Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Guurka degdegga ah oo dhibaato ku haayo waxbarasha gabdhaha ku nool gobolka Shabeelada Dhexe

Radio Ergo by Radio Ergo
September 12, 2019
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Guurka degdegga ah oo dhibaato ku haayo waxbarasha gabdhaha ku nool gobolka Shabeelada Dhexe

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Guurka degdeg ah ee gabdhaha ayaa caqabad ku ah waxbarashada gabdhahaku nool magaalada Ceel-cirfiid.

In ka badan 20 gabdhood oo da’doodu ka yar tahay 16 sano ayaa sannad dugsiyeedkii ku ekaa bishii May ee sannadkan oo kaliya waxbarashada uga haray guurka deg deg ah, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Axmed Xasan Shakuur, maamulaha iskuulka Hoose Dhexe ee Yaasmiin oo yaalla tuulada Ceel-cirfiid.

Iskuulkan oo ay dhigtaan 150 arday oo 80 ka mid ah gabdho yihiin ayaa ardaydu siiya waxbarasho bilaash ah. Maamulka Iskuulku waxay Raadiyo Ergo u sheegeen in guurka gabdhuhu uu saamayn ku yeeshay hab socodka waxbarashada iskuulka.

“Maaddaama lambarkii ardayda is dhimeen, macalimiinta qudhooda waa niyad jabeen. Ardayda cusub ee aan dib u qori lahayn oo aan wax bari lahayn, waalidiintu waxay u arkeen gabadhiiba beriba haddii la guursanayo in aysan daalin, waxbarashada iska dhaafto oo guriga ha ka shaqayso,” ayuu yiri Axmed.

Tuulada Ceel-cirfiid waxay 25 km dhinaca koonfur galbeed ka xigtaa degmada Balcad ee gobolka Shabeelada Dhexe. Carruurta qoysaska deggan tuulooyinka Macalin Mataan, Aqableey, Dirmooley, Muuri iyo Guda-yareey ayaa wax ka barta iskuulkan.

Wiilasha dhalinyarada ah ee tuulada oo ay habeenkii gabdhaha kula haasaawa ciyaaro-dhaqameedyo deegaaanka caan ka ah ayaa samayn ku yeesha gabdhahan iskuulayda ah.

“Gabdhihii oo iskuulka dhiganaayo oo 13-14 sano jir waxbarshadiina meel fiican u marayso ayaa lagu leeyahay xalay ayaa lala baxay. Waxaa kale oo jira caado dhaqameed iyo maseyr ku jira gabdhaha oo la leeyahay hebla waa la guursaday, Sidoo kale, waxbarashada oo aysan fahamsaneyn qiimaha ay leedahay, wiilal gabdhaha tashkiiliyo oo lacag la siiyo oo soo qalqaaliyo ayaa igayana jiro,” ayuu yiri maamule Axmed.

Xasan Toxob oo ka mid odoyaasha tuulada ee Iskuulka kala shaqaynaya in la dhimo gabdhaha guurka uga tegaya waxbarashada ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in uu jirto lacago yarad iyo sooryo ah oo guurka lagu kala qaato, kuwaa oo fududaynaya in gabdhaha la bixiyo.

Wuxuu sheegay in ay ku jiraan wacyi-gelin bulshada loogu sheegayo muhiimada in ilmuhu iskuulka ku neegado.

“Waxaa meesha ka jirta dhaqaale yar oo guurka lagu kaal qaato tasoo soo jii daneyso gadha iyo waalidkaba iyadoo aysan fahamsaneyn caqabadaha ay keeni karaan maadaama  labada isguursatay aysan masuul qaadi karin kadibna fashil ka dhaco,” ayuu yiri Xasan.

Xaliimo Xasan Maxamed, waa xoola-dhaqato ku nool tuulada Caliyaale oo 2km u jirta Ceel-cirfiid, mid ka mid ah saddex gabdhood oo iskuulka u dhiganayay ayaa bishii hore la guursaday.

“Cawadii sidii gableey, caweys  iyo bintoow wax la dhaho oo dhalinyarada dheesho lagu maqan yahay. Gabartii iigu waynayd 15 sano ayay jirtay bishii hore ayaa la watay, laba dhidhinax ayaa hadda ku hartay iskoolkii,” ayay tiri Xaliimo.

Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo mar ahaa safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa shan sano ka hor dhisay Iskuulkan, markii odoyaasha deegaanku ay ka codsadeen in wax laga qabto waxbarasho la’aanta ka jirtay deegaanka.

Maamulka Iskuulkan ayaa qaadaya tallaabooyin cusub oo ay wax kaga qabanayaan gabdhaha waxbarashada uga tegaya guurka, waxayna qorshaynayaan in ay gabdhaha ay baraan xifado ay ka mid yihiin cilaan saarka.

Previous Post

Ayax fara-ba’an ku hayo beeraha gobollada Sanaag iyo Bari

Next Post

Qoysas isgaarsiin la’aan uga barakacay deegaanno ka tirsan Gedo

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post
Qoysas barakac ah oo ku tiirsan shaqooyin ay qabtaan carruurtooda

Qoysas isgaarsiin la'aan uga barakacay deegaanno ka tirsan Gedo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo