Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

In kadan kun qoys oo ka faa’iidaystay biyo dhaamin laga sameeyay tuulooyin hoostagta degmada Cadaado

Radio Ergo by Radio Ergo
August 2, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Nugaal: 2,600 oo qoys oo ka barakacay abaar iyo biyo-la’aan

Keydka Sawirrada ERGO

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Kun afar boqol iyo siddeetan qoys oo ku nool siddeed tuulo oo hoostagta degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka degay culays biyo-yari ah oo ay wajahayeen labadii bilood ee la soo dhaafay kaddib markii ay ka faa’iideysteen biyo-dhaamin socotay saddex toddobaad oo uu sameeyay guddiga qaxootiga Norway ee NRC.

Deegaanadaan oo aan lahayn ceelal biyoodyo ayaa dadka iyo duunyada ku nool waxa ay biyaha ka cabi jireen baraagaha iyo haraha, hayeeshee roobka oo ku yaraa xilli roobaadkii u dambeeyay ayaa sababay in aysan helin kayd biyo.

Madaxa NRC ee deegaanada Galmudug iyo gobolka Hiiraan Ilyaas Sheekh Ibraahim ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in 200 oo booyadood oo middiiba ay qaaddo konton fuusto ay gaarsiiyeen deegaanadaas iyaga oo ka jawaabayay codsi ay u gudbiyeen bulshada tuulooyinkaas.

Ilyaas ayaa sheegay in biyo-dhaaminta ka hor ay sameeyeen qiimayn la xariirta sida ay biyaha ku helaan dadkaas islamarkaana ay gar-waaqsadeen in deegaannadan u baahan yihiin gurmad biyo oo deg deg ah.

“Meelo dadkoodii in badan ay barakaceen qaar kelana barakac ay ku dhawaayeen ayay ahaayeen oo biyo la’aanta darteed u barakacayeen, Waxaan siinay qaar 27, halka qaar ay heleen 9 booyadood kuwa kalena ay heleen 61 booyadood, (taa oo lagu saleeyay) sida bulshada ku nool ay u kala badan yihiin ayaannu xisaabaadkaasi u maaraynay, waxaan ugu talogalnay 30 berri laakiin biyo-dhaaminta waxaan ku samaynay 3 todobaad,”ayuu yiri Madaxa NRC.

Deegaannada biyo-dhaaminta loo sameeyay waxaa ka kamid ah Shilin-wayne, Burdhiir, Meygaag, Laan-caduurey, Quraar, iyo Habaasley oo dhammaantooda ay deggan yihiin xoolo-dhaqato.

Cabdullaahi Ibraahim Axmed oo ka mid ah odayaasha deegaanka Quraar oo 75 Km u jirta magaalada Cadaado waxa uu kamid yahay 200 qoys oo ku haray deegaankiisa oo 60 qoys ay biyo yarida uga barakceen afartii todobaad ee la soo dhafay.

Deegaanka Quraar ayuu sheegay in qayb ahaan uu u helay 13 booyadood oo middiiba ay tahay 100 qaad tahay. Biyahaas ayuu sheegay in lagu shubay kaydadka biyaha ee ku yaalla deegaanka islamarkaana qoysaska si iskumid ah ay u cabaan.

Cabdullaahi oo ah aabbaha qoys ka kooban siddeed qof, waxa uu qorshihiisu ahaa ka hor inta biyaha gargaarka loogu keenay tuulada in uu u hayaamo Cadaado ama Cada-kibir oo ah halka biyo aan lacag ahayn uu ka heli karay.

“Biyaha waxay ahaayeen 1,350 fuusto, waxaan ku shubanay barkado badan oo aanu meesha kuleennahay oo laqoday mar hore xiligii xooluha ay dhaqnaayeen. Waxaan isku qaybinay dhowr qaybood. Halkii baraagba qayb dadka ka mid ah baan saarnay, ilaa dhowr iyo toban barkadood ayaan u qaybinay, sidaas ayaa nidaamka iyo qoondada biyaha dadka u hagaagsan tahay,” ayuu yiri Cabdullaahi.

Dadka deegaanka ayuu xusay in ay rajaynaayaan ilaa dhamaadka bisha August in ay sii haystaan gargaarkan biyaha ah. Qoyskiiba waxaa maalintii la siiyaan 45 liitar oo biyo ah waxaana dadka deegaanku ay ku dedaalayaan beeqaaminta biyaha loogu deeqay.

“Markan dhanka biyaha waan karoonahay fikirkoodii badnaa iyo dhibaatadii ay nagu hayeen. Waxaan dhihi kara waa boqolkiiba sagaashan walbahaarkoodii wuu idaayay, waxaan helay biyo ay cabaan xoolaha iyo dadka,” ayuu yiri Cabdulaahi.

Biyaha ganacsi ahaan deegaanka loo keeni jiray markii hore ayuu sheegay Cabdulaahi in fuustadii ay gaartay 120 kun oo shilin Soomaali ah. Qoysaska tuulada ayaa iibsan waayay biyahaas maaddaama xoolihii ay dhaqanayeen intii abaaraha uga bedbaadday aysan nacfi badan lahayn.

Cabdulahi ayaa lagu leeyahay lacag dayn ah oo gaaraysa $467 oo uu ka qaatay ganacsatada biyaha keenayay deegaanka labadii sano ee la soodhafay oo aad roobabku ugu yaraayeen tuulada Quraar.

80 neef oo ari ah oo uga haray 300 oo neef oo uu lahaa ayuu Cabdullaahi ku dhaqanayaa deegaankiisa.

“Xoolaha waan iskaqalana wax kale ma hayno, qiimo ma joogaan xoolaha waa ay iska abaraysan yihiin, suuqaas Cadaado ayaan geeya haaf bariis ah ah ayaan siista halkii neef,” ayuu yiri.

Shukri Maxammed Cali oo ah hooyada qoys 9 qof ka kooban waxaa iyada iyo saddex boqol oo qoys ay deggan yihiin deegaanka Habaasley oo Cadaado u jirta 70 Km. Waxaa ay in qorsheynaysay markii ugu horreysay in ay hayaanto kaddib markii ay adkaatay qaabkii ay biyaha ku heli jirtay. Hadda tuuladeeda waxaa ay heshay 27 booyadood oo middiiba ay tahay 50 qaad oo hay’addu u shubtay.

“Biyaha marka aan xilli roobaad ahayn oo aan xareedda lahelayn markasta waa dhib oo lama helo xiligaas oo kale, marka booyado ayaa la shubta, maxaa yeelay ah ceelal kuma yaalaan mid gacan qod ah iyo mid riig ah toona,” ayay tiri Shukri oo hadda haysata 20 neef oo ari ah oo uga soo hartay 200 oo ay lahayd abaartii 2017 ka hor.

Previous Post

Kalkaaliso 30 sano si mutadawacnimo ah ugu adeegaysay dadka reer Xingalol

Next Post

IDAACADDA MAANTA JIMCE 2- AUG-2019

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA JIMCE 2- AUG-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo