Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Xilliga bad-xirranka oo saamayn ku yeeshay nolasha kalluumaysatada xeebaha Puntland

Radio Ergo by Radio Ergo
July 24, 2019
in Wararkii u Danbeeyay
0
Xilliga bad-xirranka oo saamayn ku yeeshay nolasha kalluumaysatada xeebaha Puntland

File Photo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Kalluumaysatada xeebaha Puntland ayaa xilli adag oo shaqo la’aan ah gala bilaha xagaaga ee Juun ilaa Sibtembar.

Marka ay xaaladaas timaadana xoogsata baddu waxay u qabsamayaan kuwa ku tiirsan kaydad dhaqaale oo ay samaysteen xiligii bad-furanka iyo kuwa ku nool amaah ay dib ka bixiyaan xilliga bad-furanka.

Sidoo kale kuwa magaalooyinka saaraan xeebta Gacanka sida Boosaso ku nool waxaa ay qoysaskooda u raraan meelo ka baxsan magaalada oo cimilo ahaan deggan.

Siciid Maxamed Kulane oo 60 jir ah, in ka badan 30 sano ayuu xirfadle kalluumaysi ka ahaa Bosaaso. Laakiin hadda isagu wuxuu ka mid yahay dadka ay shaqada ka joogsatay bishii hore. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in uu si maalinle ah badda uga shaqaysan jiray, uuna magaalada ku iibiyin jiray wax-soo-saarkiisa marka shaqadu jirto. Waxaa ku tiirsan saddex reer iyo 24 carruur ah oo 20 ay iskuullo dhigtaan.

Kalluumaysatada qaarkood sida Siciid waxay shaqada ka dhaxleen waayo-aragnimo, Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay xilliga shaqadu jirto in uu reerkiisa meel u dhigo kayd dhaqaale oo dhan saddex meelood oo meel, taas oo uu kaga gudbo xagaaga.

“Anigu baddaas baan ka shaqo aqaan meel kale aan ka shaqo aqaan ma jirto. Kaluunka ayaan dhoofsadaa, waana qalaa, waana soo jilaabtaa. Keydka aan ka sameystana inta xagaaga oo dhan ayaan ku noolaadaa, taasi waxay iga kaalmeysaa duruufta iskuullada iyo in reeraha aan ka xagaa saaro Boosaaso,” ayuu Siciid markii sii hore doomaha shaqaale ka ahaan jiray inta isaga doon yeelan.

Kalluumaysatada xeebta Boosaaso ma ahan kuwa sidan oo dhan wada sameeya, qaarkood waxay xilliga bad-furanka la daalaa-dhaacaan daymaha raashinka ee ay galeen xilliga shaqo la’aanta ay yihiin.

Siciid Maxamed Kulane oo maaraynta ka sokow dhaqaale ka helay kaydka wuxuu hadda doonayaa in uu sameeyo xarun qaboojin oo xilliga bad-furanka uu ku kayddsado kalluunka si uu suuqa uga macaasho xilliga xagaaga ah ee aad ka loogu baahan yahay cuntada badda.

Axmed Cabdi Nuux oo ka mid ah kalluumaysatada Eyl, wuxuu xilligii bad-furanka maalintii uu kalluun wacan helo uu ka samayn jiray $60, sida uu Raadiyow Ergu u sheegay.

“Baddu maalinba waa nooc, waa sida ugaarsiga oo kale, anigu celcelis marka ay baddu furan tahay maalintii waxaan heli jiray, $60 ilaa $70, lacagtaas saddex meelood ayaan u qeybin jiray, meel kaydkeyga dambe ayaan u dhigi jiray, labo meeloodna nolasha carruurteyda iyo waxbarashadooda ayaan ku bixin jiray,” ayuu yiri Axmed.

Axmed wuxuu korinayaa toddobo carruur ah oo shan ay waxbartaan. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in uu doonayo in uu dhawaan maalgeliyo ganacsiyo kale, shaqadanna uu ku wareejiyo qaar ka tirsan ubadkiisa oo uu xirfadda u tababaro.

Xirfadley badan ayaa shaqo gab u noqda burbur iyo dayac kale oo kaga yimaada qalabkooda kaas oo deedna ay u waayaan qalab ay wax kaga qabtaan. Kaydka lacagta wuxuu kalluumaysatada ka caawiyaa in ay shaqadoodu sii socoto marka ay baddu furanto.

Guddoomiye ku-xigeenka Iskaashatada Kalluumaysiga Boosaaso, Muuse Cali Muuse ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in xirfadlaydaas ay u badan yihiin xoogsato dabka ku shuba wixii soo gala.

“Dadkaas danyarta ah waxay ku xiran yihiin wixii ay maalintaas la soo baxaan, inta wax dhigata ayaa ku yar marka, qiyaastii boqolkiiba 80 wax ma dhigtaan, sababta oo ah subaxdii bay kallahaan baddaas ayay aadaan maalintaas wixii ay soo helaan ayay cunaan,” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka.

Hababka loo qallajiyo kalluunka ayaa muhiim u ah ganacsatada kalluunka dhoofiya ee heli kara suuqyo dibedda ah oo ay ka iibsadaan kalluun ay dhoofiyaan xiliga bad-xiranka ah.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Puntland, Dr. Ibraahim Xareed Cali oo ah khabiir arrimaha xoolaha ah ayaa isbarbar-dhig ku sameeyay sida ay xoola-dhaqatada iyo Kalluumaysatada ugu kala yihiin maaraynta xilliga barwaaqada.

Wuxuu sheegay in labada dhinacba aysan weli faham wanaagsan ka haysan heerkii la rabay ee kaydsashada khayraadka iyo lacagtaba, laakiin wuxuu qabaa in xoolo-dhaqatadu aysan weli u baraarugsanayn sida kalluumaysatada oo fursado badan haysta.

Previous Post

Dhadhaab: Haween barnamaij dhaqaale wadaag ah ku guulaystay

Next Post

IDAACADDA MAANTA ARBACO, 24 JULY 2019

Related Posts

Cayayaan iyo biyo la’aan qasaare galiyay beeralayda deegaanno ka tirsan Sool
Beeraha Iyo Xoolaha

Cayayaan iyo biyo la’aan qasaare galiyay beeralayda deegaanno ka tirsan Sool

February 7, 2026
Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo

February 5, 2026
Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow

February 4, 2026
Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah
Beeraha Iyo Xoolaha

Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah

February 3, 2026
Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay

February 2, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Waayeel iyo dad nugul oo looga guuray deegaan roob la’aan ah oo Hargaysa hoostaga

January 30, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA ARBACO, 24 JULY 2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-FEB-2026

IDAACADDA 07-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-FEB-2026
February 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-FEB-2026
February 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-FEB-2026
February 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-FEB-2026
February 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-FEB-2026
February 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo