Saynab Cabdi Warsame waxaa ay si mutadawacnimo ah magaalada Xingalol ee gobolka Sanaag uga shaqeysaa gargaarka hooyada iyo dhalaanka muddo soddon sano, iyadoo isxilqaanka caafimaad bilowday 1988-kii kaddib markii ay ka baratay machad caafimaad oo ku yaallay degmada Buraan ee isla gobolka Sanaag.
Dadka caafimaadka yaqaan oo yaraa iyo carruurta iyo haweenka oo dhibaato kala kulmi jiray dhakhaatiir-yaraanta ayaa Saynab ku kallifay barashada caafimaadka sida ay Raadiyow Ergo u sheegtay.









