Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ah oo meel bannaan ah ku hoyanaya kadib markuu dab baabi’iyay xeradooda

Radio Ergo by Radio Ergo
April 24, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Xeryaha Baydhabo oo ay ku biireen kumannaan qoys oo ay soo barakicisay abaarta Baay iyo Bakool 14 September, 2016

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Nadiifo Samatar oo 71 jir ah waxay tan iyo labadii bishan markii uu buulkeedu gubtay u hoyanaysay bannaan u dhow xerada barakaca Nasahablood B ee magaalada Hargaysa. Habeenkii waxay ku seexataa kartoon ay kasoo urursatay goob qashinka lagu qubo oo u dhow. Qorraxda maalinkii, qabowga, biyo yaraan iyo cunno yaraan ayaa ah dhibaatada ugu weyn ee ay hadda wajahayso.

Xerada ay degganeyd oo dabka qabsaday waxay ku waysay walaasheed oo ka mid ahayd labo haween ah oo halkaas ku dhintay. Waxaa sidoo kale ka gubtay buul cooshad ka sameysaysan oo ay gali jirtay. Hadda ma haysato hoy, biyo iyo dhar ay xirato.

Xerada waxaa Nadiifo la degganaa wiil ay dhashay oo toddobo carruur ah oo uu dhalay la aaday cid ay qaraabo yihiin oo deggan magaalada. Halkaas oo ay ku helaan waxay cunaan iyo hoy.

“Gegadaasi ayaa Alle na dhigay, buulkii waa kaasi iyo mid kale oo halkaasi ku yaala oo inanku lahaa ayaan ku lahaa, dabadeed isagu carruurtii ayuu la qaxay, anna waan joogaa, labadii buulba waa gego, waanigaa alaabtii caawa halkaasi ku urursaday ee galaya, Ma wax raashin ah oo noo yaala ayaad nagu aragtaa? Waxay nasiiyeen in nafta aanu ku joojino wax kale ma hayno,” ayay u sheegtay Raadiyo Ergo.

Nadiifo ayaa hadda haysata haraaga labo kiilo oo bariis ah iyo 1 kiilo oo misir ah oo ay ku caawiyeen qaar ka mid ah dadka deggan xaafadda Sheekh Nuur oo raashin u aruurinayay dadka guryuhu ka gubteen.  Goorta la siiyay raashinka ku dar

Iyada iyo qoysaska kale waxay biyaha ka soo dhaansadaan ceelasha ku yaalla magaalada waxaana halka jirkaan laga siiyaa 2,000SL ah oo u dhiganta $0.25. Waxay halkaas jirkaan ku wada cabayaan lix qoys oo meel yar wada degay iyadoo saddexdii qoys-ba ay hal meel waxay helaan ku karsadaan si biyaha ay u dhaaqaystaan.

Toddobaatan qoys ayaa guryihii ay geli jireen kaga gubteen xerada. Mana jirto ilaa hadda qoys dib u sameystay hoy uu ka galo haddii roob yimaado. Qoysasku waxay isku urursadeen hadba sida ay iskugu dhow yihiin si ay habeenkii isaga weheshadaan weerarka bahalada waraabaha iyo eeyaha.

Qoysaska oo aanay jirin wax uga badbaaday weelkii, dharkii iyo raashinkii haddana waxay maalmo ku noolaayeen raashin iskugu jira bur, bariis iyo misir 25 kii ah oo toddobaadkii ay guryuhu ka gubteen ku caawisay hay’adda u diyaargarowga masiibooyinka  iyo kaydka cunada Somaliland. inkastoo Nadiifo ay markii raashinka la bixinayay aanay helin oo ay ku maqnayd tacsida walaasheed ayaan weydiiyay waxaa ku haya halkan ay degantahay ee ay uga guuri weyday.

“Waxaan uga tagi waayay naf baan la imid, haddaan maanta caawimaad aan sahay ka dhigto helayo waan iskaga tagi lahaa, meeshii ay walaashay ku go’day inaan dib la iigu arkeen, laakiin awoodii ayaan jiray oo iga raacday wiiddii iyo walbahaarkii igu dhacay, alaab waxaan ka haystaa wixii alle ii soo dawaray, weelkii gubtay ayaa dib u maydhay oo aan wax ku karsanaa haddii aan helo,” ayey tiri Nadiifo.

Qoysaskan ayaa raashinka ku karsada bannaan ay saddex dhagax iska soo hor jeediyeen jiingad yarna ay ku dadeen si aanay dabeyshu uga bakhtiin dabka.

Xeradan waxay ku nooshahay Nadiifo sagaalkii sano ee u dambeeyay markii ay kasoo barakacday abaar xoolo tiro ah ay uga dhammaadeen oo ku dhufatay xeebaha waqooyi ee Somaliland.

Xaliimo Madar Cabdilaahi oo ah hooyada afar carruur ah oo agoon ah, waxay ii sheegtay in aanay seexan habeen tan iyo inta ay bilaa hoyga tahay. Waxay ilaalo ka tahay carruurteeda oo kan ugu weyni uu yahay toban jir ka ugu yarani uu yahay lix jir. Kartoon ay ku seexiso ayay dusha ka fadhiisataa si aanay bahaladu u soo weerarani ama ay kala orodo haddii mar labaad dab qabsado halka ay seexdaan.

haweenaydan oo aanay cid ku caawin korriimada carruurta waxay soohi jirtay xarka xoolaha lagu xiro. Waxay sheegtay inay suuqa geyn jirtay lix ilaa shan xarig subax kasta iyadoo lagaga iibsan jiray shan doolar haddii shantuba u gadmaan inkastoo ay hadda shaqadaas ka joogsatay markii ay weysay meel ay ka keento bacaha ay xarkaha ka sameyn jirtay kuwaas oo ay horey uga aruursan jirtay meheradaha ganacsiga ama ay ka iibsan jirtay xaafadaha magaalada marka raashinku ka dhamaado.

“Meel aan seexanayno ma jirto, baqdin bini’aadam iyo mid bahalba waa na haysaa, qodobka labaad waraabihii, masaskii, eydii iyo xayawaan  oo dhan ayaanu ka baqaynaa, meeshaas aan oodna laheyn joognaa, hurdo kuma qabanayso. Maalin oo dhan waabkaasi ayaan boqol qof isku qaboojinayaa afartaasi qori ee aan karatoonka dhinacyada ka saarnay. Aniga iyo carruurtu dhaxantaasi banaanka ayaan seexanaa ee meel aan galeynaa ma jirto, dhedo sayax iyo qabow ayaa halkan nagu soo gelaya oo aan jiifsanaynaa’’”ayay tiri Xaliimo.

Waa markii saddexaad ee ay gubato xerada Naasahablood B muddada ay deggan yihiin dadkan barakaca ah ku ah ee kasoo galay deegaannada miyiga ee xooluhu kaga dhinteen xoolihii ay lahaayeen. Inkastoo aanay wax gargaar ah ku nooleyn haddana waxay u shaqo tagaan magaalada oo ay ku nool yihiin hadba wixii ay kasoo helaan. Bishii December 2016, August 2017 iyo bishan horaanteedii ayaa xeradaasi dab ka kacay baabb’iyay guryo ku yaalay xeradan. Goorta xerada la aasaasay ku qor qeybta hore ee sheekadu ka billaabato.

Xerada oo ku taalla dhul dad gaar ah ay leeyihiin waxaa marar badan dadkii lahaa ka codsadeen inay uga guuraan si ay u dhistaan dhulkooda. waxaana dowladda hoose ee Hargeysa ay shacabka ka codsatay in dhul la siiyo si dadkan barakacayaasha loo dajiyo.

Maxamuud Yuusuf Cali agaasimaha waaxda barakacayaasha ee hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Somaliland ayaa sheegay inay ka warqabaan dhibaatada guri la’aanta ah ee dadka haysata islamarkaana muddo soddon maalmood gudohood ah ay dadkaasi dhul dowladdu leedahay u rari doonaan.

Agaasimaha ayaa sheegay in ilaa hadda aan la ogeyn sababtii dabku u kacay oo ciidamaduna ay weli baadhistii ay wadaan.

Inkasta oo dadkani ay xaalad adag oo dhinaca nolosha ah wajahayaan haddana qaar ayaa isku dayaya sidii ay u dhisan lahaayeen buulal yar yar oo ay ka galaan roobka gu’ga ee curtay iyagoo bilaabay in dooxyada ku dhow ay kasoo goostaan qoryo ay dib ugu dhistaan buulashii ka gubtay horaantii bishan.

Previous Post

Boosaaso: Xirfadaha ay dantu badday dadka barakacay iyo sida ay noloshooda ugu maareeyaan

Next Post

IDAACADDA MAANTA KHAMIIS 25-APRIL-2019

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA KHAMIIS 25-APRIL-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-MAY-2026

IDAACADDA 04-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo