Dagaallada Ceel-Afwayne oo raggaadiyay waxbarashada degmadaas.

0
141

(Ergo) – Dagaallada soo noqnoqday oo muddo afar sano ahba ka dhacayay degmada Ceel-Afwayn ayaa ragaadisay waxbarashada degmadaas.

Sagaal iskuul oo isugu jira hoose dhexe iyo sare oo ku yaal degmada Ceelafweyn iyo tuulooyinka ka tirsan ayaa ku xirmay colaadaha. Tan ayaa ku soo aadayso iyadoo sanad dugsiyeedkii 2019/2020 dib loo furay 13 bisha Ogoosto 

Gudoomiyaha waxbarashada Ceel-Afweyn Keyse Shire Saalax ayaa sheegay in aysan suurogal ahayn in ardayda la isugu keeno fasalada iyadoo dagaaladii ugu danbeeyey ay dhaceen bartamihii bishii July ee ina dhaaftay. Dugsiyada xidhmay  ayaa kala ah 4 dugsi sare iyo 5 dugsi hoose/dhexe, waxayna ku kala yaalaan Ceelafwayn, Dararaweyne, Siigadheer iyo Dogoble.

Suurtagal ma ahan in la furo (iskuullada) iyadoo ay sababtu tahay in shacbkii aanu amaanku sugnayn, lana kala qaxay oo daamaha magaalada la kala yaal, marka sanad dugsiyeedkaa hada bilaamay aanay suurtagalayn in waxbarasho ka hirgasho, ayuu yiri Kayse. 

Maamulka waxbarashada ayaa sheegay in ardaydii dugsiyada sare iyo dhexe ee imtixaanka shaahdiga geli lahaa oo ahaa 80 arday aysan gelin colaadda darteed. 

Ardayda waxka dhigan jiray iskuulaadkaas oo gaarayay 600  ayaa in badan oo ka mid ah ay u waxbarsho tageen magaalooyinka kala ah Ceerigaabo, Burco, Iyo Hargaysa. Balse waxaa jira arday aan taasi aan samayn karin dhibaato dhaqaalo awgood.

Muqtaar saleebaan Nuux oo ahaa arday dugsiga sare ee faslka kowaad ka dhigan jiray Degmada Ceel-Afwayne ayaa hadda waxbarasho la’aan kyu haysaa magaaladaas.

“Waxaan sanadkan geli lahaa fasalka labaad, iskuulkii waxaa nagaga dhacay colaadaha laysku haysto, waxaanu faslka labaad ee dugsiga sare ugu soo gudubnay 17 araday. Waxaan hadda joogaa Ceel-Afwayn, waxaaan rajaynayaa in aan bedesho, waxaanu wajahaynaa mustaqbal la’aan” ayuu yiri Mukhtaar. 

Caasha Jibbriil oo ku nool  Ceel-Afwayn waxaa iskuul u dhiggan jiray 8 ka mid ah carruurteeda. Waxay Raadiyow ergo u sheegtay in markii colaaduhu bilowdeen oo ay iskuuladii xidhmeen ay go’aansatay in  ay carruurteeda u kala dirto dad ay qaraabo yihiin oo Burco, Hargaysa iyo Ceerigaabo ku nool. Caasha nolosheedu waxay ku tiirsan tahay 100 doolar oo dad qaraabo ahi ay banaanka uga soo diraan 

Macalin Abshir Muse Jaamac oo ka mid ah macalimiinta wax ka dhiga magaalada ayaa Raadiyow Ergo u Sheegay in iskudayo ay odayaasha, culimada, dhallinyarada iyo maamulka Somaliland ay ku donayeen in lagu joojiyo dagaallada ay fashilmeen. 

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here