Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Mudug: Kalluumeysato ka faa’iideytay tababar iyo qalab kalluumeysi oo la siiyay

Radio Ergo by Radio Ergo
December 11, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
HORUUMARINTA KALLUUMAYSATADA BOOSAASO

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Nuur Xaaji Mowliid, saddex sano kaddib wuxuu bishii la soo dhaafay ee Nofembar horraanteedii ku laabtay xirfaddiisii kalluumeysiga, kaddib markii uu helay qalab kalluumeysi, lana siiyay tababar xirfaddiisa kalluumeysi sare loogu qaadayay.

Xirfadda kalluumeysiga wuxuu ka fariistay markii ay ka cilladoobeen doon yar iyo shabaab uu ku kalluumeysan jiray oo uu ku shaqeysanayay muddo sagaal sano ah.

Nuur wuxuu ka mid yahay konton kalluumeysato ah oo ku nool deegaanka Lebed oo ah dhul xeebeed degmada Hobyo u jira 30 km oo hay’adda IRC ay siisay tababarro kor loogu qaadayay xirfaddooda iyo qalab ay ku kalluumeystaan. Horraantii bishii Oktoobar ayaa la siiyay tababarka.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in nolosha qoyskiisa ay soo wanaagsanaatay tan iyo markii uu helay qalabka. Muddadii uusan shaqeynayn qoyskiisa oo 11 qof ah waxaa ku adkayd helidda nolol-maalmeedka.

Wuxuu wakhtigaa qoyska noloshooda ku maareyn jiray fursado aan badneyn oo xamaali ah ama inuu ka shaqeeyo dhismeyaasha, kumana filneyn nolol-maalmeedka reerka.

Labo ka tirsan carruurtiisa oo markii hore dhaqaale la’aanta qoyska haysatay darteed uga haray waxbarashada ayuu xusay in uu iskuulka ku celin doono inta aan ku jirno bishaan December.

Toban doolar ayay marki hore ku dhigan jireen waxbarashada. Hadda wuxuu awood u leeyahay in labada carruurta ah uu ka bixiyo lacagta iskuulka. Wuxuu qorsheynayaa qaar kale oo carruurtiisa gaaray da’da waxbarashada inuu geeyo iskuulka.

Dhanka kale tababar lagu xoojinayay xirfadda kalluumeysi oo socday muddo lix bilood ah ayaa la siiyay kalluumeysatada degmada Hobyo. Bishii Agoosto ee sanadkaan ayuu tababarka u dhammaaday kalluumeysatadaas oo 250 qof ah. Waxay sidoo kale toban ka tirsan kalluumeysatadu heleen qalab kalluumeysi oo ka kooban doonyo iyo shabaago kalluunka lagu soo jillaabto.

Dadkaas waxaa ka mid ah Mukhtaar Cismaan Warsame oo ku nool Hobyo. Wuxuu hadda bartay inuu soo jillaabto 15 nooc oo kalluun ah, halka markii hore uu garanayay labo nooc oo keliya.

Markiisi hore wuxuu ka kalluumeysan jiray meel 8 mayl u jirta xeebta degmada Hobyo, halkaas oo aan laga helin noocyo badan oo kalluun ah, laakiin marki uu qaatay tababar kor loogu qaadayay xirfaddiisa waxaa u suurta gashay inuu badda gudaha u galo 300 oo mayl, si uu u soo jillaabto noocyo kalluun oo kala duwan.

Mukhtaar ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in hadda uu garanayo meelaha laga helo noocyo badan oo kalluun ah, marka uu badda galo.

Qalabka la siiyay wuxuu ku shaqeysanayaa tan iyo dabayaaqadii bishi Oktoobar, ugu badnaan maalinti wuxuu ku xisaabtamaa in uu helo lacag dhan $11 halka marki hore uu heli jiray $5 oo kaliya. Wuxuu xusay in sidoo kale la baray hab uu ku ilaalin karo marka kalluunka uu soo jillaabto inuusan ka qurmin.

Ka hor inta aan la siin qalabkaan, wuxuu agabka lagu kalluumeysto ka lahaa hal shabaag oo duugowday, taas oo uu ku kalluumeysanayay afar sano, wuxuuna aroor walba tagi jiray xeebta si uu u helo doon kalluumeysi oo galayso badda oo uu si bilaash ah ku raaco. Helista fursaddaas waxay ahayd mid dhif iyo nadir ah, waana sababta ay u adkeyd inuu helo dhaqaale ku filan nolosha qoyskiisa.

Hadda qoyskiisa waxay helaan cunto ku filan saddexda waqti, halka markii hore ayba ku adkeyd helidda hal waqti oo maalinti ah.

Mukhtaar iyo kalluumeysatada deegaankiisaba waxaa tababaray qalabkana siiyay urur la yiraahdo Somali Development and Rehabilitation Organization oo loo soo gaabiyo SDRO, waxaana maal geliyay barnaamijka cuntada adduunka ee WFP.

Aamiin Saciid Aadan oo ka tirsan ururka SDRO ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in tababarka iyo qalabka ay bxiyeen ay uga gol lahaayeen in kalluumeysatadu aanay ku koobnaan inay ka fakeraan helista wixi ay cuni lahaayeen maalintaas oo keliya, laakiin ay muhiim u arkeen in ay wood u yeeshaan inay u kalluumeystaan sida dunida kale looga jillaabto.

Previous Post

Mudug: Kalluumeysato ka faa’iideystay qalab kalluumeysi iyo tababar la siiyay

Next Post

Sool: Tirada ardayda dugsiga hoose/dhexe ee Kala-bayr oo korortay

Related Posts

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Next Post
Dhuusamareeb: Iskuul $1 ah oo carruurta reer miyiga ku dhiirrigelinaya waxbarashada

Sool: Tirada ardayda dugsiga hoose/dhexe ee Kala-bayr oo korortay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 30-MAY-2026

IDAACADDA 30-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 30-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-MAY-2026
May 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-MAY-2026
May 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-MAY-2026
May 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-MAY-2026
May 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-MAY-2026
May 26, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo