Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Boosaaso: Xirfadaha ay dantu badday dadka barakacay iyo sida ay noloshooda ugu maareeyaan

Radio Ergo by Radio Ergo
April 24, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, LATEST POSTS, Wararkii u Danbeeyay
0
Dadkii ka barakacay dagaalka Gaalkacyo oo ay cunto-yari iyo hoy la’aan haysato 21 October, 2016

Kaydka sawirrada/ Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qeybta labaad ee barnaamij ayaa waxaa isbuucaan laga soo diyaariyay xero ku taala degmada Boosaso ee gobolka Bari.

Xerada Bedbaado oo ku taalla duleedka Bari ee magaalada Boosaso ayaa waxaa la aasaasay sanadkii 2010, waxaa ku nool dad dhulkoodii ay abaar ka soo barakicisay iyo kuwo kasoo guuray xeryaha kale ee magaalada markii xeradan ay dowladda hoose ee degmadu u diiwaan galisay mid ay ku nool yihiin dadka ay saameynta ku yeesheen abaaraha iyo colaadaha sokeeye ee waddanka ka dhacay.

Xeradan oo ay ku nool yihiin tiro ku dhaw kun ayaa wajahaysa caqabad ah in aysan lahayn adeegyada caafimadka oo aysan si joogta ah u helin, sida ay sheegtay Faadumo Xasan Maxamed oo muddo dhan 10 sano ku nooleyd xeradan.

Faadumo oo ah hooyada 8 carruur ah oo markeedii hore ka soo bakaracday degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose waxay sheegtay in in muddo ah ay si tabarucaad ah ugu caawinaysay dadka xerada dhinaca umulusinimada.

Waxay xustay in xirfaddan oo ay baratay shan sano ka hor ay ku qasabtay markii xilligaas gabar ay dhashay ay waysay goob caafimaad oo ay geyso, wixii intaas ka danbeeyayna ay carruurteeda iyo dadka xeradaba ay ka caawinaysay dhinaca dhalmada hooyooyinka.

“Ummuliso dhaqameed ayaan ahay, xaafadda wixii ka yimaada oo sideed saac ama sagaal saac oo habeenimo foolanaysa ayaa la iga yeero, wuu u shaqeeyaa, tii aan awoodi waayana isbitaalka weyn hala geeyo ayaan dhahaa, aniga shaqo iima ahan laakiin qofkii dhiban ee guriga iigu yimaada waan caawiyaa, lacagna la ima siiyo ani , dadka barkiis wax ma awoodaan, qofkii sidaas oo kale ah oo meesha ku foolanaya miyaan ku fiirsan karnaa ? waa may, ani cid mushaar igu siisana ma jirto anaa ku caawiya dadkeyga,” ayay tiri.

Dadka ku nool xeradan si joogta ah uma helaan caawimaad ku filan.

Waxaana gurmadkii ugu danbeeyay la siiyay afar bilood ka hor xiligaas oo qoys walba uu helay kiish bur ah, kiish sonkor ah iyo caagad saliida.

Mana jirto wax deeq ah oo ay ka helaan dhinaca dowladda, marka laga yimaado hay’addaha samafalka ee ka howlgala deegaanka.

Sida uu Raadiyo Ergo u sheegay horjoogaha xerada, Maxamed Macalin, hay’adda Care International ayaa siisay gargaarkii ugu dambeeyay.

Nolashada dadka ku nool xeradan ayaa ku tiirsan shaqooyin yar yar oo raggu ka soo qabtaan magaalada iyo qeybo kamid ah xerada, iyadoona dumarku qaarkood ay goobo ganacsi oo yar yar ka sameysteen isla xerada.

Deeq Cabdi Nuur oo ah 40-jir ka soo barakacay duleedka magaalada Kismaayo ee konfurta Soomaaliya, wuxuuna gurigiisa ka hor sameystay goob uu ku farsameeyo agabka loo isticmaalo guryaha.

Deeq ayaa bartay xirfadan muddadii uu xeradan degenaa.

Wax soosaarkiisa waxaa kamid ah burjikooyinka ama girgirooyinka lagu karsado cuntada, kuwaas oo uu ka saameeyo foostooyinka laga shubo shidaalka.

Waxaana markii uu geeyo magaalada laga siiyaa xabadiiba Lacag dhan $2 oo u dhiganta 64kun oo shilin Soomaali ah, taas oo uu ku maareeyo nolasha carruurtiisa oo ka kooban toddobo qof oo ay afar gabdho yihiin.

” Arrintaan waxey iga caawisay nolasha qoyskeyga , waxaana igu qasbay duruufaha jira, hadana waan ku ladnahay waana ku qanacsanahay,” ayuu yiri.

Deeq ayaa mustaqbalka rajeynaya inuu helo goob ku haboon shaqadiisa, wuxuuna sheegay inuu jecel yahay inuu xirfadiisa sii balaariyo oo shaqo abuur oga sameeyo dhallinyarada kale ee la deggan Kaamka.

Xeradan barakac oo ay ku nool yihiin dad badankood ka soo barakacay gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo qaar ka yimid dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa weli baahi u qaba siday u heli lahaayeen waxabrashada carruurtooda.

Waxayna hadda carruurtu dhigtaan iskuul ka sameysan jiingado iyo alwaax, kaas oo ay dhismihiisa iska kaashadeen dadka deggan xerada. Waxaana ardaydu ku fariistaan koombooyinka caanuhu ka dhamaadeen iyo sijaayado ay ugu deeqaan qaar kamid ah qoysaska ka agdhow xerada.

Waxa kaliya ee dadkan ay mustaqbalka rajeynayaan ayaa ah sidii ay dib ugu laaban lahaayeen deegaanadoodii iyo xirfadahoodii, iyadoo caqabada heysta ay kamid yihiin dhinaca safarka oo aysan awoodin inay dib ugu laabtaan deeganadoodii, sababo amni iyo dhaqaale awgood.

Cali mataan Suubane oo 8 kamid ah caruurtiisa ay ugu dhasheen xeradan ayaa sheegaya inay ku adag tahay sidii ay ugu laaban lahaayeen deegaanadoodii, wuxuusa sheegay inay soo dhaweyn kala kulmeen dadka deegaankan muddadii ay la noolaayeen.

“Anigu qoyskeena waxaan ka nimid magaalada Qalaafe, haddaan ku noqon laheyna ma awoodno, waxaan ka nimid annaga oo labo ama sadex ah, laakiin maanta hadii aan laabanayno waxaan nahay 10, mana heysano lacag aan dhulkeenuu ugu laabano, Halkaana nabadgelyo ayaan ku helnay, si wanaagsan oo ixtiraam leh ayaana lanoogu soo dhaweeyay,” ayuu yiri Cali.

Previous Post

Maamulka Jubbaland oo biyo dhaamin ka samaysay Kismaayo iyo nawaaxigeeda

Next Post

Qoysas barakac ah oo meel bannaan ah ku hoyanaya kadib markuu dab baabi’iyay xeradooda

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Xeryaha Baydhabo oo ay ku biireen kumannaan qoys oo ay soo barakicisay abaarta Baay iyo Bakool 14 September, 2016

Qoysas barakac ah oo meel bannaan ah ku hoyanaya kadib markuu dab baabi’iyay xeradooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 14-JUN-2026

IDAACADDA 14-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 14-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-JUN-2026
June 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo