Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Geedka Cali-garoobka oo saameeyay dooxooyin ay xoolaha daaqi jireen

Radio Ergo by Radio Ergo
June 3, 2019
in Wararkii u Danbeeyay
0
Jarista Garan-waaga oo dad abaaraha ku cayroobay shaqo abuur u noqday

Sawir:kayd

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dadka xoolo-dhaqatada ah iyo beeralayda ee deggen deegaanno hoos yimaada degmada Taleex ee gobolka Sool, ayaa ka walaacsan geedka Garan-waaga (Cali-garoobka), kaas oo saddexdii sano ee la soo dhaafay oo deegaannada ay abaaro ahaayeen ku faafay dooxooyin ay xooluhu daaqi jireen.

Geedkaan oo qabsaday saddexda dooxo ee kala ah Maragmaal, Gabi geedh iyo Xeri-heere ayaa dadkii deggenaa waxay sheegayaan in uu ku faafay oo aysan hadda u daaqi karin xooluhu.

Dooxada Dhumay oo dhul 20km ah ku fadhida inta aan geedkaani ka bixin ka hor waxaa xoolahooda daaqsin u keeni jiray 1,500 oo qoys halka ay haddana wax ka yar 200 oo qoys ay yimaadaan.

Maxamed Cabdi Xasan oo ka mid dadka xoolo-dhaqatada ee deggan dooxada Dhumay ayaa sheegay in uu u naq-raacay koonfurta gobolka Sool muddadii abaarta ay jirtay, hadda markii uu roobku da’ayna ee uu ku soo noqday deegaanka wuxuu la kulmay geedkaani oo ku faafay degaanka.

“Cawskii ay caanka ku ahayd dooxadu, xoolahana u nacfiga badnaa sida sifaarkii, dureemadii, sixidii iyo sarinkii wuu nabaad guuriyay. Sidoo kale dooxadii wuu xidhay. Waxaa nooga sii daran bahal oo dhan ayaa dhulkii yimid oo geedkan gabbaad ka dhigtay. Labaatankii maalmood ee la soo dhaafay afar neef oo adhi ah waxaa iga dilay waraabe iyo gadduudane,” ayuu yiri Maxamed.

Tiraba ilaa afar jeer ayay dadka deegaanku isku dayeen inay geedkan wax ka qabtaan laakiinse kumaysan guulaysan, iyagoo jaray, gubay sidoo kalana ku shubay naafto.

Markii ugu dambaysay ayaa ahayd markii ay xilligaan gu’ga deegaanka ku soo noqdeen, waxayna sheegeen caqabadda ugu wayn ee hortaagan oo ah dhulka uu qabsaday oo ballaaran.

Quulle Maxamed wuxuu ka mid yahay dadka deggen deegaanka Gebi dheero wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in labo habeen ka hor hal irmaan oo uu lahaa ay dhimatay kadib marka ay daaqday abqada geedka.

“Hashan aan carruurta u maali jiray waxay daaqi jirtay geedkan garan-waaga ah abqadiisa caloosha ayaa laga qabtay. Way dibbirtay dadaal kasta waan samaynay hashii waan naga bakhtiday. Si aan u ogaado waxaa dilay calooshii ayaan dillaaciyay mise xiidmihii oo dhan waxaa sidaa isugu maray qabcadii garan-waaga,” ayuu yiri Quulle oo ah xool0-dhaqatada ku soo laabtay degaanka.

Xuseen Xalane oo ah guddoomiyaha iskaashatada beeralayda Xalin wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in beero 80 ah uu geedkaani qabsaday oo dadkii lahaa uga hayaameen, kuwaas oo nolol u raadsaday Laascaanood.

Maxamed Suleymaan Cali waa khabiir bartay cilmiga deegaanka iyo beeraha, madaxna u ah ururka ilaalinta deegaanka ee Dalcagaarshe oo ka dhisan gobolka Sool.

“Waana geed doog iyo jilaalba caleentiisu tahay mid cagaaran. Waa geed iniinta ka dhacda ay soo baxayso, xoolaha marka ay daaqaan saalladooda ayaa sii fidinaysa oo deegaanno hor leh ku sii faafinaysa, meeshi geed ka baxo wuu ku faafi,” ayuu yiri Maxamed.

Maxamed ayaa tilmaamay in geedkan lagula tacaali karo in la gubo.

 

Previous Post

IDAACADDA MAANTA AXAD 02-JUNE-2019

Next Post

Gobolka Nugaal: In ka badan 1,000 qoys oo ka faa’iidaystay biyo-xireen laga dhisay tuulada Salaxley

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Gobolka Nugaal: In ka badan 1,000 qoys oo ka faa’iidaystay biyo-xireen laga dhisay tuulada Salaxley

Gobolka Nugaal: In ka badan 1,000 qoys oo ka faa'iidaystay biyo-xireen laga dhisay tuulada Salaxley

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo