyo iyadoo ayan jirin wax lacago ah oo dadkaasi danyarta ah ay ku gataan raashinka daruuriga ah,” Sahal Macalin Aden.

Dhibaatooyinka deegaankaas ka jira ayaa keenay in dadkii ka tegi karayay ay ka barakacaan, iyagoo gaaraya waxay ka kala barakaceen geriley, cawsquran.daarasalaam iyo dhuyac garoon. waxayna u barakaceen deeganada ceelwaaq,buusaat,baladxaawo iyo garbahaatey

Previous Post

Guurka degdegga ah oo dhibaato ku haayo waxbarasha gabdhaha ku nool gobolka Shabeelada Dhexe

Next Post

In ka badan 200 qoysas oo dib u dejin loogu sameeyay Gaalkacyo

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
In ka badan 200 qoysas oo dib u dejin loogu sameeyay Gaalkacyo

In ka badan 200 qoysas oo dib u dejin loogu sameeyay Gaalkacyo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo