Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Maamulka Jubbaland oo biyo dhaamin ka samaysay Kismaayo iyo nawaaxigeeda

Radio Ergo by Radio Ergo
April 24, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Xoolo-dhaqatada Waqooyi-bari Kenya oo abaarta uga hayaamaya deegaannadii ay bilo ka hor u hayaameen

Sawirrada keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoysas isugu jira beeraley, xoolo dhaqato, dad soo barakacay iyo qaar ka soo noqday xeryaha qaxootiga Kenya, oo ku nool magaalooyinka Kismaayo iyo Badhaadhe, iyo tuulooyinka ka tirsan gobolka Jubbada hoose ayaa toddobaadkii labaad ka faa’idaysanaya gurmad biyo-dhaamin ah.

Booyadaha samaynaaya biyo dhaaminta ayaa gaadhaya 32 booyadood ayaa maalintii labo mar biyaha geeya goobaha biyo dhaaminta ka socoto. Waxaa xeryaha iyo tuulooyinka qaar biyaha looga dhaamiyaa magaalada Kismaayo, halka deegaannadaha ku yaalla Jasiiradaha looga qaado deegaanka Kudhaa.

Biyo-yari ka dhalatay roobka oo xilliyadii u dambeeyay ku yaraa gobolka ayaa keentay inay guraan waro iyo ceelal qodaal ah oo dadka deggan xeryaha iyo tuulooyinku ay ku tiirsanaayeen.

Gurmadkan waxaa sameynaysa wasaaradda macdanta iyo biyaha Jubbaland oo dhaqaale ka helaysa sanduuqa bedbaadada carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF), sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Cabdirashiid Maxamed Ducaale oo ah wasiir ku-xigeenka wasaaraddaas.

Wuxuu xusay in ay biyo-dhaaminta ka sameynayaan 28 goobood oo ay ku jiraan jasiirado oomane ah, wuxuuna gurmadku socon doonaa muddo labo bil ah.

“Howlo biyo dhaamin ah oo looga jawaabayo xaaladda degdeg ah ee deegaannada ay ka imaanayaan cabashooyinka biyo yarida. Run ahaantii deegaanno badan ayay naga soo gaareen cabashooyinka ku saabsan biyo-yarida,marka anagga oo tixraacayna ayaa meelihii ay naga soo gaartay baahida degdegga ah ayaa sidii ay u sii kala darneyd baan muhiimadda u sii kala siinnay,” ayuu yiri Cabdirashiid, “Meelaha ugu horreeya ee aan [mudnaanta] siinnay waa 21 goobood oo degmada Kismaayo iyo nawaaxigeeda ah iyo toddobo goobood oo degmadda Badhaadhe iyo naxaaxigeeda ah ayaa ugu darnaa oo jasiiradaha ay ku jiraan.“

Wasiir ku-xigeenka ayaa tilmaamay in wasaaraddu ay waddo kormeer ay ku soconayso gurmadka isagoo intaas ku daray in qandaraaska biya-dhaaminta la siiyay labo shirkadood oo leh booyadaha.

Deegaanka Cabdalla-biroole oo 45 km u jira Kimsaayo ayaa ka mid ah meelaha biyo-dhaaminta ay ka socoto. Falis Cabdi Cismaan oo ka mid ah xoolo-dhaqatada deegaankaas ayaa khadka telefoonka noogu sheegtay inay maalin kasta hesho saddex ilaa afar jirikaan oo biyo ah. waxay ka soo dhaansataa baco iyo barkado biyaha loogu shubo dadka deegaanka.

Ka hor biyo-dhaamintan waxaa qoyska Falis oo ka kooban 10 qof biyaha ugu dhaamin jirtay deegaannada Qod-qodka iyo Yaaq-bishaaro oo ay ku yaallaan ceelal gaar loo leeyahay oo Cabdalla Biroolle u jira ilaa 8km.

Falis ayaa sheegtay in deegaanka Qod-qodka ay ku bateen dad reer guuraa biyo raadis ah ayna cidhiidhi noqdeen biyihii, ka dibna ay u wareegtay deegaanka Yaaq-bishaar. Waxay isbuucii ceelka tagi jirtay labo mar iyadoo maalinta ay tagto soo qaadan jirta hal fuusto oo qiimaheedu yahay $5.

Waxay u lugayn jirtay ilaa hal saac iyo bar si qoyskeeda iyo 20 neef oo ari ah ay biyo ugu hesho. Hase yeeshee muddo bil ah oo ay ku adkaatay helista lacagta ay biyaha ku iibsato waxay biyaha ka baryi jirtay deriskeeda, iyadoo arigeedana uu deegaan lagu magacaabo Dharkeynley ku dartay qof ay qaraabo yihiin si waraab loogu helo.

“Waan ku dhibaataysnay biyahaas xagooda, hebelow jirikaan biyaa isii iyo ina adeerow laba jirikaan igu lahow rafaadkaas ayaan ku jirnay Alxamdulilaaah dhibaatadii waan ka baxnay, biyo dhaaminta markii hadda la bilaabay, biyahaas waxaan ku qabsanaa wax aan afka u cabno, shaaha ku karsano iyo cunada,“  ayay tiri Falis.

Falis wuxuu qoyskeeda ku tiirsan yahay xoolaha nool iyo lacag yar oo qoyska ku caawiyo wiil ay dhashay oo ka shaqeeya maqaayad cunno oo ku taala magaalada Kismaayo, waxaana uu bishii u diraa lacag dhan 1500,000 shilin Soomaali ah.

Guddoomiyaha deegaanka Cabdalla Biroole, Mukhtaar Maxamed Axmed ayaa Raadiyo Ergo telefoonka ugu sheegay in maalin kasta deegaanka la geeyo shan booyadood oo middiiba ay qaaddo 40 fuusto oo biyo.

Qoysaska deegaanka waxay noloshooda ku tiirsan tahay xoolaha iyo beeraha ku baxa roobka, welina halkaas kama da’in roobka gu’ga oo ka curtay meelo Soomaaliya ka mid ah. Wixii ka dambeeyay bilihii Janaayo iyo Feberaayo ee sanadkan, oo ay gureen ilo-biyoodyadii ay ku tiirsanaayeen, waxay dadku biyaha ka iibsanayeen deegaannada ay ku yaalaan ceelasha biyaha leh, waxaana fuustada laga siinayay lacag dhan 120,000 oo shilin Soomaali ah oo u dhiganta $5.

Aadan Maxamed Cali oo ka mid ah toddobo boqol oo qoys oo ku nool deegaanka Baar-caleen oo Kismayo u jira ilaa 18km waxaa isaga iyo dadka kale ee deegaanka ay ku tiirsan yihiin beeraha iyo xoolaha.

Deegaankiisa oo waruhu ka qallaleen bishii koowaad ee sannadkan biyahana ka heli jiray magaalada Kismaayo wuxuu hadda ka faa’iidaysanayaa biyo dhaaminta ay waddo wasaaradda.

Aadan oo qoyskiisa ka kooban yahay toddobo qof waxaa uu maalin kasta helaa 120 liitar oo biyo ah oo ku maareeyo nolasha qoyskiisa,waxaana biyaha yar  ee ay helaan ka dhigtaan wax ay cabbaan ,wax ay cunnadda ku karsadaan iyo wax ay siyaan 15 neef oo ari ah oo u jooga.

Waxaa biyo yarida ka jirtay deegaankiisa ay ku kalliftay inuu baadiyaha xaabo ka soo guro oo uu u soo iibgeeyo magaalada Kismaayo. Lacag 100,000 shilin Soomaali ah ayuu maalinta ka helaa xabada iyadoo markii biyo yaridu jirtay qoyska u gadi jiray biyo ay cabbaan.

Ninkan ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in subaxii markii uu labo saac ka soo baxo gurigiisa ay ku qaadan jirtay inuu qoyskiisa biyo helaan ilaa lix saac oo duhurnimo maaddaama uu u lugeyn jiray inta dhaxeysa Baar-caleen iyo kismaayo.

“Markaad qoyska u keeno ilaa labo foosto oo biyo ah ayaan xaabo raadin jiray si biyo loo helo,wax wayn ayaa isbeddelay halka dollar iyo barkii biyaha aan ku iibsan jirnay waan ka nasanay, hadda ok waaye barwaaqo ayaan ku jirnaa, Ilaahow roob noo keen ayaan ku jirnaa, saddex jirikaan oo biyo ah ayaan helaa saddex qoyska ayaa cabba, sadexna adhiga.”

Aadan Qoyskiisa waxaa ku tiirsannaa beer uu ku lahaa deegaanka barcaleen oo gaadhaysa 7 hegter oo  ah beeraha ku baxa xili roobadka balse waxaa uu sheegay in beertiisa iyo beeraha la midka aysan hellin wax roob ah ,wax dallagga oo ay ka goostana ay ugu danbaysay bishii sideedaad sanadkii hore.

Wasiir ku xigeenka ayaa tilmaamay in biyo-dhaamintan ay socon doonto muddo labo bilood ah maaddaama dadku aanay awood u lahayn inay biyo gataan, roobka oo ay ku tiisanaayeenna uusan weli da’in.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA ARABACA 24-APR-2019

Next Post

Boosaaso: Xirfadaha ay dantu badday dadka barakacay iyo sida ay noloshooda ugu maareeyaan

Related Posts

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Next Post
Dadkii ka barakacay dagaalka Gaalkacyo oo ay cunto-yari iyo hoy la’aan haysato 21 October, 2016

Boosaaso: Xirfadaha ay dantu badday dadka barakacay iyo sida ay noloshooda ugu maareeyaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 30-MAY-2026

IDAACADDA 30-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 30-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-MAY-2026
May 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-MAY-2026
May 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-MAY-2026
May 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-MAY-2026
May 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-MAY-2026
May 26, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo