Madaxweynaha Somaliland ayaa 15 April u asteeyay inay noqoto maalinta dhir-beerista, tayeynta iyo horumarinta dhirta. Waa qorshe sida la sheegay lagula dagaallamayo xaalufka.
Wariyaha Raadiyo Ergo ee magaalada Hargeysa Ilyaas Cabdi Cali ayaa ololaha dhir beerista ka wareystay agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta ee Somaliland Dr Cabdirisaaq Jaamac Nuur oo uu marka hore waydiiyay inuu sharraxayo hiigsigooda maanta.









