Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bakool: Cunno la’aan nafaqa-darro ku ridday carruurta oo ka jirta Ceel-barde

Radio Ergo by Radio Ergo
January 8, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Carruur aan horey tallaal u helin oo jadeeco laga dawaynayo

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Cunno yaraan haysata labo boqol oo qoys oo ku nool xero lagu barakacay oo ku taalla degmada Ceel-barde ee gobolka Bakool ayaa keentay in nafaqo darrado ay ku dhacdo carruurta qoysaska xerada deggan.

Nafaqo darrada oo ah nooca dhexe iyo kan labaad ayaa haysa carruurta ka yar shanta sano sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Daweeye Cabdullaahi Carte oo ah madaxa ururka maxalli ah eeEl barde primary health care oo gacanta ku haya MCH-ka magaalada.

Qoysaskan ay carruurtan ka soo jeedaan ayaa ah kuwa xoolihi ay uga dhammaadeen abaarihii 2016-2017. Muddo siddeed bilood ah carruurtu ma helin gargaar raashin nafaqayn ahaa oo ay siin jireen qaar ka mid ah hay’adaha samafalka.

Daweeye Cabdullaahi Carte ayaa sheegay in sidoo kale dadka ugu darran ee ay nafaq-darradu  hayso ay yihiin hooyooyinka uurka leh iyo kuwa haysta ilmaha ka yar lixda bil.

Siddeed iyo labaatankii bishii hore ayuu sheegay inay miisaameen in ka badan labo boqol oo carruur ah oo lixdan ka mid ah ay ogaadeen inay hayso nafaqo darro daran halka inta kalana ay hayso nafaqo darro dhex dhexaad ah.

 Xabiibo Maxamed Cabdi waxay ka mid tahay qoysaska barakacay ee Ceel-barde ku nool muddo labo sano ah, waxay sheegtay in si ay carruurta ugu hesho hal waqti raashin ay cunaan ay soo gurato xaabo mararka qaarna ay xaafadaha dharka u soo dhaqdo taasina ay u suurta galisay in habeenkii ay casho u kariso carruurta.

Xabiibo iyo qoyskeeda oo labo sano ka hor abaar uga soo barakaceen deegaanka Haluul oo Ceelbarde 56km u jirta, waxay halka waqti dabka ay u shiddo u karisaa kilo bariis ah oo iidaan fiican laheyn, xiliyada qaarna canjeerada iyo soorta ayay u karisa.

Xarunta caafimaad ee ku taalla magaalada oo aan waxba u qaban karin dadkan marka laga reebo inay ka helana talooyin iyo miisaan oo kaliya ayaa howl-wadeennadeeda jooga u sheegeen in labo ka tirsan carruurteeda ay hayso nafaqo darro nooca ugu daran.

 Inkastoo qoysas kale oo la deggenaa xerada ay dib ugu noqdeen nolashoodii hore, iyada uma suurogelin sabab la xiriirta inaysan waxba harin xooliaheedii nolosha qoyska ku tiirsanaa.

Cabdi Maxamed Xasan waa guddoomiyaha xerada dadka barakacay ay deggan yihiin ee Gargaar ee Ceelbarde wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in qoysaska xeradiisa oo 600 gaarayay ay magaalada uga barakaceen xaaladan adag oo soo wajahday kuwaas oo qaarkood dhanka gobolka Bay aaday, halka kuwa halkan ku haray ay yihiin kuwii ugu darnaa ee abaartu ceertaysay.

“Waxaa Ceelbarde nagu heysto keliya Nafaqa darada iyo baahida cunNo ma ahan, dhankii hoyga ayaa laga dhintay oo baakado ayaa dadkii harsanayaan waqtigan qorax kuleyl iyo dabeylo ayaa dhaca, baahida iyo cudarrada waa noo dheertahay magaaladii waa xudduud dhaqdhaq shaqo ma jiro”

Agaasimaha wasaaradda caafimaadka Koonfur Galmeed Isxaaq Maxamuud Mursal ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in nafaqo darrada aysan ku koobnayn oo kaliya dadka barakacay balse dad kale ee deegaanka ay hayso maaddaama saamaynta abaartii ay weli jirto.

 

Muxidiin Xusni

Baydhabo

Previous Post

Ceel-barde: Cunno yaraan haysa qoysas ku jira xero barakac

Next Post

Balcad: Hoy la’aan iyo cunno la’aan haysata qoysas dagaal uga barakacay guryahoodii

Related Posts

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland
Beeraha Iyo Xoolaha

Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland

June 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
Next Post
Dadkii ku barakacay colaaddii Dhumay ee Sool oo gargaar helay

Balcad: Hoy la'aan iyo cunno la'aan haysata qoysas dagaal uga barakacay guryahoodii

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 19-JUN-2026

IDAACADDA 19-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 19-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUN-2026
June 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-JUN-2026
June 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JUN-2026
June 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUN-2026
June 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JUN-2026
June 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo