Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Biyo-qabatin laga hirgeliyay degmada Burco

Radio Ergo by Radio Ergo
September 20, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
KA FAAÍIDAYSIGA BIYAHA ROOBABKA

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dadka ku nool deegaanka Warta-Buraale oo magaalada Burco dhinaca waqooyi ka xigta 85km ayaa samaystay biyo qabatin, si ay biyo uga helaan iyaga iyo xoolahooda.

Degaankaan oo aan lahayn ceel biyoodyo ayaa ahaa meelaha abaarihii la soo maray ay sida xun u saameeyeen, iyaadoo biyo la’aanna looga hayaami jiray sanad kasta.

Todoba bilood oo ay qodayeen biyo xireenkaan, hadda way dhameeyeen waxaana u galay biyo ku filan dhowr bilood.

Faadumo Cismaan waxaa ay ka mid tahay xooladhaqatada degen degaankan, waxay ka qayb qaadatay qodista biyo xireenka.

“Rag iyo dumarba subaxii ayaan ku dareeraynay, markasta boqol qof ka badan ayaan ku geleynay, qof qoda, mid ciidda ka tuura, mid raashinka iyo biyaha dadka u diyaariya, si iskaashi ah ayaan hawsha ku bilownay kuna dhamaynay, si biyo qabatinka aan u hirgelino” ayay tiri Faadumo.

Faadumo waxaa ay bixisay marka xoogeeda laga soo tago 3 neef oo ariya, iyadoona haysata 25 neef oo uga soo doogay abaarihii.

“Waxaan xoogayga iyo xoolaha yare ee aan haysto u bixinayay waa in aan ka nasto in aan biyo la’aan uga guuro sanad kasta, anigoo labadii sano ee la soo dhaafay saddex goor biyo la’aan uga hayamay deeganka,” ayay tiri Faadumo.

Faadumo iyo odaygeeda oo wada nool waxay haystaa todobo carruur ah, waxay marka biyo la’aantu ku dhacdo deegaanka u guurayeen tuulada Gebagebo oo iyadu leh ceel matoor ah una jirta 65 km, waxaana nolol u ah wixii ay ka iibsadaan arigaas yar ee ay haystaan, iyadoo ay ku waayeen abaartii laba sano ka hor 150 neef oo adhiya iyo laba awr.

Cabdi Cilmi waa odayaasha tuulada, wuxuuna gudoomiye u yahay gudi 7 qof ah oo loo xilsaaray hawsha qodista biyo xireenka.

“Deegaanka marka biyo la’aantu ka dhacdo wixii guuri karayaa waa gurayeen, waxayna dadka hayaamaa dul saar ku noqonayaan deegaano kale waana dhibaato, haddana mar kale ayay dib u soo noqonayaan marka roobku da’o, dhibtaas ayaanan doonaynaa inaan ka baxno” ayuu yiri Cabdi.

Wuxuu sheegay in ay ku qaadatay todoba bilood, dadkuna gacantooda ay ku qodayeen, iyadoo ay dadka iska ururiyeen 10 geel iyo 100 ariya, oo laga qayb dhigay kharashkii ku baxay qodista, iyagoona u qaday biyo xireen 150 mitir dherer ah, 150 mitirna balac ah, halka hoosna u qodan yahay 3 mitir.

“Ilaahay xamdigii waa nagu guuleeyay, hadda waa buuxdaa, oo biyaha ku jira qiyaasta 8 bilood inay na hayaan ayaan rajaynaynaa” ayuu yiri Cabdi

Dadka ku hara ayaa biyo iiba looga keenayay magaalada Burco, iyagoo qiimo 4 doolar foostadii loogu keenayay tuulada.

Hadda dhibtaas waa ka baxeen oo iyaga iyo xooluhuba baligaan ayay ka cabayaan oo u ah biyo.

Nuur Jaaamac oo ka mid ah ragga xoogooda ku qoday biyo xireenkaan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in isku daygoodii ay ku guulaysteen, ayse quud daraynayaan in ay goglaan bac, si biyaha ay wakhti intaan ka sii badan ugu sii jiri karaan biyo xireenka.

Nuur waxa uu kaga qayb qaatay 5 neef oo ari ah iyo xoogiisa isaga iyo laba wiil oo uu dhalay waxaanay uga dhigan tahay in ay heleen meel ay xoolahooda ka waraabsadaan, iyaguna ka cabaan, hawshii aroorkana iyo hayaanka ay kaga nastaan.

Previous Post

Dowladda oo billowday in shahaadada dugsiyada sare la geeyo gobollada

Next Post

IDAACADDA MAANTA ISNIIN 23-SEPT–2019

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA ISNIIN 23-SEPT–2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-MAY-2026

IDAACADDA 04-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo