Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Kiiska Caasho: Ma laga yaabaa in Saynisku wax ka badalo cadaaladda Soomaaliya?

Radio Ergo by Radio Ergo
May 20, 2019
in Arrimaha Bulshada, LATEST POSTS, Wararkii u Danbeeyay
1
Shaybaar

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maxkamad ku taala Soomaaliya oo cuskatay caddaymo ku tiirsan DNA ayaa xukuntay saddex nin oo kufsi naxdin leh u geystay gabar yar, arrintaas oo bedeli karta mustaqbalka hannaanka caddaaladda ee dalka.

Saddex garsoore oo fadhiyay maxkamadda derejadda koowaad ee Garowe ayaa 12kii bishan May waxay dil ku xukumeen saddex nin oo ku eedaysan kufsiga iyo dilka Caasho Ilyaas Aadan oo 12 jir ah.

Caasho ayaa gudaha Gaalkacyo loogu geystay kufsi iyo dil kadibna waxaa maydkeeda la soo dhigay meel aanan ka fogayn gurigooda bishii febraayo.

Waa markii ugu horraysay ee Soomaaliya baaritaan dheecaan ayadoo la isticmaalaayo hidde-sidaha loo yaqaano DNA.

Dheecaanka (DNA) oo qaadday hay’adda baarritaannada Saynidka ee Garowe ayaa gundhig looga dhigay dacwadan oo ahayd mid culus.  Shaybaarkan oo la furay sannadkii 2017 oo ay taageeraan dowladda Sweden iyo hay’adda UNFPA ayaa fududeeynaya cadaymaha dacwadaha noocaan ah oo ay adkayd in la helo markii hore.

Xeer-ilaaliyayaasha ayaa u sheegay maxkamadda in cadaymaha DNA-ga ee laga qaaday goobtii uu falku ka dhacay, raggii lagu tuhunsanaa iyo dharkeedii ay is-waafeqeen.

Qareenka difaacayay saddexda eedaysane, Mustafe Maxamed Jaamac ayaa u sheegay Raadiyo Ergo in ay qaadanayaan racfaan ka dhan ah xukunka.

Wuxuu sidoo kale sheegay caddaymaha shaybaarka ee maxkamaddu loo soo bandhigay ay yihiin kuwa aan la aqbali karin, maadama uu saluugsan yahay hannaankii la maray.

“Baaritaanka hidde-sidaha (DNA test-ga) kalsooni daro baan ka muujinaynaa, annagu markii hore meesha goobjoog kama aannu ahayn” ayuu yiri Mustafe. “Meesha waxaa la yiri waxaa ka dhacay kufsi,  muwakiliintayadu (eedaysanayaasha) la yiri waa geysteen oo maxkamaddu baadil ku xukuntay.”

Hay’adda Baarritaanada Sayniska ee Garowe waxay awood farsamo u leedahay in ay aruuriso dheecaannada DNA isla markaana kaydisa, laakiin waxay dibedda u dirtaa dheecaanka ay kaydiso si cadaynta loo helo.

Dadweynaha ayaa baraha bulshadda ku qorayay “Caasho caddaalad ha hesho”, arrintaas ayaa keentay in maxkamaddu ay  dacwaddu ka dhigto dhagaysi-dadweyne.

Naciimo Muuse oo ah saxafiyad u ololaysa xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in

kiiskaan in uu wax badan ka badalaayo shaqaaqooyinkla kufsiga cabsina ku beeri karto dadka gaysto falalkaan gurracan.

“Sidoo kale waxay farriin adag u tahay, waxa ugu muhiimsan ee laga baran karaana ay tahay eedaysanayaasha u xiran falalkan oo kale iyo dadka kale oo damacsan in ay falal noocaan ah geystaan markay arkaan raggii ka horeeyay ee lagu soo eedeeyey kiiskii aadka u cuslaa oo la xukumay oo aan loo jixin jixayn,” ayay tiri.

Qareenka Xafiiska Difaaca Xuquuqda Aadanaha Puntland, Abdiweli Siciid Xaaji ayaa sheegay in ka qaybgalka dadweynaha dacwadaha noocaan ah ay abuurayso kalsooni iyo daah-furnaan caddaaladeed.

“Kiiskaan oo kale, wuxuu muhiim u yahay in dadka ku dhiiranaya ama ka fekeraya falalkaas, in ay dareemaan ciqaabta ay leedahay kana waantoobaan waxyaabahan oo kale, marka ay xukunkan ka arkaan baraha bulshadda” Ayuu yiri Cabdiweli.

Maxkamadda ayaa amartay in saddexda nin ee ku xukuntay dilka in ay ku fuliso dowladda  meel fagaara ah.

labadii bishii Maarso, maxkamadda Garowe ayaa dil ku xukuntay shan dhalinyaro ah oo kufsaday gabar 14 jir ahayd. Balse maxkamadda racfaanka ayaa khafiifisay kana dhigtay xabsi u dhexeeya 15 ilaa 200 sano.

Previous Post

Balacd:1600 oo qoys qoys ayaa ku barakacay dagaallo u dhexeeya Alshabaab iyo ciidamada dowladda

Next Post

Barnaamijka Xaaladda Xeryaha

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shaqo la’aan ku dhacday dad xeryaha Gaalkacyo ka samayn jiray wacy-galin bulsho

July 23, 2026
Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose
Caafimaadka

Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose

July 21, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Haween barakac ah oo qoysaskooda uga saaray nolol xumo haysay xirfado ay ku shaqaystaan

July 20, 2026
Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin
Wararkii u Danbeeyay

Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin

July 16, 2026
Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug
Beeraha Iyo Xoolaha

Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug

July 15, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qorshe lagu horumarinayo Muqdisho oo shaqo la’aan biday barakac iyo danyar

July 14, 2026
Next Post
Radio Ergo

Barnaamijka Xaaladda Xeryaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-JUL-2026

IDAACADDA 25-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-JUL-2026
July 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-JUL-2026
July 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUL-2026
July 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUL-2026
July 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-JUL-2026
July 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo