Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Balacd:1600 oo qoys qoys ayaa ku barakacay dagaallo u dhexeeya Alshabaab iyo ciidamada dowladda

Radio Ergo by Radio Ergo
May 20, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Balacd:1600 oo qoys qoys ayaa ku barakacay dagaallo u dhexeeya Alshabaab iyo ciidamada dowladda

Sawir: kayd

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) –  Maamulka degmada Balcad ayaa sheegaya in dad ka badan 1600 oo qoys ay ku barakacay dagaallo u dhexeeya ururka Alshabaab iyo ciidamada dawladda oo ka dhacay waqooyiga degmadaas.

Dadkan oo ahaa beeralay ayaa soo barakacay todobo tuulooy oo hoos yimaada degmada Balacqad.

Faay Baali Cali waxay ku noolayd tuulada Yaaqle oo 35km u jirta Balcad, waxayna ka mid tahay qoysaska ku soo barakacay dagaaladda.

Waxay sheegtay in labo ka mid ah carruurteeda ay ka maqan yihiin.

“Wiil iyo gabar ayaa iga maqan duurka ayay jiraan ilaa hada meel Kuma sheego da’dooda Waa 2 Jir iyo 4 jir wana kala maqan yihiin, ilaa waagaan calaacalkooda ayaa wali ka jiraa intaan wado ayaa ku soo jiray, waan ku soo rafaadaayay, wax Gacan iigu jiro ma lahan degaankeenu waa xun yahay,” ayay tiri Faay.

Sayga Faay markii dagaalku dhacayey isna ku maqnaa beer qodaal ayaa dantu ku khasabtay in uu u cararo banaanka tuulada.

Faay oo ah hooyo ahaysata 7 carruur ah wakhtiga uu dagaalka dhacayay waxay ku maqnayd beer falasho.

“Wax aan cuno mahaaysano, guryo ma haaysano wax aan hugsano ma halan, alaab wax lagu karsado malahan, gogol ma haaysano. Dadkan ayan iska tuugnaa dhibkaana kajira Meesha Dhaxdaan ayaa leeyga Soo qaaday hadan Tuugsi iigama Sukeyso Muslinkaan ayaan dul deganahay” Faay ayaa sidaas Raadiyo Ergo u sheegtay.

Xamdi Axmed Maxamuud oo ah madaxa Gurmadka iyo Maaraynta masiibooyinka ee maamulka degmada Balcad ayaa waxay Raadiyaha Ergo u sheegtay in maalin kasta ay yimaadaan dad cusub oo barakac ah ayna ilaa hadda diwaan geliyey 1670 qoys.

“Dadka soo barakacay daruufaha haaystaan ma ahan wax lasoo koobi karo, iyada oo lagu jiro bil Ramadaan ah,  guriyahoodi ayay ka soo barakaceen, xili roobaad ayaa usii dheer, wax marokaneco ah ma haaystaan, caafimaad ma jiro, anaga kaliya, waxaan u sameynay diiwaan galin, sidoo kale, dadka xanuunsan, MCH-yada ayaan geynay, afur hal habeen ah ayaan usameynay, degmada Balcad waxay ka kooban tahay 7 xaafad, isbuucaan gudahiisane waxaan dejin doonaa meel u gaar ah barakacayaasha. xilli roobaad ayaa lagu jiraa, marokaneeco la’aana dadka meel lama dejin karo, hadda qorshihii loogu gadaayay ayaan ku jirnaa, mark aan u dagnana meel banan ah ayaan dejineynaa,” ayay tiri Hamdi.

Tuulooyinka laga soo barakacay ayaa kala ah, Yaaqle, Dhagaxow, Farbarako, Faaydhuxul, Seeydiir iyo Damaley.

Dhammaan dadka ku noolaatuulooyinkaas waxay ahaayeen beeralay.

Xilligii gu’gii 2018 fatahaado dhacay ayaa ka baajiyey qodaalka dalagyadoodii.

Xilligaan gu’ga la joogana oo ay u diyaar garoobayeen tacabkana dagaallo ayaa soo barakiciyey.

Tiradda hadda ku sugan Balcad waxay dhex degeen todobada xaafadood ee magaaladu ka kooban tahay.

Waxaana jira dad kale oo weli tiradooda aan la ogayn oo iyana gaaray tuulooyin kale sida Tuulada Mareerey oo Degmada Balcad 10Km ka xigta dhanka woqooyi oo ay hadda barakacayaashu ka sameysanayaan aqalo.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA ISNIIN 20-MAY-2019

Next Post

Kiiska Caasho: Ma laga yaabaa in Saynisku wax ka badalo cadaaladda Soomaaliya?

Related Posts

Xaalad quus ah oo haysata qoysas maciin-biday xeryaha degmada Afgooye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xaalad quus ah oo haysata qoysas maciin-biday xeryaha degmada Afgooye

October 29, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxootiga Dhadhaab oo loo sameeyay qaliimo iyo daawayn qayb ka ah caymiska caafimaadka

October 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Wiil shaqada lows wareejin ah ku mutaystay maaraynta qoyskiisa iyo waxbarashadiisa

October 27, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ku xarooday Burco markii casharo xanuun badan ay ka barteen roob la’aanta

October 23, 2026
Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi

October 21, 2026
Xoolaha u dhinta bacaha ay cunaan oo ku badanaya Guriceel iyo deegaano hoostaga
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolaha u dhinta bacaha ay cunaan oo ku badanaya Guriceel iyo deegaano hoostaga

October 20, 2026
Next Post
Shaybaar

Kiiska Caasho: Ma laga yaabaa in Saynisku wax ka badalo cadaaladda Soomaaliya?

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 30-OCT-2026

IDAACADDA 30-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 30-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-OCT-2026
October 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-OCT-2026
October 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-OCT-2026
October 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-OCT-2026
October 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-OCT-2026
October 26, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo