(ERGO) – Nuur Xaaji Mowliid, saddex sano kaddib wuxuu bishii la soo dhaafay ee Nofembar horraanteedii ku laabtay xirfaddiisii kalluumeysiga, kaddib markii uu helay qalab kalluumeysi, lana siiyay tababar xirfaddiisa kalluumeysi sare loogu qaadayay.
Xirfadda kalluumeysiga wuxuu ka fariistay markii ay ka cilladoobeen doon yar iyo shabaab uu ku kalluumeysan jiray oo uu ku shaqeysanayay muddo sagaal sano ah.
Nuur wuxuu ka mid yahay konton kalluumeysato ah oo ku nool deegaanka Lebed oo ah dhul xeebeed degmada Hobyo u jira 30 km oo hay’adda IRC ay siisay tababarro kor loogu qaadayay xirfaddooda iyo qalab ay ku kalluumeystaan. Horraantii bishii Oktoobar ayaa la siiyay tababarka.
Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in nolosha qoyskiisa ay soo wanaagsanaatay tan iyo markii uu helay qalabka. Muddadii uusan shaqeynayn qoyskiisa oo 11 qof ah waxaa ku adkayd helidda nolol-maalmeedka.
Wuxuu wakhtigaa qoyska noloshooda ku maareyn jiray fursado aan badneyn oo xamaali ah ama inuu ka shaqeeyo dhismeyaasha, kumana filneyn nolol-maalmeedka reerka.
Labo ka tirsan carruurtiisa oo markii hore dhaqaale la’aanta qoyska haysatay darteed uga haray waxbarashada ayuu xusay in uu iskuulka ku celin doono inta aan ku jirno bishaan December.
Toban doolar ayay marki hore ku dhigan jireen waxbarashada. Hadda wuxuu awood u leeyahay in labada carruurta ah uu ka bixiyo lacagta iskuulka. Wuxuu qorsheynayaa qaar kale oo carruurtiisa gaaray da’da waxbarashada inuu geeyo iskuulka.
Dhanka kale tababar lagu xoojinayay xirfadda kalluumeysi oo socday muddo lix bilood ah ayaa la siiyay kalluumeysatada degmada Hobyo. Bishii Agoosto ee sanadkaan ayuu tababarka u dhammaaday kalluumeysatadaas oo 250 qof ah. Waxay sidoo kale toban ka tirsan kalluumeysatadu heleen qalab kalluumeysi oo ka kooban doonyo iyo shabaago kalluunka lagu soo jillaabto.
Dadkaas waxaa ka mid ah Mukhtaar Cismaan Warsame oo ku nool Hobyo. Wuxuu hadda bartay inuu soo jillaabto 15 nooc oo kalluun ah, halka markii hore uu garanayay labo nooc oo keliya.
Markiisi hore wuxuu ka kalluumeysan jiray meel 8 mayl u jirta xeebta degmada Hobyo, halkaas oo aan laga helin noocyo badan oo kalluun ah, laakiin marki uu qaatay tababar kor loogu qaadayay xirfaddiisa waxaa u suurta gashay inuu badda gudaha u galo 300 oo mayl, si uu u soo jillaabto noocyo kalluun oo kala duwan.
Mukhtaar ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in hadda uu garanayo meelaha laga helo noocyo badan oo kalluun ah, marka uu badda galo.
Qalabka la siiyay wuxuu ku shaqeysanayaa tan iyo dabayaaqadii bishi Oktoobar, ugu badnaan maalinti wuxuu ku xisaabtamaa in uu helo lacag dhan $11 halka marki hore uu heli jiray $5 oo kaliya. Wuxuu xusay in sidoo kale la baray hab uu ku ilaalin karo marka kalluunka uu soo jillaabto inuusan ka qurmin.
Ka hor inta aan la siin qalabkaan, wuxuu agabka lagu kalluumeysto ka lahaa hal shabaag oo duugowday, taas oo uu ku kalluumeysanayay afar sano, wuxuuna aroor walba tagi jiray xeebta si uu u helo doon kalluumeysi oo galayso badda oo uu si bilaash ah ku raaco. Helista fursaddaas waxay ahayd mid dhif iyo nadir ah, waana sababta ay u adkeyd inuu helo dhaqaale ku filan nolosha qoyskiisa.
Hadda qoyskiisa waxay helaan cunto ku filan saddexda waqti, halka markii hore ayba ku adkeyd helidda hal waqti oo maalinti ah.
Mukhtaar iyo kalluumeysatada deegaankiisaba waxaa tababaray qalabkana siiyay urur la yiraahdo Somali Development and Rehabilitation Organization oo loo soo gaabiyo SDRO, waxaana maal geliyay barnaamijka cuntada adduunka ee WFP.
Aamiin Saciid Aadan oo ka tirsan ururka SDRO ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in tababarka iyo qalabka ay bxiyeen ay uga gol lahaayeen in kalluumeysatadu aanay ku koobnaan inay ka fakeraan helista wixi ay cuni lahaayeen maalintaas oo keliya, laakiin ay muhiim u arkeen in ay wood u yeeshaan inay u kalluumeystaan sida dunida kale looga jillaabto.










