Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Dhallinyaro tababar u fidiyay beeralay ku nool Laascaanood

Radio Ergo by Radio Ergo
September 9, 2019
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhallinyaro tababar u fidiyay beeralay ku nool Laascaanood

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) -Wax soo saarka qaar ka mid ah beeralayda gobolka Sool oo kordhay Urur dhallinyarro oo ka shaqeeya arrimaha deegaanka iyo beeraaha ayaa dadka beeralayda ah ee deggan gobolka Sool u tababaray sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen wax-soo-saarkooda.

Beeralayda ayaa ka kala yimid deeganada Waqdari, Dalyarre, Oodagooye, Adhicadeeye iyo Sindhoobo.

Maxamed Salebaan oo madax u ah urur lagu magacaabo Deegaan Cagaarshe ayaa Raadioyow Ergo u sheegay in ilaa laba boqol oo beerolay ah ay afartii- bilood ee uga
dambaysay u wadeen tababarka maalin kastoo jimca. Ururka ayaa sidoo kale beeraha booqda. Maxamed ayaa tilmaamay in ay yihiin dadkii markii hore xoola dhaqatada ahaan jiray intooda badan laakiin beeralay noqoday saddexdii sano ee ugu dambaysay ayaga oo aan aqoon horana u lahayn sida wax loo beerto.

Wuxuu sheegay in ay markii hore qaar ka mid ah beeralaydu telefoon kula soo xidhiidheen una sheegeen in ay ka caawiyaan dhibaatada cayayaanku beerahooda ku hayaan,.

“Markii ugu horaysay beeraha iska maanu tegay ee waxaa jirtay cabasho dhanka beeralayda nooga timi, ayaa nagu riixday in aanu aadno oo tababar iyo la talin u samayno beeralayda,” ayuu yiri Maxamed.

Maxamed wuxuu intaasi ku daray in aqoonta ay bareen ay ka mid tahay xilliyada ugu haboon ee wax la beerto, habka cayayaanka looga laayo beerta, sida abuurka layn-layn loogu beero.

Cabdiqani Maxamed Dubbad wuxuu ka mid yahay beeralayda ku nool Waqdari ee koonfurta Magaalada Laascaanood. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in uu ka faa’iideystay tababarka aqoon wanaagsana ka helay. Markii hore ayuu sheegay in uu beertiisa ka heli jiray
bishii ilaa 200 oo kiilo oo qudaar ah balse hadda uu helo ilaa 1000 kiilo oo qudaar ah.

“Markii hore beerta aqoon umaanu lahayn siidhadh badan ayaanu ku shubi jirnay waanu ku
khasaaroobi jirnay, bishii 200 oo isugu jra yaanyo, basal, basbaas, tababarkaanu qadanay waanu ku faa’iidnay hadda afartii bilood ee la soo dhaafay wax-soo-saarkayga aad buu u kordhay,” ayuu yiri Cabdiqani oo tilmaamay in noolasha qoyskiisa ay wax badan iska badaleen.Cabdiqani ayaa sheegay in hadda uu helo lacag u klu dhaw $800.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi oo ah aabbe leh afar carruur ah wuxuu ka mid yahay beeralayda deggan nawaaxiga Laascaanood. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in uu markii ugu horeeyay helay tababar lagu baray cilmiga beeraha.

“Sida wax loo beerto ma anaan aqoon. Ma aanan aqoon beerashada, ka hor tababarka, waxa dhan ayaa naga khal danaa, mar kasta waan ku khasaari jirnay dalagyada beerta, cayayaano ayaa nagaga dhalan jiray oo dhirtaa xumaan jirtay. daawo ayaan soo qaadi jirnay oo aan iskaga buufin jirnay dhirtuna sidaasi ayay ku dhiman jirtay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Raxma Cali Cabdi waxay ka mid tahay beeralayda deegaanka Waqdari ee koonfurta Laascaanood, waxay sheegtay markii ay ka heshay tababar 20 bishii Juun ee sanadkan dhalinyaradan ugu timi beerteeda ay ka baxday dhibaato ka haysatay sida beerta cayayaanka looga laayo. Waxay sheegtay in ay nafteeda qatar gashay kadib markii ay beerteeeda sun ku buufinaysay.

“Aqoon u ma aan lahay markaan suntan ku sigtay ee aan ku dhiman gaaray, goor kulayl ah ayaan beerta ku buufiyay naftii ayaa intaa saablayda ah isugu timi,” ayay tiri Raxma.

Previous Post

Dhallinyaro isu abaabulay dawaynta bukaannada ku nool xeryaha Muqdisho

Next Post

Cabudwaaq: Deegaanka Dhabad oo la ciirciiraayo qoysas soo barakacay

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Biyo-la’aan boqollaal qoys ka barakicisay tuulooyin hoostaga Xudur

Cabudwaaq: Deegaanka Dhabad oo la ciirciiraayo qoysas soo barakacay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo