Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Biyo dhaamin laga sameeyay gobolka Gedo

Radio Ergo by Radio Ergo
September 19, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Biyo-la’aan boqollaal qoys ka barakicisay tuulooyin hoostaga Xudur

Sawirrada Kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ganacsatada deegaanka Buurdhoobo oo dhexdooda iska aruuriyay dhaqaale iyo dad qurbajoog ah ayaa iyaga  oo kaashanaya maamulka magaalada Buurdhuubo bilaabay biyo dhaamin ay u samaynayaan dadka xoola dhaqatada ah oo wali ku danbeeya todobo tuulo oo bariga iyo konfur ka xiga magaaladda Buurdhuubo, kana fog webiga Jubba oo u jira ilaa 50km.

Gudoomiyaha magaalada Buurdhuubo Xassan Maxamud Cali ayaa Radio Ergo u sheegay in ilaa 1500 qoys oo xoola-dhaqata ah ay ka faa’iidaysteen biyo dhaaminta oo hadda socotay muddo labba todobaad ah.

Deegaannada laga sameeyay biyo dhaaminta ayaa waxaa ka mid Qaydo, Ceelwaran, Bay-Guduud, Washaqa-daar, Dhidid, Weeldheel, iyo Caro-dhuubo.

“Guddi ayaan samaynay ,gudiga abaaraha ayaa shaqeeya ,maalin walba inta u suura gasho oo lacag ah oo gacantooda ku soo dhacda ayey booyadaha biyo ku saaran ,” ayuu yiri gudoomiyaha Degmada Buurdhubo.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in biyo dhaaminta ay socon doonto inta laga hellaayo roobka dayrta oo la filayo in uu da’o bishaan dhamaadkeeda ama bisha soo socota.

Xassan Xareed Cumar waxaa uu ka mid yahay dadka xoola-dhaqatada ee loo sameeyay biyo dhaaminta ee ku nool badiyaha Buurdhoobo oo ujira ilaa 40km  oo kaga beegan dhinaca konfurta.

Waxaa uu Radiyow Ergo u sheegay in qoyskiisa oo ka kooban sideed qof, sidoo kalena haysta lixdan neef oo  adhiya oo aroori-waayey  uu u hellay shan foosto oo biyo ah. Biyahaas ayuu sheegay in qaarna xoolahii aroori waayay la siiyay, halka qaybta kalena uu reerka ugu tala galayn in ay cabaan.

Wuxuu u mahadceliyay maamulka iyo dadka kale eek a qaybqaatay biyo dhaaminta, isagoo ka codsaday in ay siiwadaan.

Xassan ayaa Idaacadda Raadiyow Ergo u sheegay in xoolaha iyo dadkaba xaga biyaha ay ku tiirsanayeen Ceelasha iyo waraha balse dhamaan ilihii biyaha ay qalajisay  abaarta  mudada dheer ee labada sano ah  ka jirtay deegaanka.

Wuxuu sheegay in ay xoolunhu uu u aroorin jiray wejiba oo u jira 32km  welina ay inta badan ku tiirsan yihiin. Wuxuu walaac ka muujiyay in hadda wixii ka dambeeya ay ku adkaan doonto in ay xooluhu u arooraan wejiga.

“Xolaha markii hore waa la xarbinaayey, waa laga gacmo daystay,  isbuucan ilaahay haduusan soo gaadhin ama faraj kale nookeenin, khatar ayay ku  jiraan” ayuu yiri Xasan oo ka mid ah dadka deegaanka Dhidid .

Xassan ayaa sheegay in bishaan gudaheeda ay ka dhinteen shan neef oo adhiya iyo labba dameer ilaa 100 neef oo kalena ay hadda halis u yihiin in ay u dhintaan biyo la’aanta jirta awgeed.

Maxamed Dhoore Xassan waxaa uu ka mid yahay ganacsatada degmada Buurdhuubo, waxaa uu Raadiyow Ergo u sheegay in dadka xooladhaqatada ah ee ku nool dhulka baadiyaha ee hoos imaada Buurdhuubo ay haysato xaalad adag oo abaar ah.

Isagoo xusay in dadka iyo duunyaduba ay halis ugu jiraan in ay u geeriyoodan biyo la’aan haysata deegaannadaas.

Waxaa uu sheegay in arintaas ay iyagu ku qasabtay in ay biyo dhaamin sameeyaan si ay dadka biyo u la gaaraan.

Maxamed ayaa sheegay in ay soo kireeyeen ilaa 15 booyadood iyo matooro biyaha webiga ka dalaca oo booyadaha ku shuba, waxaa uu sheegay in calaa booyad ay ku soo kireeyeen lacag 50 doolar.

“Dadka hadde isku mid ma ahan, nin baad arkaysaa baabuur foostooyin saaro, dariiqa isaga la mara la ordaa ayaad arkaysaa, dad wax (dhaqaale) isku dardara ayaad arkaysaa, oo yidhaahda war niyow dadkaan masaakiinta ee durka ku dhimanaaya, hadaan wax haysano aan wax isku gaygayno,” ayuu yiri Maxamed.

Maxamed Nuur Cabdi oo ka mida xooladhaqatada Buurdhuubo kuna nool deegaanka Washaqa-daar, waxaa uu sheegay in ilaa 15 neef oo adhiya oo awoodi wayay in webiga u arooraan ay haraad uga  dhinteen.

“Adhiga mar dhow ayuu bilaabay in uu aroorka awoodi waayo, marki hore waxaan bilaabay in aan u iibsho laba foosto oo biyo ah, waad dareemi kartaa adhina kuma filno, cidana ma waraabiso,adhiga waxii soo hadha maba la raadiyaba, ma ba loo noqdoba, danta ayaa dadka ku qasabtay, haddii la raadiyo maxaa lagu soo qaaadi, maxaa lagu waraabini waaye,” ayuu yiri Maxamed oo ah abbe 11 carruur ah haysto.

 

 

 

 

 

 

 

 

Previous Post

IDAACADDA MAANTA ARBACA 18-SEPT – 2019

Next Post

Dowladda oo billowday in shahaadada dugsiyada sare la geeyo gobollada

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Dowladda oo billowday in shahaadada dugsiyada sare la geeyo gobollada

Dowladda oo billowday in shahaadada dugsiyada sare la geeyo gobollada

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo