Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Dagaallada Ceel-Afwayne oo raggaadiyay waxbarashada degmadaas.

Radio Ergo by Radio Ergo
August 28, 2019
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Guraceel: Qoysaska abaaraha ku soo cayrtoobay oo carruurtoodu heleen waxbarasho

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(Ergo) – Dagaallada soo noqnoqday oo muddo afar sano ahba ka dhacayay degmada Ceel-Afwayn ayaa ragaadisay waxbarashada degmadaas.

Sagaal iskuul oo isugu jira hoose dhexe iyo sare oo ku yaal degmada Ceelafweyn iyo tuulooyinka ka tirsan ayaa ku xirmay colaadaha. Tan ayaa ku soo aadayso iyadoo sanad dugsiyeedkii 2019/2020 dib loo furay 13 bisha Ogoosto 

Gudoomiyaha waxbarashada Ceel-Afweyn Keyse Shire Saalax ayaa sheegay in aysan suurogal ahayn in ardayda la isugu keeno fasalada iyadoo dagaaladii ugu danbeeyey ay dhaceen bartamihii bishii July ee ina dhaaftay. Dugsiyada xidhmay  ayaa kala ah 4 dugsi sare iyo 5 dugsi hoose/dhexe, waxayna ku kala yaalaan Ceelafwayn, Dararaweyne, Siigadheer iyo Dogoble.

“Suurtagal ma ahan in la furo (iskuullada) iyadoo ay sababtu tahay in shacbkii aanu amaanku sugnayn, lana kala qaxay oo daamaha magaalada la kala yaal, marka sanad dugsiyeedkaa hada bilaamay aanay suurtagalayn in waxbarasho ka hirgasho,” ayuu yiri Kayse. 

Maamulka waxbarashada ayaa sheegay in ardaydii dugsiyada sare iyo dhexe ee imtixaanka shaahdiga geli lahaa oo ahaa 80 arday aysan gelin colaadda darteed. 

Ardayda waxka dhigan jiray iskuulaadkaas oo gaarayay 600  ayaa in badan oo ka mid ah ay u waxbarsho tageen magaalooyinka kala ah Ceerigaabo, Burco, Iyo Hargaysa. Balse waxaa jira arday aan taasi aan samayn karin dhibaato dhaqaalo awgood.

Muqtaar saleebaan Nuux oo ahaa arday dugsiga sare ee faslka kowaad ka dhigan jiray Degmada Ceel-Afwayne ayaa hadda waxbarasho la’aan kyu haysaa magaaladaas.

“Waxaan sanadkan geli lahaa fasalka labaad, iskuulkii waxaa nagaga dhacay colaadaha laysku haysto, waxaanu faslka labaad ee dugsiga sare ugu soo gudubnay 17 araday. Waxaan hadda joogaa Ceel-Afwayn, waxaaan rajaynayaa in aan bedesho, waxaanu wajahaynaa mustaqbal la’aan” ayuu yiri Mukhtaar. 

Caasha Jibbriil oo ku nool  Ceel-Afwayn waxaa iskuul u dhiggan jiray 8 ka mid ah carruurteeda. Waxay Raadiyow ergo u sheegtay in markii colaaduhu bilowdeen oo ay iskuuladii xidhmeen ay go’aansatay in  ay carruurteeda u kala dirto dad ay qaraabo yihiin oo Burco, Hargaysa iyo Ceerigaabo ku nool. Caasha nolosheedu waxay ku tiirsan tahay 100 doolar oo dad qaraabo ahi ay banaanka uga soo diraan.  

Macalin Abshir Muse Jaamac oo ka mid ah macalimiinta wax ka dhiga magaalada ayaa Raadiyow Ergo u Sheegay in iskudayo ay odayaasha, culimada, dhallinyarada iyo maamulka Somaliland ay ku donayeen in lagu joojiyo dagaallada ay fashilmeen. 

Previous Post

Roob ay dad ku dhinteen oo ka da’ay magaalada Hargeysa

Next Post

IDAACADDA MAANTA KHAMIIS 29-AUG-2019

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxootiga Dhadhaab oo loo sameeyay qaliimo iyo daawayn qayb ka ah caymiska caafimaadka

October 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Wiil shaqada lows wareejin ah ku mutaystay maaraynta qoyskiisa iyo waxbarashadiisa

October 27, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ku xarooday Burco markii casharo xanuun badan ay ka barteen roob la’aanta

October 23, 2026
Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi

October 21, 2026
Xoolaha u dhinta bacaha ay cunaan oo ku badanaya Guriceel iyo deegaano hoostaga
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolaha u dhinta bacaha ay cunaan oo ku badanaya Guriceel iyo deegaano hoostaga

October 20, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku cusub xeryaha Dhadhaab oo wajahaya nolol xumo iyo gargaar la’aan

October 19, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA KHAMIIS 29-AUG-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 28-OCT-2026

IDAACADDA 28-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 28-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-OCT-2026
October 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-OCT-2026
October 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-OCT-2026
October 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-OCT-2026
October 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-OCT-2026
October 24, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo