Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cabudwaaq: Deegaanka Dhabad oo la ciirciiraayo qoysas soo barakacay

Radio Ergo by Radio Ergo
September 9, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Biyo-la’aan boqollaal qoys ka barakicisay tuulooyin hoostaga Xudur

Sawirrada Kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Shan boqol oo qoys oo ka soo barakacay abaaraha daran ee ka jira deegaanno ka tirsan waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa Muddo bil gudaheeda gaaray deegaanka Dhabad oo dhanka bariga kaga beegan 40 km Degmada Cabudwaaq Ee Gobolka Galgaduud

Qoysaskaan oo ka yimid deegaannada Kaxandhaalle, Qalaanqal iyo Dac-dheer oo hoostaga magaalada Dhabad. Waxaana roobabkii guga ee u danbeeyay iyo dayrii ka horaysay ay seegeen deegaanadooda

Nuuro Cismaan Shire oo 40 jir ah wadatana 6 carruur ah ayaa ka mid ah qoysaska dhawaan yimid deegaanka Dhabad ee Gobolka Galgaduud, Miyiga deegaanka Kaxandhaale ayay ku dhaqanaysay 150 neef oo ari ah, haddase waxa ay Dhabad la timid 7 neef oo aan nacfi lahayn sida ay Radio Ergo u sheegtay.

Safar qaatay in ka badan 48 saac ayay soo galeen Nuuro iyo qoyskeeda oo soo lugaynayay wax kabadan 40 Km oo ah inta ay isku jiraan Kaxandhaale iyo Dhabad,

“Xoolaha Duunyada Cuduro iyo baahi ayaa naga laaysay, Sidaas ayaan xoolaha ku waynay, caagado yaryar ah ayaan biyo ku soo qaadanay markii ay naga dhamaadan waxaan u tagaynay qoysaska aan jidka ku soo aragno, markasta oo biyaha aan nafta ku ceshano waan soo socnaynay sidaas ayaanmagaalada ku soo galnay,” ayay tiri Nuro oo sheegtay in ay 120 qoys ku ahaayeen safarka kuwaas oo ka soo hayaamay abaarta. Dadkan ayaa waxa ay dageen xero barakac oo qiyaastii hal Km u jirta Dhabad.

Muddada bisha ku dhow ee ay ku nool yihiin duleedka deegaanka Dhabad ayay sheegtay in habeenkii oo kaliya ay dabka saartaan wax ay cunaan oo ay ka helaan dadka deegaanka qaar oo ay qaraabo yihiin sida koombooyin bariis iyo sonkor ah,

“Laba nolol oo kala duwan weeye, Sababtoo ah dad xoolo haysta oo xoolahooda gadanayay oo shinsanayay ayaan ahayn haatana meel cidla ahayaan dhoobanahay, geedo aan soo jaray iyo maryo baaba’ ah ayaan isku dhajiyay oo aan hoy ka dhiganaa,” ayay tiri Nuuro intaa ku dartay in aysan haysan caafimaad iyo wax ay cunaan.

Ceelashii iyo warihii ay biyaha ku kaydsan jireen ayaa qalalay, Waxaana ay dantu ku riixday in ay hayaamaan.

Ceelal gacanta lagu qoday oo biyaha laga dhuri ayay si dhibleh biyaha uga heli jireen qayska Nuuro, Hayeeshe waxa ay isku badaleen kuwa gabi ahaanba biyaha laga waayay labadii bilood ee la soo dhaafay, waana taas sababata ay u soo barakacday sida ay xustay

Daahir Cisaam Xaashi waa Aabaha qoys sideed qof ah, seddex todobaad ayuu jooga deegaanka Dhabad kadib markii uu ka soo barakacay miyiga deegaanka Qalaanqal oo ku yaal xadka Soomaliya iyo Itoobiya u dhaxeeya islamarkaana deegaanka Dhabad u jira wax ka badan 30km.

Deegaanka uu ka soo barakacay ayuu sheegay in xoolihii ay uga dhamaadeen abaarta darteed, waxa uu sheegay in markii ay deegaankan yimadeen ay caawin ka heleen dadka Dhabad.

24-kii saacba hal mar ayuu sheegay in uu qoyska dabka u saaro wax ay cunnaan markaas oo uu bariis iyo sonkor uu ka helo qoysaska magaalada dagan oo qaab caawin ah u siiya.

“Waxaan ku nimid halkan 90 qoys dugsilay baan ahayn, waxaana kaam nalaga dajiyay Dhabad halkaas ayaan hadda ku sugannahay oo ku nool nahay, xoolaha kuwa ay abaartu laysay iyo qaar aan raashin ka baxsanay ayay noqdeen,”ayuu yiri Daahir.

Previous Post

Dhallinyaro tababar u fidiyay beeralay ku nool Laascaanood

Next Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 10-SEPT-2019

Related Posts

blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 10-SEPT-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 02-JUN-2026

IDAACADDA 02-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 02-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-MAY-2026
May 31, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-MAY-2026
May 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-MAY-2026
May 29, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo