Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Bandhiga Buugaagta Muqdisho oo sanadkan diiradda lagu saaray waxbarashada

Radio Ergo by Radio Ergo
August 23, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Bandhiga Buugaagta Muqdisho oo sanadkan diiradda lagu saaray waxbarashada

Bandhiga Buugaagta Muqdisho/ Fardowsa Sheekh Cabdiraxmaan/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Bandhigga Buugaagta Muqdisho waa bandhig sanadle ah kaas oo ay ka soo qayb galaan aqoonyahaanno, dadka leh hal abuurka, qoraa, abwaan, farshaxaniiste iyo dad kale oo hibooyin gaar ah leh kuwaa oo isugu jira Soomaali iyo dad aan Soomaali aheyn oo laga kala keeno daafaha caalamka.

bandhiggan buugaagta oo ah kii shanaad oo lagu qabto magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu socday socday muddo seddex maalmood ah  oo ka soo ka bilaabatay 21 bishan.

Titada  martida aan Soomaalida ahayn ayaa garaya sanaadkan sagaal ruux iyadoo guud ahaan martida bandhiga ay ahyd afartan iyo laba ruux. Luqadaha ugu badan ay ku qoranyihiin bugaagta la keenay carwada waa Soomaali, Ingriis iyo carabi. 

Waxaa sanadkan diiradda lagu saaray mowduucyo la xiriira waxbarashada iyo dhaqanka, iyadoo halkudhigga sanad uu ahaa “Helitaanka waxbarasho loo siman yahay.”

Madaxa Carwada, Maxamed Diini ayaa yiri halkudhiggan waxaa laga talagalay in sare loogu qaado waxbashada.

“Sanadkanna ciwaanka guud  ee wax walba diiradda lagu saarayay waxa uu ahaa cadaalad waxbarasho. Marka aan cadaalad ka sheekayno waxa nagu soo dhaca qof dambi geestay iyo maxkamad ama qof wax dhibay iyo kan la dhibay. Laakiin waxbarashadu in aniga adigu aan u simanahay oo iskuulka gabadhaadu gali karto taydu gali karto oo wiilka yar oo cirifka soomaali Laascaanood iyo cirifka kale ee Gudhaa, iyaguna ay gali karaan, sidii loo xoojin lahaa waalidka, dowladda, bulshada iyo caalamka guud arintaasi hadba doorka qofka kaga aadan ayaa ciwaanka sanadkaan ah,” ayuu yiri Maxamed.

Afartii sano ee ka horeeyay sanadkaan mid kasta waxa uu lahaa wax u gaar ah.

“Kow buugaagta iyo martida la casuumay way badaneysa, waxaan ku soo bilownay 19 qof oo marti ah, maalinba heer ayay taagnayd, maanta afartan iyo laba ayaan maraynaa, hadba dadka inta ay bataan cilmiga bata aqoontaa badata kala faa’iideysigaa bata. Afartan iyo labada martida ah waxa ay kala yimaadeen muqdisho meel ka baxsan Baydhabo Garoowe Kismaayo Baladweyne hargeysa Boorame meelahaas, into kale caalamka Shiinaha, Mareekanka, Itoobiya, Kenya, Koonfur Afrika, Sweden, Ingiriiska,” ayuu yiri Maxamed.

Carwada waxaa ka qayb ah carruurta kuwaa oo sadexda maalin ay soconaysay carwda imaanayay. carruurtan ayaa laga kala keenaayay iskuulada qaar ee ku yaalla magaaladda Muqdisho iyo xarumaha xanaanada carruurta.

“Qaybta carruurta sanadkii hore ayaan  bilownay, sanadkaan waan sii ballaarinay, waxaa maankeena soo galay in dadka waaweyn iyo dhaliyarada kaliya aysan ahayn dadka u baahan madadaalada iyo aqoonta, si guud ahaaneedna dhaqanka qaaradda Afrika iyo dalal kale oo dunida saddexaad u badan ayaad moodaa xoogaa in la gacan bidixeeyo carruurta oo barbaarintii aqoontii ay u baahnaayeen in aan xoogga la saarin ee dadkale la saaro. Marka si aysan taasi u dhicin banaanka maalin walba 80 carruur ah ayaan waxaan u marti qaadnay Soomaali iyo ajaaniib isku jirta oo uga sheekeeyo sheeko xariir, buugaag ay wax ku sawiraan iyo ciyaaro ilmaha ku cayaaraan, heeso caruureed inta u sameeya. 240 ilmood oo agoon iyo xanaanada ku jira ayaa jiraan oo aan rabnay inan iyagana uga faa’iideenno oo banaanka ah,” ayuu yiri Maxamed.

Mustafa Warsame Sabriye, 21, waa qoraa buugiisa ugu horeeyay ayuu ku soo bandhigay carwada bugaagta. Mustafa waxa uu qoray buug la magac baxay “Federaal Sun Noqay”.

“2014-kii ayaan bilaabay, 2018kii ayaana dhameeyay, waxaana ku soo bandhigay isla hoolkan aan maanta joogno ee Sahal. Haddii aanan dhiiragalin dadka laga heli laheen maanta inta ma soo gaareen, oo waa laga dhaqaaqi lahaa oo shaqooyin kalaa adi lahaa. Runtii aad ayay uga heleen maalintii aan soo bandhigayay, inkasta oo aan buugga sawirkayga ku dhaganay, haddana waxa ay aaminsanaayeen inaan ahay qof qurbaha ka yimid, ugu yaraan magaalada Nairobi,“ ayuu yiri Mustafa.

Previous Post

Haween ku nool Muqdisho oo ka faa’iidaystay wax-barashada dadka waawayn

Next Post

Gabar ku nool Somaliland oo u dooda xuquuqda carruurta

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
XARUN CARRUURTA DAYACAN LOOGA FURAY MUQDISHO

Gabar ku nool Somaliland oo u dooda xuquuqda carruurta

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-MAY-2026

IDAACADDA 04-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo