Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Ayax fara-ba’an ku hayo beeraha gobollada Sanaag iyo Bari

Radio Ergo by Radio Ergo
September 12, 2019
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
DHOBLEY FARMERS SEE BENEFIT OF WATER CONSERVATION

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cayayaanka ayax oo teer iyo dhamaadkii bishii Juun dul-fadhiyay deeganada Buuralayda gobolada Sanaag iyo Bari ayaa haatan bilaabay in uu baabi’iyo beeraha iyo daaqsinka xoolaha, isagoo u ruqaansanaya aagag cusub, sida ay sheegtay wasaaradda deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada ee Puntland.

Ayaxa oo habeenkii guur guuraya ayaa toddobaadkan si balaaran ugu fiday deegaano uu ka helay qoyaan iyo cagaar oo hoostaga degmooyinka Laasqoray, Badhan, Bosaso, Isku-shuban iyo Qandala oo ka mid ah labadaas gobol kuwaa meelo ka mid ah uu helay roob horudhac ah oo aan badnayn. Laakiin khasaaraha uu geystay ayaa weli xadidan sababtoo ah dabaylaha xoogga leh ee xagaaga oo soc socodkiisa maalintii xakamaynaya.

Toddobaadkii hore, wuxuu ayuxu khasaare lixaad leh u geystay 20 beerood oo yaryar oo ku yaalla tuulada Ceel-daahir ee hoostagta degmada Boosaso, sida uu sheegay Bashiir Samatar Muumin, oo madax u ah iskaashatada beeraleydaas kana mid ah dadka beerahooda wax yeellay.

“Ayaxa waa joogaa, shalay iyo dorraadba beerahayaga ayuu cunay, ayaxa aad buu u joogaa beertii uu galena waxba ka reebi mayo, wixii khudaara ayuu cunaayaa siidhka wuu cunaya, yaanyada kabsarada, barbaroonida,” ayuu yidhi Bashiir

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka cimilada iyo hay’adda maaraynta masiibooyinka Puntland ee HADMA ayaa khamiistii qaylo-dhaan ka muujiyay arrintan. Waxay xaqiijiyeen in ayuxu uu hadda qaarkiis u gudbay deegaanka xoola-daaqeenka ah ee Sarmaayo iyo dooxadda beeralayda ah ee Xallin oo labaduba ka tirsan gobolka Sool.

Labada xafiis waxay sheegeen in aan khasaaraha si dhab ah loo heli karin ilaa ayaxa dhulka laga kiciyo, dabadeedna qiimayn rasmi ah la sameeyo.

Cabdullaahi Axmed Maxamed oo ka mid ah beeralaydaas ayaa Raadiyo Ergo u xaqiijiyay in uusan weli isticmaalin abuur khudaareed (Siidh) isugu jira Basal, Yaanyo, Qare Batiikh, Basbaas, Digir uu ka bixiyay $200 oo qorshuhu ahaa in beerta ku abuuro bishii hore.

“Ilaa hadda ma shubin waan soo iibsaday waa ii yallaan, (hadii uu sii oonalaya) wuu khasaaroobaya dhulkii waa dhul kulul meeshan kuleylka afartan iyo dheeraad ayuu gaadhaa, hadda Basasha bisha lixaad ayey dhacaysaa caadi ahaan lakin marka kulalkeykan lagu daro tobnaad waa dhacaysaa oo dabadeed lama beerankaro,” ayuu yiri Cabdullaahi

Cabdullahi dhaqaale ilaa $3,000 ah ayuu xiliyadan oo kale beerta ka sameeyaa, balse hadda wuxuu waynayaa fursadaas maadama weli ay khatarta ayuxu jirto

“Way adkaanaysaa haddii uu sii joogo (ayuxu), xilligaas baan wax beeraynaa ma orankarno, waxaa noo xigeysa bisha sagaalaad ee danbe, haddii sidan lagu jiro waxaa moodaa in wakhtigii naga dhacayo ilaa Tobnaad, waayo wixi Tobnaad loo gaadho wixii la beero waxay noqonaysaa in shanaad la goosto,” ayuu yidhi Cabdullaahi

Wasiiru-dowlaha deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimimilada ee Puntland  Cabdirshiir Cali Geelle ayaa Ergo u sheegay in ay tageen meelaha uu ayuxu ku habsaday.

“Ayaxu waa aafo ka daran abaarta wuxuu ka tagayaa ugxan hadhowna markay dillaacdo dhib ah, dadka in ay farsamooyin sameeyaan meelaha dooxooyinka qiiq ku shidaan in biro loo tumo ayaan u sheegnay, dabcan wuxuu u baahan yahay diyaarado buufiya kuwaasna waddankeenna ma’yaaliin,” ayuu yiri Geelle.

Previous Post

Adeeg Online taksi ah oo shaqo u abuuray dhallinyarada Hargeysa

Next Post

Guurka degdegga ah oo dhibaato ku haayo waxbarasha gabdhaha ku nool gobolka Shabeelada Dhexe

Related Posts

blank
Wararkii u Danbeeyay

Haween barakac ah oo qoysaskooda uga saaray nolol xumo haysay xirfado ay ku shaqaystaan

July 20, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qorshe lagu horumarinayo Muqdisho oo shaqo la’aan biday barakac iyo danyar

July 17, 2026
Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin
Wararkii u Danbeeyay

Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin

July 17, 2026
Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug
Beeraha Iyo Xoolaha

Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug

July 13, 2026
Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo
Wararkii u Danbeeyay

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo

July 10, 2026
Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 8, 2026
Next Post
Guurka degdegga ah oo dhibaato ku haayo waxbarasha gabdhaha ku nool gobolka Shabeelada Dhexe

Guurka degdegga ah oo dhibaato ku haayo waxbarasha gabdhaha ku nool gobolka Shabeelada Dhexe

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-JUL-2026

IDAACADDA 20-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JUL-2026
July 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUL-2026
July 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-JUL-2026
July 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JUL-2026
July 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUL2026
July 16, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo