Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Gabar ku nool Somaliland oo u dooda xuquuqda carruurta

Radio Ergo by Radio Ergo
August 23, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
XARUN CARRUURTA DAYACAN LOOGA FURAY MUQDISHO

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Luul Xasan Mataan waa aasaasaha xarunta darbi-jiifta ee Maxamed-Mooge oo ku taalla magaalada Hargaysa. Markii ay aragtay jidh-dilka, aflaagadooyinka iyo dayaca ay wajahayaan carruurta darbi-jiifka ah ee ku nool magaalada ayay billowday inay wax ka qabato dhibaatadooda.

Dhismaha xarunta lagu daryeelo caruurtan oo ah mida kaliya ee ku taalla Somaliland waxaa ay ku sameysay qaadhaan uruurin ay ka sameysay ganacsatada iyo qoyskeeda, lacago ay bixiyeen shirkadaha Dahabshiil, Telesom iyo iyada oo iibisay dhul ay Hargeysa ku laheyd oo ay iibisay si ay ugu dhamaystirto dhismaha xarunta.

Luul oo la hadlashay Raadiyow Ergo ayaa xustay in muddo afar sano ah oo ay xaruntaasi maamulaysay boqol iyo soddon carruur ah ay guryahoodii ku ku celisay. Waxaa ay la raadsan jirtay waalidiinta marka ay carruurtu u sheegaan in ay rabaan in dib ay ula midoobaan qoyskoodii ay ka soo carareen.

“Markiiba magaalada waxaa la galiyay carruurta waala dhoofinayaa, haayado ayaa qaadanayo oo Xamar ayaa laga dhoofinayaa, caruurta waa lagu shaqeysanayaa, bulshadii oo dhan ayaa si kale loo fahansii caruurta aanu xareynay, lacagtii ayaa halkaas idin la gashay ayaan nala lahaa, wayna nagaga khudbadeeyeen meel kasta, markii dambe qof waliba cagihiisa ku yimid waa laga baxay wixii nalaga aaminsanaa,” ayay tiri Luul oo ah hooyada lix carruur ah.

Dhismaha xarunta waxaa la dhameeyay sannadkii 2009.

Sanadkii 2013 ayay xukuumada Somaliland xabsiga u taxaabtay Luul Xasan Mataan si ay ula wareegto xarunta ay sameysay oo dowladdu rabtay inay gacanta ku hayso. Toddobo iyo toban maalmood oo ay ku xidhnayd xarunta dambi barista Hargeysa kadib waxaa lagaga saxeexay qoyskeeda inay wareejiso xaruntaasi oo ay dowladu la wareegtay.

Maalmahaas waxaa xerada ka soo baxsada boqol iyo konton carruur ah oo darbijiif ah, waxay ku hor mudaharaadeen xarunta dambi baarista.

“Wax la ii sheegay ma jirto ee waxaa la yidhi meeshan dowladda ayaa u baahan, shaqadii dowlada ayaad wadaa ayaa la igu yidhi, ee ka bax howshan, sidii ayaan kaga tagay meeshii aan ku tabcay,” ayay tiri Luul.

Weli waxay ku hamiyaysaa inay carruurtaa wax un u qabato. Hadda waxaa ay waddaa dhismaha xarun loogu talagalay carruurta darbijiifka ah ee magaalada Boorama, sidoo kale waxaa ay ka mid tahay musharaxiinta gobolka Maroodijeex ku tartamaya doorashada wakiillada Somaliland.

“Haddii Alle igu guuleeyo waxaan rajeynayaa inaan shaqadan wax badan aan ugu qabto bulshadii oo aan ku ilaaliyo xuquuqda dadka danyarta ah amma haddii aan waayo arrimaha bini’aadanimada aan ka shaqeeyo oo aan alle ugu sii dhawaado,” ayay balanqaaday Luul oomudooyinkii dambe guddoomiyaha urur maxali ah oo lagu magacaabo SOCWER.

Ururku waxaa uu ka shaqeeyaa taageerida carruurta darbijiifka ah marka ay dhaawacyo la kulmaan, ciid siintooda.

Previous Post

Bandhiga Buugaagta Muqdisho oo sanadkan diiradda lagu saaray waxbarashada

Next Post

IDAACADDA MAANTA SABTI 24-AUG-2019

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA SABTI 24-AUG-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-MAY-2026

IDAACADDA 04-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo