(ERGO) – Kalluumaysatada xeebaha Puntland ayaa xilli adag oo shaqo la’aan ah gala bilaha xagaaga ee Juun ilaa Sibtembar.
Marka ay xaaladaas timaadana xoogsata baddu waxay u qabsamayaan kuwa ku tiirsan kaydad dhaqaale oo ay samaysteen xiligii bad-furanka iyo kuwa ku nool amaah ay dib ka bixiyaan xilliga bad-furanka.
Sidoo kale kuwa magaalooyinka saaraan xeebta Gacanka sida Boosaso ku nool waxaa ay qoysaskooda u raraan meelo ka baxsan magaalada oo cimilo ahaan deggan.
Siciid Maxamed Kulane oo 60 jir ah, in ka badan 30 sano ayuu xirfadle kalluumaysi ka ahaa Bosaaso. Laakiin hadda isagu wuxuu ka mid yahay dadka ay shaqada ka joogsatay bishii hore. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in uu si maalinle ah badda uga shaqaysan jiray, uuna magaalada ku iibiyin jiray wax-soo-saarkiisa marka shaqadu jirto. Waxaa ku tiirsan saddex reer iyo 24 carruur ah oo 20 ay iskuullo dhigtaan.
Kalluumaysatada qaarkood sida Siciid waxay shaqada ka dhaxleen waayo-aragnimo, Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay xilliga shaqadu jirto in uu reerkiisa meel u dhigo kayd dhaqaale oo dhan saddex meelood oo meel, taas oo uu kaga gudbo xagaaga.
“Anigu baddaas baan ka shaqo aqaan meel kale aan ka shaqo aqaan ma jirto. Kaluunka ayaan dhoofsadaa, waana qalaa, waana soo jilaabtaa. Keydka aan ka sameystana inta xagaaga oo dhan ayaan ku noolaadaa, taasi waxay iga kaalmeysaa duruufta iskuullada iyo in reeraha aan ka xagaa saaro Boosaaso,” ayuu Siciid markii sii hore doomaha shaqaale ka ahaan jiray inta isaga doon yeelan.
Kalluumaysatada xeebta Boosaaso ma ahan kuwa sidan oo dhan wada sameeya, qaarkood waxay xilliga bad-furanka la daalaa-dhaacaan daymaha raashinka ee ay galeen xilliga shaqo la’aanta ay yihiin.
Siciid Maxamed Kulane oo maaraynta ka sokow dhaqaale ka helay kaydka wuxuu hadda doonayaa in uu sameeyo xarun qaboojin oo xilliga bad-furanka uu ku kayddsado kalluunka si uu suuqa uga macaasho xilliga xagaaga ah ee aad ka loogu baahan yahay cuntada badda.
Axmed Cabdi Nuux oo ka mid ah kalluumaysatada Eyl, wuxuu xilligii bad-furanka maalintii uu kalluun wacan helo uu ka samayn jiray $60, sida uu Raadiyow Ergu u sheegay.
“Baddu maalinba waa nooc, waa sida ugaarsiga oo kale, anigu celcelis marka ay baddu furan tahay maalintii waxaan heli jiray, $60 ilaa $70, lacagtaas saddex meelood ayaan u qeybin jiray, meel kaydkeyga dambe ayaan u dhigi jiray, labo meeloodna nolasha carruurteyda iyo waxbarashadooda ayaan ku bixin jiray,” ayuu yiri Axmed.
Axmed wuxuu korinayaa toddobo carruur ah oo shan ay waxbartaan. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in uu doonayo in uu dhawaan maalgeliyo ganacsiyo kale, shaqadanna uu ku wareejiyo qaar ka tirsan ubadkiisa oo uu xirfadda u tababaro.
Xirfadley badan ayaa shaqo gab u noqda burbur iyo dayac kale oo kaga yimaada qalabkooda kaas oo deedna ay u waayaan qalab ay wax kaga qabtaan. Kaydka lacagta wuxuu kalluumaysatada ka caawiyaa in ay shaqadoodu sii socoto marka ay baddu furanto.
Guddoomiye ku-xigeenka Iskaashatada Kalluumaysiga Boosaaso, Muuse Cali Muuse ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in xirfadlaydaas ay u badan yihiin xoogsato dabka ku shuba wixii soo gala.
“Dadkaas danyarta ah waxay ku xiran yihiin wixii ay maalintaas la soo baxaan, inta wax dhigata ayaa ku yar marka, qiyaastii boqolkiiba 80 wax ma dhigtaan, sababta oo ah subaxdii bay kallahaan baddaas ayay aadaan maalintaas wixii ay soo helaan ayay cunaan,” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka.
Hababka loo qallajiyo kalluunka ayaa muhiim u ah ganacsatada kalluunka dhoofiya ee heli kara suuqyo dibedda ah oo ay ka iibsadaan kalluun ay dhoofiyaan xiliga bad-xiranka ah.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Puntland, Dr. Ibraahim Xareed Cali oo ah khabiir arrimaha xoolaha ah ayaa isbarbar-dhig ku sameeyay sida ay xoola-dhaqatada iyo Kalluumaysatada ugu kala yihiin maaraynta xilliga barwaaqada.
Wuxuu sheegay in labada dhinacba aysan weli faham wanaagsan ka haysan heerkii la rabay ee kaydsashada khayraadka iyo lacagtaba, laakiin wuxuu qabaa in xoolo-dhaqatadu aysan weli u baraarugsanayn sida kalluumaysatada oo fursado badan haysta.









