Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhallinyaro isu abaabulay dawaynta bukaannada ku nool xeryaha Muqdisho

Radio Ergo by Radio Ergo
September 9, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhallinyaro isu abaabulay dawaynta bukaannada ku nool xeryaha Muqdisho

Dhallinyaro si bilaash ah ku dawaynayo qaar ka mid ah dadka xeryaha/Cabdiwahaab Maxamed Ibraahim/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Toban dhallinyaro ah oo isxilqaamtay ayaa tan iyo sannadkii 2018 waxay xeryaha lagu barakacay ee magaalada Muqdisho ka wadaan baaris, daawo-siin iyo wacyigelin bilaash ah oo ay ugu talageen inay ka faa’iidaystaan dadka xeraha deggan ee aan awoodin in ay aadaan goobaha caafimaadka magaalada.

Cabdulqadadir Sheikh Xassan oo hormuud u ah dhallinyarada oo ku midoobay urur Saxa-dhowr lagu magacaabo ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in bishii labo mar ay adeeg caafimaad u sameeyaan boqol qof oo ka mid ah dadka dadka deggan xeryaha ay tagaan.

Waxay toddobaadkii la soo dhaafay tageen xeryaha Dayax center, Awbaalle, Raxma, Aflax oo ku kala yaalla Degmada Kaxda, iyo deegaannada Garasbaaley iyo Waydow. Waxaa dadka ugu badan laga baaray xanuunnada malaariyada, gaaska iyo gooryaanka iyo waraabowga.

Wuxuu sheegay Cabdulqaadir inay sahmin ku soo sameeyeen xeryaha ugu badan ee baahida caafimaad ay ka jirto sidaasna ay kuwaan ugu tageen.

“Sida loo kala daranyahay ayaan u kala xulunnaa marka kaam kasta kaamkuu ka duruuf badan yahay ama ka dhibaato badan yahay ayaan dawo ugu raadinaa, qarash Meel ku tiirsannahay uu nooga yimaado majirto,” ayuu yiri Cabdulqaadir.

Dhallinyaradan oo baratay Cilmiga Caafimaadka ayuu sheegay Cabdulqaadir in ay garowsadeen in dadkooda ay uga baahan yihiin gargaar caafimaad, isagoo intaa ku daray in aysan jirin taagero lacageed ay helaan marka laga reebo isbitaallada Wehliye iyo Dooxa ee magaalada Muuqdisho oo mararka qaar siiya daawooyinka ay bukaannada u geeyaan.

 “Annaga muruqeena iyo cilmigeena ayaan diyaar lannahay, dadka qaar waxaa ay nagu saacidaan dawooyinka, hadba nambarka ayaan qabsana, waxaan ku xisaabtana dawada heeysana intey la egtahay,” ayuu yiri Cabdulqaadir.

Maleeko Nuunow Abshir oo haysta shan carruur ah waxay bishii Juune ka soo barakacday deegaanka Barbaare ee gobolka Bay halkaasi oo ay uga timid abaaro ka jira. Waxaa ka xanuunsanaa wiil ay dhashay oo 5 jir ah waxaa dhaqaatiirtan dhallinyarda ah u sheegeen inuu hayo xanuunka waraabowga iyagoo u qoray daawo ay siiso.

Waxay sheegtay in cunuggeedu uu xanuunsanayay labadii bilood ee u dambeysay islamarkaana ay awoodi waysay in ay isbitaal gayso ama daawo u gaddo duruufta haysaday darteed.

“Muslimka dawada meel kasta ka bixinaya ayaan iska qadana, cunugan ayaa xanuunsanaa, waxaa laga helay xanuunka waraabowga, labio bilood ayuu sidaa ahaa, laakiin hadda dawo ayaa la siiyay,” ayay tiri Maleeko.

Khadiijo Cabdi Maxamed oo ah hooyo heysata afar carruur ah waxay kasoo barakacday deegaanka Janaale ee gobolka Shabellaha hoose oo colaad ay ka jirto.

Waxay sheegatay in laga hayay wadnaha, iyadoo ka faa’ideysatay baaristii ugu dambeysay ee todabadkiii hore ay kasameyeen kaamka Dayax ee ku yaalla Kaxda.

“Cafimaadka waa iska roonahay laakiin wadno xanuun waa iska jira, dawo iyo daryeelkaasi nooga yimid, manaxanuunsan abadan maalin,”ayay Khadiijo.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA ISNIIN 09-SEPT-2019

Next Post

Dhallinyaro tababar u fidiyay beeralay ku nool Laascaanood

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post
Dhallinyaro tababar u fidiyay beeralay ku nool Laascaanood

Dhallinyaro tababar u fidiyay beeralay ku nool Laascaanood

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo