Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Dowladda oo billowday in shahaadada dugsiyada sare la geeyo gobollada

Radio Ergo by Radio Ergo
September 19, 2019
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Dowladda oo billowday in shahaadada dugsiyada sare la geeyo gobollada

Maxamuud Maxamed Cali oo ka mid ah ardayda heshay shahaadooyinka dugsiga sare/ Muxyadiin Musni/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maxamuud Maxamed Cali oo ah 20 jir wuxuu ka mid yahay ardaydii ugu horreysay ee shahaadooyinkooda dugsiyada sare ku qaata magaaladooda Baydhabo, iyagoo aan ku khasbaneyn inay u safraan Muqdisho oo ay tagaan xarunta Wasaaradda Waxbarashada ee xukuumadda federaalka ah.

Arrintan oo qeyb ka ah dadaallada lagu baahinayo adeegyada dowladda ayaa markii ugu horreysay ka dhaqan-gashay xarumaha dowlad-goboleedyada Koonfur-galbeed, HirShabeelle, Galmudug iyo Jubbaland. Bixinta shahaadooyinka oo weli socota ayaa ka soo billaabatay bishii hore ee Agoosto.

Maxamuud, wuxuu ka mid yahay ardayda sanad-dugsiyeedkii dhamaaday u fadhiisatay imtixaanka dugsiga sare ee wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ee la qaaday bishii May, waxayna qaadashada shahaadada u suurtagelisay in uu ku biiro kulliyadda maamulka ee Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya.

Xafiiska wasaaradda waxbarashada Koonfur-galbeed ayuu iska diiwaangeliyay, maaddaama uu doonayay in shahaadadiisa loogu keeno Baydhabo, isagoo ka faa’ideysanaya heshiis ay wasaaradda waxbarashada federaalka ah la gashay kuwa dowlad-goboleedyada. Farriin-qoraaleed ayaa loogu sheegay in shahaadadiisa la keenay, sidaas ayuuna xarunta wasaaradda uga doontay.

“Waxay nooga dhigan tahay ee in wasaarada waxbarshada tilaabo hor leh qaaday, maaddaama markii hore safar dheer la galayay, Muqdishana laga doonayay, oo marka aad Muqdisho tagtana aadan aqoon u lahayn xafiiska wasaarada meesha uu ku yaallo oo aad dhibaata aad u badan kala kulmeyso, kasii daran aad galeyso qarash fara badan oo aad safar wadada ah mareyso, marka waxaa noo cad in tillaabo hor leh inay wasaarada qaaday ayaa noocad. aad ayaa ugu faraxsanahay, maaddaama qarash naga bixi lahaa, laga yaaba dadka qaar in marka Muqdisho tagaan cid ka horeyso aanay jirin oo hotel iyo qarash kale sii galaan, Tan aad ayaan ugu faraxsannahay in anagoo gurigeena joogno imtixaanka aan galno, sidoo kalena anagoo gurigeena joogno shahadadaana helno,” ayuu Maxamuud.

Dugsiga hoose, dhaxe iyo sare ee Al-Macrifa oo ah iskuul gaar loo leeyahay ah ayuu dhiganayay oo imtixaanka uu ka soo galay. Wuxuu imtixaanka ku galay xarunta Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya oo ka mid ah afar goobood oo ardayda Baydhabo looga qaadayay imtixaannada dugsiyada sare. Hase yeeshee imtixaankii dowladda oo keliya uma fariisan ee sidoo kale waxaa uu iskuulkooda ku galay imtixaankii dalladaha, waxaana uu haystaa labo shahaado.

Baydhabo iyo Muqdisho ayaa diyaaradda sii socod iyo soo socod lagu raacaa $200, halka qofkii gaadiid dhulka ku marayana ay ku baxdo $60 oo sii socod iyo soo noqosho ah.

Tirada ardayda Baydhabo ee tan iyo toddobadii bishan shahaadooyinka dowladda qaatay waa 160 arday, sida uu noo sheegay Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan oo ah agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Koonfur-galbeed.

Laakiin waxaa sanadkan imtixaanka dowladda u fadhiistay 2,363 arday oo ka baxay 53 dugsi sare oo ku yaalla deegaannada Koonfur-galbeed.

Ardayda Soomaaliyeed ee gala imtixaanka dowladda waxay markii hore caqabado kala kulmi jireen helista shahaadooyinka, maaddaama uu dhaqaale badan uga bixi jiray safarka, ayna u baahnaayeen lacag ay isticmaalaan inta ay Muqdisho joogaan. Mararka qaar waqti badan ayay ku noqnoqon jireen xarumaha dowladda si ay u helaan shahaadada.

Maxamed Shuuke Shire, wuxuu ka mid yahay ardaydii dhibaatada u maray helidda shahaadada. Wuxuu ku baasay imtixaamkii ay ka qaadday dowladda markii uu dhameeyay dugsiyga sare ee Cabdullaahi Ciise ee maagaalada Gaalkacyo sanad-dugsiyeedkii 2015/16.

Safar ayuu u galay magaalada Muqdisho si uu u helo shahaadada.

“Qarashka ugu badan waxa uu iiga baxay safarkaygii Muqdisho aan ku aaday kuna soo laabtay. Lacagta runtii markaas way igu adkayd oo nin dhallinyaro ah ayaan iska ahaa laakiin familka ayaan ka helayay. Mana jirin runtii in shahaadada laga helayay Gaalkacyo ama gobollada dhexe, Muqdisho ayaan u raadiyay oo darteed safar u galay,“ ayuu Maxamed oo ka sheekaynaayo si uu ku helay shahaadadiisa.

Maxamed oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in uu markii uu tahay magaalada ay u ku adkaatay in uu la qabsado, sidoo kale ay ku adkaatay in uu si joogto u helo lacag uu mar walbo ku raaco taksi.

“Muddo bil ku dhow ama 4 toddobaad ah ayaan tagayay xafiiska dalladda iyo midka wasaaradda. Xafiisyadana runtii mararka qaar iridda ayaa lagugu celinayaa oo waxaa lagu leeyahay dadkii ay quseeyeen way maqan yihiin, Haddii aan sii joogi lahaanna ma heleen oo aanan xamar tagi lahayn,“ ayuu yiri Maxamed.

Ardayda in ay shahaadooyinkooda ku qaataan magaalooyinkooda waxay ka dhalatay kulamo xiriir ahaa oo wasaaradaha waxbarashada dowlad-goboleedyada iyo tan federaalka ah ay horay ugu yeesheen magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Dhuusamareeb, kuwaas oo looga hadlay wada-shaqeynta wasaaradaha heer federaal iyo heer maamul-goboleed, sidoo kale waxaa jiray heshiis isfaham ahaa oo u dhaxeeyay wasaaradaha oo ku saabsanaa daadajinta adeegyada waxbarashada oo bixinta shahaadooyinka ay ku jiraan, sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Cabdullaahi Cali Cabdi oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada HirShabeelle.

Deegaannada maamulka HirShabeelle, waxaa tan iyo labadii Agoosto oo shahaado bixinta ay ka billaabatay, qaatay shahaadooyinka 350 arday oo qeyb ka ah 600 oo dalbatay in loo daabaco. Sida uu agaasimaha xaqiijiyay.

Waxaa sanad-dugsiyeedkii dhamaaday imtixaannada dugsiga sare ee dowladda u fadhiisatay 1,800 oo arday oo ka baxay dugsiyo sare oo ku yaalla deegaannada maamulkaas.

“Wasaaradaha waxbarashada dowlad-goboleedyada iyaga ayaa ardayda xogtooda haya; sida ardayga natiijadiisa, ardayga xarunta uu imtixaanka ku galay, haddii uu baasay iyo haddii uu dhacay … arday kasta xafiiska wasaaradda waxbarashada ayuu tagayaa, wax shuruud ah iyadoo aan lagu xirin ayuuna halkaas shahaadadiisii ka dalbanayaa, foom waxaa jira la dhaho ‘foomka dalabka shahaadada’ oo ardayga sawirkiisa iyo xogtiisa lagu qoraayo, foomkaas ayuu ardayga buuxinayaa, natiijadiisiina inta badan xafiisyada wasaaradaha waxbarashada dowlad-goboleedyada ayay taallaa, sidaas ayuuna shahaadadii ku dalbanayaa. Waqti ayaa loo qabanayaa cayiman oo aan afar maalmood/saddex maalmood ka badneyn, waqtigaas ayuu shahaadadiisa uga qaadanayaa isla meeshii uu xogta ku buuxiyay,” ayuu yiri agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada HirShabeelle.

Agaasimaha ayaa intaa ku daray in ardayda shahaadooyinka dalbanaya uu maamulkooda ka qaado khidmad gaaraysa $35 oo daabacaadda shahaadada iyo in Xamar looga soo qaado ah.

Wuxuu tilmaamay in shahaadooyinka hadda lagu daabaco magaalada Muqdisho, balse uu qorshuhu yahay in sanadka soo socda qalabka daabacaadda la keeno xaruntooda si la mid ah xarumaha dowlad-goboleedyada kale.

 

Previous Post

Biyo dhaamin laga sameeyay gobolka Gedo

Next Post

Biyo-qabatin laga hirgeliyay degmada Burco

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
KA FAAÍIDAYSIGA BIYAHA ROOBABKA

Biyo-qabatin laga hirgeliyay degmada Burco

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-MAY-2026

IDAACADDA 11-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-MAY-2026
May 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-MAY-2026
May 7, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo