Xasan Maxamed Cawaale oo ah aabbaha shan carruur ah, wuxuu ka mid yahay saddex kun oo qoys oo ku nool degmada Hobyo ee gobolka Mudug kuwaas oo muddo bil ah uu ka duns an yahay ceel riig ah oo ay biyaha ka heli jireen, kaas oo uu bamka ku xiran uu biyaha soo qaadi waayay.
Xasan oo ka mid ah dadka danyarta ah ee degmada Hobyo wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in biyaha ay reerkiisu isticmaalaan uu ka baryo dadka ay dariska yihiin, isagoo caagadda 20 liitar qaadka ah ama kuwa ka yar uu dadka ula tago oo ay biyo ku soo siiyaan.
Xasan iyo guud ahaan dadka deggan Hobyo oo biyaha si bilaash ah uga cabi jiray halka ceel ee ku yaalla magaalada, dhaqaala la’aanta haysa ayaa u saamixi waysay in qoyskiisa uu u iibiyo biyaha oo dadka qaar booyado loogu keeno kuwaas oo fuustadii lagu iibsado $7.
”Waxaa nahay dad aad u hooseeya oo aanan heysan dhaqaale ay biyo ku gataan waxayna biyaha macaan inooga yimaadaan dhul aad u fog baabuur ayaana keenta, markii aan waayo awood dhaqaale oo aan ku gato dariska ayaan caagad u qaata oo isiiya”, ayuu yiri Xasan.
Wuxuu ku xoogsan jiray gaari gacan uu nolol maalmeedkiisa ka raadsado, isagoo xusay inuusan shaqo tagin muddo labo bil ah sabab la xariirta xanuun dhanka lugta midig ka haya oo uu la socon waayay taas oo kalliftay inuu gabo shaqadii uu qoyskiisa u hayay. Wuxuu xusay in lugtu ay barartay islamarkaana uusan haysan dhaqaale uu dhaqtarku tago.
Xasan wuxuu tilmaamay inay ku adag tahay helidda cunnada ay qoyskiisu u baahan yihiin, muddada uu xanuunsan yahay ayuu xusay in raashinka uu ka soo daynsado dukaamada magaalada oo ay aqoon ahaan u siiyaan. Waxaan wax ka waydiinnay sababta uu biyaha u daynsan waayay haddii booyado ay keenaan magaalada.
”Nin danyar ah oo hal fuusto oo biya ah oo toddobo doollar joogta gadanaya cidina deemin mayso wax ka badan haddii uu ubaahdo, laakiin qofka lacagta heysta toban fuusto iyo ka badan waa la deemin karaa, ” ayuu yiri Xasan.
Afar kun iyo shan boqol oo ah qoysas xoolo dhaqato ah ayaa ka hayaamay deegaannadooda oo u dhowaa degmada Hobyo, kuwaas oo degay agagaarka deegaannada Gawaan iyo Wisil ee gobolka Mudug si ay biyo u helaan sida uu Raadiyo Ergo u sheegay isu-duwaha wasaaradda tamarta iyo khayraadka biyaha gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Axmed Xasan Faarax oo qiimayn ku soo sameeyay xaaladda dadka biyo yaraantu haysato iyo in wax laga qaban karo ceelka hallaabay.
Wuxuu xusay in isaga iyo injineerro tagay Hobyo ay ogaadeen in ceelku uusan lahayn rajo dib loogu sameyn karo oo meeshii biyaha laga rabay uu ciid soo qaadayo islamarkaana loo baahan yahay in ceel kale la qodo.
”Waxaan indhahayga ku soo arkay ceelkii in uu dumay oo uu salka hoose ka dumay oo meeshii laga rabay in uu biyo soo qaado wuxuu soo qaadaya biyo wasakh ah,”
Isu-duwaha ayaa sheegay inay qeylo dhaan u direen hay’adaha samafalka si ceel loogu dhiso dadkan dhibaatada ay ku hayso biyo la’aanta ka jirta deegaankooda balse ilaa iyo hadda aysan arkin cid u soo jawaabta.
Dadka ka tagay deegaannadooda ee biyaha ula dhowaaday xoolaha marka laga tago waxaa jira xoolo dhaqato weli jooga meelaha ay deggan yihiin kuwaas oo dhaqaalaha dartiis u guuri waayay, isla markaana biyaha ka doonta ceelasha deegaannada ugu dhow.
Maxamed Cabdullaahi Cismaan oo ka mid ah xoolo dhaqatada ku haray baaddiyaha Hobyo ayaa sheegay in qoyskoodu ay awoodi waayeen inay u guuraan goobaha ay dadku u barakaceen sababo la xiriira inaysan haysan kharash ay ugu dhowaadaan meel ay biyaha ka helaan.
Wuxuu xusay in reerkoodu ay biyaha u doontaan deegaanka Gawaan oo 30km u jira degmada Hobyo, afartan liitar oo ay soo gataan ayay labo maalin oo kasta isticmaalaan kuwaas oo cunnada oo keliya ay ku karsadaan.
”Awr isaguba uu jiilaal hayo ayaa reerka loogu dhaamiyaa, afartan litir ayaa la saara waxaana laysku celceliyaa muddo labo beri ah, waxaana lagu karsadaa kaliya raashinka, ” ayuu yiri Maxamed.
Isuduwaha wasaaradda ayaa sheegay in dadka magaalada deggan iyo kuwa xoolaha leh ee hadda biyo yaridu ay hayso ay ku kala daran yihiin baahida biyaha, oo dadka xooluhu ku xiriiraan ay mar walba ku qasban yihiin inay helaan biyo iyaga iyo xooluhuba ay ku sii noolaan karaan.
Wuxuu xusay in dadka xoolo dhaqatada ee barakacay ay ugu wacan tahay biyaha qaaliga ee la keeno Hobyo iyo biyaha qoys ahaan iyo xooloodu cabayaan oo badan.
”Qoysaska reer miyiga iyo kuwa magalada isku mid maaha, waxaa suurto gal ah in halkii qoys oo reer miyi ah uu wato 100 neef ilaa labo boqol, marka reerka magaalada deggan isku mid maahan”.
Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in jiilaalka jira awgiis xoolaha ay saameyn ku yeesheen inay u arooraan deegaanka fog ee ay biyaha ka doontaa islamarkaana ay ku adag tahay inay ka guuraan halka ay hadda deggan yihiin.
”Waxaa nahay dad reer miyi ah, ma haysanno kharash aan ugu guurno halka biyaha laga helayo, markii hore xoolaha ayaa loo kaxayn jiray waxaana laga iman jiray xilli dambe”, ayuu yiri Maxamed
Degmada Hobyo oo ka mid ah degmooyinka ugu waaweyn ee gobolka Mudug waxaa marka laga tago halkan ceel ay lahayd baraago iyo waro biyuhu galaan xilli roobaadka, kuwaas oo dadka iyo duunyadu ay ka faa’iidaysan jireen, hase yeeshee waxay ka mid ahayd meelaha aanu roobka dayrta uusan sida fiican uga di’in taas oo keentay in waraha iyo baraaguhu ay qallalaan.










