Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Balcad: Hoy la’aan iyo cunno la’aan haysata qoysas dagaal uga barakacay guryahoodii

Radio Ergo by Radio Ergo
January 9, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Dadkii ku barakacay colaaddii Dhumay ee Sool oo gargaar helay

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

In ka badan 300 oo qoys ayuu maamulka degmada Balcad ku qiyaasay inay ku barakaceen colaad u dhexeyso labo qabiil oo wada dego tuulooyinka Bander, Bukuraar iyo Dudumaaley, kuwaas oo hadda ku sugan Balcad iyo tuulooyin kale oo gobolka Shabeellaha hoose.

Dadka soo barakacay waxay u badan yihiin beeraley xoolo aan badneyn ku haystay tuulooyinkaas, waxayna ka soo carareen beerihi ay ku tacbadeen roobkii dayrta oo ay rajo ka qabeen inay goostaan bartamaha bishaan aan ku jirno ee Jannaayo.

Xaliimo Nuur Cariif, ayaa ka mid ah dadka beeraha ay u tacbanaayeen ee soo cararay. Waa hooyo duleedka degmada Balcad ku haysata lix carruur ah oo ay kala soo barakacday tuulada Bukuraar oo 20 km dhanka Galbeed kaga beegan degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe. Waxay Balcad joogtaa muddo 19 cisho ah.

Beerteeda oo cabbirkeedu ahaa 8 saacadood waxaa ugu tacbanaa maseggo ay ku abuurteen xilli roobaadkii dayrta, laakiin hadda wax akhbaar ah kama hayso dalaggaas iyo gurigeedi sida uu ku dambeeyay. Sidoo kale waxaysan meel ku sheegin seygeeda oo markii uu dagaalka dhacay kaxeeyay xoolo ay dhaqanayeen oo ah siddeed neef oo ido ah iyo 4 neef oo lo’ ah.

“Odaygi iyo xoolihi marki baa noogu dambeysay, taleefan ma haysto. Wax war ah kama hayo, markaan dad taleefan wato arko baan ku soo wacayaa buu igu yiri, ilaa haddana wax i soo wacay ma arko.”

In kastoo ay ka soo barakacday wax kastoo ay ku haysatay tuuladeedi, halka ay timid oo duleedka Balcad ah kuma haysato cunto ku filan, hoy wanaagsan iyo biyo nadiif ah. Waxaa qoyska Xaliimo cunto ugu dambeysay Khamiisti shalay ahayd, oo reero deggan halka ay joogaan ay siiyeen galley labo koombo ah oo ay karsadeen. Xalay maysan cashayn, maantana uma hayso wax ay carruurta siiso.

Waxay Raadiyo Ergo taleefanka ugu sheegtay in waqti dheer ay cunto la’aan ku joogaan carruurta, muddada ay halkan joogtana ay yareyd inta goor ee ay cunto heleen.

“Siddeed habeen ayaan helnay wax aan cunno. Weligay nolol noocaan ah ima soo marin. Adduunkana waa habeen dhereg iyo habeen gaajo ah, meesha aan naqaan iyo meel kale way noo kala fiican tahay, Balcad nafta un baan la soo aadnay.”

Xaliimo ma jirto wax aqoon ah oo ay u leedahay Balcad, kumana laha dad ehel la ah, mana haysato wax dhaqaale ah, oo wax kastoo ay lahaayeen qoyskeeda waxay uga soo carartay tuuladeedi sida ay Raadiyo Ergo u sheegtay. Iyada iyo carruurteeda iyo qaar ka tirsan dadka ay isla soo barakaceen waxay wadaagaan oo ay ku wada hoydaan qol cariish ah oo horay looga guuray oo ay u fasaxeen inay ku hoydaan dadka meesha deggan. Waxay xustay inay xataa isku daydo inay hesho shaqo beero falis ah, laakiin fursaddaasba ma hesho.

Qoysaska soo barakacay ee duleedka Balcad jooga waxaa ka mid ah qoyska Shariifo Maxamed Maxamuud oo sagaal qof ah. Siddeedii bishii la soo dhaafay ee Diseembar ayay qoyskeeda ka soo barakaceen tuulada Bukuraar, oo ay ku ahaayeen beeraley.

Waxay Raadiyo Ergo taleefanka ugu sheegtay in aysan haysan hoy iyo cunto ku filan. Waxay ku hoydaan geed hoostiis, halkaas ayay maalinkina harsadaan, maaddaama aysan haysan wax hoy ah, agab ay ka sameysan karaanna aysan wadanin.

“Meel uu reer deggan yahay ayaan iska imaannay, salli bay na siiyeen, geedka hoostiisa ayaan iska dhigannay, halkaas baan iska joognaa. Annaga Balcad guri kuma lihin, dadna kama naqaanno.”

“Waxay karsadaan bay noo keenaan. Waxay na siiyaan wixi ka go’a. Habeen walba waxay karsadaan nama siiyaan. Waxa na loo keeno naguma filna, wax yar baa naloo keenaa ilmaha ayaan siinnaa. Haddaan wayno qof wax na siiyo waan iska seexannaa, haddii subixi qof noo keeno waan karsannaa, haddaan waynana waan iska joognaa, oo meel aan wax ka doonanno ma naqaan.”

Waxay ka gaajeysan yihiin siddeed tacab ah iyo 14 neef oo lo’ iyo ari isugu jira oo ay ku dhaqan jirtay tuuladeedi. Iyada iyo odaygeedaba ma laha xirfad aan ahayn beer falasho, fursaddaasna kama helaan halka ay joogaan, waxayna tilmaantay in seygeeda uu mar kasta raadiyo fursad beer falis ah oo xataa mararka qaarkood uu u tago meelaha ka baxsan Balcad.

Balcad iyo qaar ka tirsan tuulooyinka u dhow dhow waxaa ku yaallo beero ku baxa roobka iyo kuwa waraab ah, laakiin Shariifo seygeeda nasiib uma yeelan inuu ka helo fursad shaqo.

Beertoodii, xoolihi iyo gurigoodiiba way ka soo barakaceen, waxayna Balcad duleedkeeda yimaadeen iyagoon waxba wadanin.

Deegaannada ay dadkaan ka soo barakaceen ayaan weli degganeyn, sida uu ku soo warramayo weriyaha Raadiyo Ergo ee degmada Balcad. Toddobaadkii hore waxaa ka dhacay dagaal ay saddex qof ku dhinteen. Dagaalka oo dhowr jeer soo noqnoqday ayaa salka ku haya lahaanshaha dhul beereed.

Odayaasha dhaqanka ayaa diray baaqyo ay ku dalbanayaan in dagaal dambe uusan halkaas ka dhicin, laakiin ma jiro wax heshiis cad ah oo halkaas laga sameeyay.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Balcad oo aan isku daynay inaan la xiriirno waa ay naga qaban waayeen taleefanka. Mid ka mid ah oo nala hadlay wuxuu na siiyay tirada dadka soo barakacay, wixii waqtigaas ka dambeeyayna taleefanka nagama qabanin.

Weris Maxamed

 

 

 

Previous Post

Bakool: Cunno la’aan nafaqa-darro ku ridday carruurta oo ka jirta Ceel-barde

Next Post

Wararka qiimaha xoolaha

Related Posts

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 16, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

June 15, 2026
Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Next Post
Reer-miyiga ay abaartu saamaysay oo sayladaha Galgaduud ka iibsanaya xoolo-dhaqaal ah

Wararka qiimaha xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-JUN-2026

IDAACADDA 16-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUN-2026
June 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JUN-2026
June 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-JUN-2026
June 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo