Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Adeeg Online taksi ah oo shaqo u abuuray dhallinyarada Hargeysa

Radio Ergo by Radio Ergo
September 12, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Adeeg Online taksi ah oo shaqo u abuuray dhallinyarada Hargeysa
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdullaahi Axmed Xasan oo 32 sano jir ah wuxuu ka mid yahay labo kun iyo siddeetan dhalliyaro ah oo ku nool Hargeysa, kuwaas oo lixdii bil ee u dambeysay shaqo ka helay shirkad Dhaweeye la yiraahdo oo isku xirta gaadiidka yar yar ee kirada iyo macaamiisha.

Wuxuu ku shaqeystaa gaari ay leedahay shirkadda, kana diiwaangashan oo maalin kasta uu ka bixiyo toban doollar.

Cabdulaahi ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in shaqadan ay ka dabbartay nolosha qoyskooda oo ka kooban toddobo qof. Waxaa maalinkii kasoo gala gaarigan yar soddon ilaa afartan doolar inta u dhaxeysa.

Kirada gaariga marka uu iska bixiyo waxaa u soo hara dhaqaale ku filan waxbarashada afar carruur ah oo ay walaalo yihiin oo uu bil kasta ka dhiibo $55. Maalin kastana wuxuu biil ahaan qoyska u siiyaa $8.

Wuxuu xusay in habkan cusub uu u sahlay in ay si fudud isu helaan isaga iyo macmiilka u baahan in la qaado. Waxay dadku inta badan ka soo dalbadaan qaab online ah waxaana lacagta internetka maalintii uga baxda nus doolar. Wuxuu aaminsan yahay in adeegani yahay mid loo baahnaa maaddaama maalin kasta ay is baranayaan dad cusub oo kireysta.

“Suuq badan ayaan haystaa, application ayaa la iga soo codsanayaa, xafiiskii ayaa la iiga soo sheegayaa qofkii u baahnaa ee soo wacay waan u tagayaa, moobilkayga gacantana waa la iga helayaa mar kasta.”

Dadka aan haysan telefoonnada casriga ah ee internetka ku xiran waxay toos ula xiriiraan telefoonnada shirkadda oo boorar magaalada ku dheggan iyo idaacadaha laga xayeysiiyay, waxaana sidaas loogu xiraa taksiilaha ugu dhow.

Adeegga ay ku shaqeyso shirkaddani wuu ka lacag hooseysaa marka loo eego gaadiidka yar yar ee kale ee ka shaqeeya magaalada. Halkii km waxaa ay ku qaadaan 5,000 shilinka Somaliland ah una dhiganta $0.5, halka kuwa kale ay ku dhaqaaqaan ugu yaraan $2.

Shirkadda waxaa wadajir u sameeyay dhallinyaro gudaha jooga iyo qurbajoog, gaadiidka yaryar hadda lagama qaado wax khidmad ah, hase yeeshee qorshuhu waa in sanad kaddib wax laga qaado. Waxaa xafiisyada shirkadda ka shaqeeya 116 qof oo qaabbilsan la-socodka gaadiidka, qabashada telefoonnada macaamiisha, hagista wadeyaasha iyo maamulka.

Farax Ayaanle Dayax-weerar oo ah madaxa xafiiska warbaahinta iyo horumarinta ganacsiga ee shirkadda Dhaweeye ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay inay maalin kasta adeeggooda isticmaalaan macaamiil gaaraya celcelis ahaan toban kun oo qof.

Waxay ka warrameysaa caqabadaha ay arkeen ee ku dhaliyay hirgelinta adeeggan.

“Waxaan aragnay alaabihii oo aad gaadhigi kaga dhex tagto oo aan tixraac lahayn oo lala baxsado, hablihii ayaan isku aamini jirin gaadiidka yaryar maaddaama ay cid walba wadato, dumarkii habeenkii iskuma aaminayn. Gaadiidkii ayaan shaqo fiican haysan oo qofkii u baahnaa wuu u soo lugeyn jiray isagoo lacag haysta, markaa habkani ayaa isku xidhaya waxaas oo dhib oo jiray, hadda way diwaangashan yihiin wixii kasta ee dhaca shirkadda ayaa lagala xisaabtamayaa.”

Gawaarida adeeggan u diiwaangashan oo 2080 ah waxay shirkaddu leedahay konton ay u dhiibtay dhallinyaro aan haysan gawaari ay ku shaqeystaan, waxaana marka laga tago khidmadda laga qaato inta kale ee ay maalintii helaan ay u tahay faa’ido aan lagu faragelin.

Wadeyaasha la diiwaangelinayo waxaa khasab ah in ay xeer-ilaalinta Somaliland kala yimaadaan warqad caddeynaysa in ay dambi-la’aan yihiin, inay haystaan ruqsadda gaadiidka lagu wado iyo in ay yihiin wadeyaal shaqada yaqaanna.

Guuleed Ibraahim Ismaaciil oo ah 26 sano jir ka qalinjebiyay jaamacadda Hargeysa sanadkii 2017 ayaa ka mid ah dhallinyarada adeeggan cusub iska diiwaangeliyay. Sanadkii u dambeeyay ayuu taksiile ahaan ugu shaqeysanayay markii uu waayay shaqo kale.

Ka hor inta aanu billaabin shaqadan waxaa uu sheegay in marka uu ugu badan yahay heli jiray 5$ ilaa $8 maalinkii, fursad uu qof ku qaado waxay ahayd mar ama labo marka ay ugu badato. Wuxuu taagnaan jiray saacado badan, maalmaha qaarna shaqo ma heli jirin. Waxaa uu ka waramayaa hadda markii uu adeegan helay waxaa iska beddelay kharashkii soo gali jiray iyo shaqadii uu qaban jiray.

“Shaqadan intii aan kusoo maray nolosheyda waxbaa iska beddelay, lacag aad u fiican ayaa i soo gasha, maalinta ay ugu yar tahay soddon doolar ayaa isoo gasha. Markii hore dhaqaalahaygu wax badan muu ahayn haddase waan awoodaa oo nolosha qoyskayaga anigaa ku filan.”

Habkan oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo dad badan ay uga dhex shaqeeyaan magaalada Hargeysa ayaa caqabadda ugu weyn ee uu la kulmo ay tahay internetka oo xilliyada qaar go’a.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA ARBACA – 11 – SEPT – 2019

Next Post

Ayax fara-ba’an ku hayo beeraha gobollada Sanaag iyo Bari

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
DHOBLEY FARMERS SEE BENEFIT OF WATER CONSERVATION

Ayax fara-ba'an ku hayo beeraha gobollada Sanaag iyo Bari

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo