Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Balacd:1600 oo qoys qoys ayaa ku barakacay dagaallo u dhexeeya Alshabaab iyo ciidamada dowladda

Radio Ergo by Radio Ergo
May 20, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Balacd:1600 oo qoys qoys ayaa ku barakacay dagaallo u dhexeeya Alshabaab iyo ciidamada dowladda

Sawir: kayd

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) –  Maamulka degmada Balcad ayaa sheegaya in dad ka badan 1600 oo qoys ay ku barakacay dagaallo u dhexeeya ururka Alshabaab iyo ciidamada dawladda oo ka dhacay waqooyiga degmadaas.

Dadkan oo ahaa beeralay ayaa soo barakacay todobo tuulooy oo hoos yimaada degmada Balacqad.

Faay Baali Cali waxay ku noolayd tuulada Yaaqle oo 35km u jirta Balcad, waxayna ka mid tahay qoysaska ku soo barakacay dagaaladda.

Waxay sheegtay in labo ka mid ah carruurteeda ay ka maqan yihiin.

“Wiil iyo gabar ayaa iga maqan duurka ayay jiraan ilaa hada meel Kuma sheego da’dooda Waa 2 Jir iyo 4 jir wana kala maqan yihiin, ilaa waagaan calaacalkooda ayaa wali ka jiraa intaan wado ayaa ku soo jiray, waan ku soo rafaadaayay, wax Gacan iigu jiro ma lahan degaankeenu waa xun yahay,” ayay tiri Faay.

Sayga Faay markii dagaalku dhacayey isna ku maqnaa beer qodaal ayaa dantu ku khasabtay in uu u cararo banaanka tuulada.

Faay oo ah hooyo ahaysata 7 carruur ah wakhtiga uu dagaalka dhacayay waxay ku maqnayd beer falasho.

“Wax aan cuno mahaaysano, guryo ma haaysano wax aan hugsano ma halan, alaab wax lagu karsado malahan, gogol ma haaysano. Dadkan ayan iska tuugnaa dhibkaana kajira Meesha Dhaxdaan ayaa leeyga Soo qaaday hadan Tuugsi iigama Sukeyso Muslinkaan ayaan dul deganahay” Faay ayaa sidaas Raadiyo Ergo u sheegtay.

Xamdi Axmed Maxamuud oo ah madaxa Gurmadka iyo Maaraynta masiibooyinka ee maamulka degmada Balcad ayaa waxay Raadiyaha Ergo u sheegtay in maalin kasta ay yimaadaan dad cusub oo barakac ah ayna ilaa hadda diwaan geliyey 1670 qoys.

“Dadka soo barakacay daruufaha haaystaan ma ahan wax lasoo koobi karo, iyada oo lagu jiro bil Ramadaan ah,  guriyahoodi ayay ka soo barakaceen, xili roobaad ayaa usii dheer, wax marokaneco ah ma haaystaan, caafimaad ma jiro, anaga kaliya, waxaan u sameynay diiwaan galin, sidoo kale, dadka xanuunsan, MCH-yada ayaan geynay, afur hal habeen ah ayaan usameynay, degmada Balcad waxay ka kooban tahay 7 xaafad, isbuucaan gudahiisane waxaan dejin doonaa meel u gaar ah barakacayaasha. xilli roobaad ayaa lagu jiraa, marokaneeco la’aana dadka meel lama dejin karo, hadda qorshihii loogu gadaayay ayaan ku jirnaa, mark aan u dagnana meel banan ah ayaan dejineynaa,” ayay tiri Hamdi.

Tuulooyinka laga soo barakacay ayaa kala ah, Yaaqle, Dhagaxow, Farbarako, Faaydhuxul, Seeydiir iyo Damaley.

Dhammaan dadka ku noolaatuulooyinkaas waxay ahaayeen beeralay.

Xilligii gu’gii 2018 fatahaado dhacay ayaa ka baajiyey qodaalka dalagyadoodii.

Xilligaan gu’ga la joogana oo ay u diyaar garoobayeen tacabkana dagaallo ayaa soo barakiciyey.

Tiradda hadda ku sugan Balcad waxay dhex degeen todobada xaafadood ee magaaladu ka kooban tahay.

Waxaana jira dad kale oo weli tiradooda aan la ogayn oo iyana gaaray tuulooyin kale sida Tuulada Mareerey oo Degmada Balcad 10Km ka xigta dhanka woqooyi oo ay hadda barakacayaashu ka sameysanayaan aqalo.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA ISNIIN 20-MAY-2019

Next Post

Kiiska Caasho: Ma laga yaabaa in Saynisku wax ka badalo cadaaladda Soomaaliya?

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shaqo la’aan ku dhacday dad xeryaha Gaalkacyo ka samayn jiray wacy-galin bulsho

July 23, 2026
Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose
Caafimaadka

Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose

July 21, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Haween barakac ah oo qoysaskooda uga saaray nolol xumo haysay xirfado ay ku shaqaystaan

July 20, 2026
Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin
Wararkii u Danbeeyay

Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin

July 16, 2026
Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug
Beeraha Iyo Xoolaha

Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug

July 15, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qorshe lagu horumarinayo Muqdisho oo shaqo la’aan biday barakac iyo danyar

July 14, 2026
Next Post
Shaybaar

Kiiska Caasho: Ma laga yaabaa in Saynisku wax ka badalo cadaaladda Soomaaliya?

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-JUL-2026

IDAACADDA 25-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-JUL-2026
July 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-JUL-2026
July 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUL-2026
July 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUL-2026
July 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-JUL-2026
July 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo