Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

In ka badan 200 qoysas oo dib u dejin loogu sameeyay Gaalkacyo

Radio Ergo by Radio Ergo
September 13, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
In ka badan 200 qoysas oo dib u dejin loogu sameeyay Gaalkacyo

Kedka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Kayf Maxamuud Faarah, waa 47 jir, haysata qoys 12 carruur ah ka kooban. Waxay toddobaadkii tegey degtay guri laba qol ka kooban oo looga dhisay duleedka magaalada Galkacayo.

Waxay hadda aad ugu faraxsan tahay dhulka iyo guriga la siiyay, oo halka uu ka dhisan yahay ay ka heli karto adeegyada bulshada, sida biyaha. Kayf waxay ka soo barakacday deegaanka Galaadi ee dhulka dowlad deegaanka Soomalida Itoobiya sandkii 2015.

Waxay deegaanka isaga Soo guurtay kadib markii ay abaar ka laysay 180
neef oo ari ah. Saddexdii sano ee la soo dhaafay waxay ku noolayd xerada
barakaca Taallo-cad oo ay uga dhisnayd aqal cooshad ah oo ka samaysan maryo iyo baakado. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in muddo 4 sano ah oo ay Gaalkacyo joogto ilaa laba jeer si khasab ah looga raray dhul ay deggeneyd.

“Kulayl baan ku qabnay buushka. Waxaan ku qabnay dayac oo meel wax
la dhigan karo ma ahayn waxkasta oo aan kahelno bahalada sida daanyeerada ayaa naga cuni jiray. Raashin ma dhigan kartid, sidoo kale bac iyo maryo la isku dhajiyay ma aha kuwa kaa celinaaya roobka, oo waxaa dhici jirtay in daad naqaado oo habeenkaas oo dhan ilmaha aan kor u hayno,” ayay tiri Kayf.

Waxay Kayf ka mid tahay boqol iyo laba qoys oo laga kale keenay todoba xero lagu barakacay oo ku yaalla daafaha iyo gudaha Gaalkacayo oo todobaadkii tegey la dejiyey guryo loo dhisay. Waxaana qoys walba halkaas laga siiyay guri ka kooban laba qol, dayr iyo musqul.

“ Hadda waxaan haysta guri dhinac walba ka dhamaystiran oo aan anigu leeyahay, biyahana noogu dhinac xiran yihiin,” ayay tiri Kayf.

Waxay sheegtay in ay ku tiirsan tahay raashin koomboyin ah oo ay ka hesho qoysas magaalada degan oo qaraabo ay yihiin, balse waxa ay wada qorshe ay ganacsi yar ay ku samaysanayso iyadoo caawinaad ka helayso qaraabadeeda.

Mashruuca Guryahan lagu dhisay oo ay bixisay UNHCR ayaa waxaa dhulka ku deeqay maamulka gobolka Mudug, waxaana markii la dhamaystiray qeybta koobaad ee barnaamijkan si rasmi ah ugu wareejiyay qoysaska dib-u-dajinta u baahna maamulka gobolka. Guryaha waxaa wehliyay adeegyada bulshada sida biyaha oo si bilaash ah ay ku helayaan qoysaskan, balse xarumaha caafimaadka iyo waxbarashada yaanan la hayn.

“Waayo xiligii hore dhulka mala idinka cayrin mase waa joogin ayaan kujiray, laakin markaan hanbaa noo dilaacay,” ayay tiri Kayf.

Najma Cumar Nuur oo ah hooyada qoys 6 qof ah, waxay ka soo barakacday deegaanka Oodwaa oo ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Itoobiya. Muddo 3 sano ah ayay ku nooleed xerada barakaca ee Buulo-agoon oo 6 Km Gaalkacyo u jirta. Goobta ay deganayd oo aad uga fog ceelka biyaha ayaa dhibaato ku ahayd in ay biyo qoyskeeda u hesho, waxayna dantu ku khasbi jirtay in ay iibsato.

“Dhowr jeer, rag kufsi u geysta haweenka ayaa i soo hungureeyeen. Xilli habeen ah ayaan ku kacay nin buushka hoostiisa soo xaluulanaya, markii aan kacay ayuu toosh indhaha iga qabtay dabeedna wuu cararay, waase ka badbaaday, balse hadda meel nabad aan dareemayo ayaan todobaadkaan ku hoyday,” ayey tiri Najma.

Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa bixiyay dhulka, isla markaana fududeeyay dib-u-dejinta qoysaska, sida uu noo xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur. Waxa uu tilmaamay in maamulkiisa uu mas’uuliyad gaar ah iska saaray in dadkan ay helaan xuquuq deegaan.

“Tirada dadka aan u qorshaynay waa kun qoys laakiin hadda inta diyaar noqotay waa 202 qoys oo ah tijaabadii u horeysay ee halkaa dagay, UNHCR ayaa keentay mashruuca waxaana fulisay Hay’adda DRC, waxaan ku talo galnay in dadka aan kasaarno barakaca,” ayuu guddoomiyaha.

Previous Post

Qoysas isgaarsiin la’aan uga barakacay deegaanno ka tirsan Gedo

Next Post

Afmadow: Beeralaydii uu gu’gu seejiyay oo cunto la’aan la daaladhacaya

Related Posts

blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
Next Post
Kismaayo: Tababar ku dhiirrigeliyay dadkii Dhadhaab ka noqday inay beerahoodii dib u tacbadaan 16 December, 2016

Afmadow: Beeralaydii uu gu’gu seejiyay oo cunto la’aan la daaladhacaya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-JUN-2026

IDAACADDA 04-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-MAY-2026
May 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo