In ka badan 600 oo ka mid beeralayda yar yar ee degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose ayaa wajahaya duruufo nololeed iyo cunto yaraan, wixii ka dambeeyay gu’igii. Xilligaas oo beeralaydu ku tacab beeleen wax soo saarkii ay filayeen maadama uusan deegaanku helin roob ku filan.
Xaaladda nolosha beeralaydaas waxaa warbixintan ku eegaya weriyeheenna magaalada Kismaayo Axmed Cabdi Toronto.









