Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Gobolka Nugaal: In ka badan 1,000 qoys oo ka faa’iidaystay biyo-xireen laga dhisay tuulada Salaxley

Radio Ergo by Radio Ergo
June 3, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Gobolka Nugaal: In ka badan 1,000 qoys oo ka faa’iidaystay biyo-xireen laga dhisay tuulada Salaxley

xurfada laga hergeliyay tuulada Salexley/ Cabdiraxmaan Maxamed Xaji/ Raadiyow Ergo.

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Roobkii gu’ga ee curtay horaantii bishii la soo dhaafay ayaa biyo-geliyay biyo-qabatin ama (xurfo) kaydinaysa 120,000 oo fuusto oo laga dhisay tuulada Saxley ee gobolka Nugaal.

Ilaa 500 oo qoys oo xoolo dhaqato oo ku nool tuulada ayaa ku diirsaday biyaha galay Xurfodan ku dhextaalo dooxada Salaxley oo 12 km dhinaca koonfureed kaga beegan magaalada Garowe.

Waxaa sidoo kale u soo hayaamay dooxadaan 600 oo qoys oo kale oo ka kala yimaada deegaanada Awr-culus, Reemati, Abaareey iyo Yoombays oo u jira 50 km iyo wax ka badan. 

Biyo-qabatinkan ayaa ah kii labaad ee ku yaala deegaanka ayay dowladdu daah-furtay bishii May ee sanadkan, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay wasiirka deegaanka, beeraha iyo isbedelka cimilada ee Puntland, Ismacil Diiriye Gama’diid.

“Qorshahaygani ee hadda aan ahmiyadda saaraynaa waxaa weeyaan in biyaha roobka aan ka faa’iidaysano.Intii aanu xiri karno aan xirno. Mashaariicdayada oo dhan iyo hay’adaha aan la shaqayno, waxaan hadda u siinay muhiimada koowaad in aan biyaha xirno,” ayuu yiri Ismacil oo intaas raaciyay in dowladda Puntland ay dhamaystiri doonto10 goobood oo ay ka hirgeliyeen biyo-xireeno iyo xurfooyin noocaan ah

Biyo-qabatinkan ayaa ku fadhiya dhul-dhererkiisu yahay boqol mitir iyo siddeetan mitir oo balac ah, wuxuuna hoos u qodan yahay afar mitir.

Wuxuu awood u leeyahay in uusan biyaha dhimin maadama uu ku samaysan tiyuub la le’eg kaysiiyay xurfada.

Daynabo ku tiirsan soolar ayaa loo adeegsanayaa si biyaha looga soo saaro, deedna loogu shubo meelaha loogu talagalay in ay xooluhu ka cabaan.

Maxamed Axmed Garow oo ka mid ah xoola-dhaqatada deegaanka xubinna ka ah guddiga maamulaya xurfadan ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in deegaanku uu ku tiirsanaa biyo laga soo dhaamiyo magaaklada Garowe.

Maxamed ayaa tilmaamay in nolasha qoyskiisa oo ka kooban 7 qof ay ahmiyad weyn ugu fadhiyaan biyahan.

“Marka jiilaalku adkaado 50 km oo tuulada rabaable ah baa biyo noogu sokaysa. Waxaa ka jiray deegaanka horta ceel ma leh. Baraagay leedahay baraaguhuna waa haan waa dhamaanayaan. Ileen baraaguhuba waa jabaane hadii ay sidaas ku badbaado (oo aysan dhibi ku iman) noloshayada aad iyo aad bay wax uga bedelaysaa,” ayuu yiri Maxamed.

Yusuf Maxamuud oo bartay culuumta deegaanka ayaa sheegaaya in biyo-qabatinada noocaan oo kale ah ay qayb ka yihiin hababka waa weyn ee wax looga qabto isbedelka cimilada isla markaasna ay yaraynayaan baahida biyaha ee badanaa xoola-dhaqatada haysata.

“Waxyaabahan biyo-xireenada iyo xurfooyinka, iyaga waxaa loo yaqaan adaptation. Iyaga waxaa loogu talagalay maadama isbedel cimilo uu dhacay, in dadkii laga khafiifiyo dhibtii soo gaartay, si abaarta dadku aysan u dareemin oo dhibtii lala qaybsado,” ayuu yiri.

Saddexdii sano ee ugu dambeeyay hay’adaha sida UNDP iyo WFP, Bankiga aduunka iyo Midowga Yurub ayaa dowladda Punland ka caawiyay in ka badan labaatan biyo-xireeno iyo xurfooyin laga sameeyaan gobolada Bari, Mudug, Nugaal, Karkaar iyo Sanaag.

Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar

 

Previous Post

Geedka Cali-garoobka oo saameeyay dooxooyin ay xoolaha daaqi jireen

Next Post

IDAACADDA MAANTA ISNIIN 03-JUNE-2019

Related Posts

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo
Wararkii u Danbeeyay

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo

July 9, 2026
Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA ISNIIN 03-JUNE-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-JUL-2026

IDAACADDA 09-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUL-2026
July 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo