Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Sool: Tirada ardayda dugsiga hoose/dhexe ee Kala-bayr oo korortay

Radio Ergo by Radio Ergo
December 11, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Dhuusamareeb: Iskuul $1 ah oo carruurta reer miyiga ku dhiirrigelinaya waxbarashada

Arday ku jirta fasal/Sawir keyd ah/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Shan boqol oo carruur ah ayaa labadii bilood ee u dambeysay ku biiray dugsiga hoose/dhexe ee deegaanka Kala-bayr oo ka tirsan degmada Laascaanood ee gobolka Sool, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay maamulaha dugsigaas Cabdiqaadir Jaamac Faarax.

Dugsiga waxaa horay wax uga baran jiray 739 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho. Carruurta hadda ku biiray dugsiga waxay ka soo jeedaan qoysaska ku soo barakacay colaad ka dhacday deegaanno ka tirsan koonfurta gobolka Sool.

Halkii fasal oo markii hore ay fariisan jireen 40 arday, hadda waxaa fariista 70 arday. Cabdiqaadir ayaa sheegay in ardayda iyo macallimiintuba ay caqabad ku tahay tiro badnaanta ardayda iyo ciriiriga ka jiro fasallada.

Iskuulka waa lix fasal, waxaana ardayda wax bara sagaal macallin.

“Ardaydii qaar ayaa dhulka fariista, kursigiba lix arday ayaa ku fariista. Macallimiinta xataa ardaydu way ku fara bateen oo labada gelinba way shaqeeyaan,” ayuu yiri maamulaha.

Waalidiinta soo barakacay ee carruurtooda geeyay dugsigaan waxaa ka mid ah Sahro Maxamuud Faarax oo ah hooyada toban carruur ah. Toddobo ka tirsan carruurteeda ayay markii ugu horreysay fursad waxbarasho oo bilaash ah u heshay.

Qoyska Sahro waxay ka soo barakaceen colaad ka dhacday deegaanka Dharkeyn, waxayna hadda dul saar ku yihiin qoys ay qaraabo yihiin oo deggan Kala-bayr, kuwaas oo ku caawiyay hal qol oo ay ku hoydaa iyada carruurteeda.

In kastoo Sahro carruurteeda ay fursad waxbarasho heleen, waxaa jiro carruur badan oo aan fursaddan helin markii la keenay iskuulka.

Labo boqol oo carruur ah oo waalidiintood ay codsadeen inay waxbarashada ku biiriyaan ayaa dib loo celiyay markii loo waayay meel ay wax ku bartaan.

Waalidiintaas carruurta lala celiyay waxaa ka mid ah Farxaan Cali Jaamac oo ah aabbaha lix carruur ah, oo afar ka tirsan ay wax u baran jireen ka hor iuntuusan colaadda uga soo barakicin deegaankiisa Dhumay.

Hadda carruurtiisa ma haystaan waxbarasho, waxayna iska joogaan halka ay barakaca ku yihiin.

Farxaan wuxuu ahaa ganacsade intuusan soo barakicin, wuxuuna Raadiyo Ergo u sheegay in hadda uu quud darreynayo inuu dib ganacsigiisii uga billaabo deegaanka Kala-bayr haddii uu dhaqaale helo. Nolosha qoyskiisa waxay ku tiirsan tahay biil ay u soo diraan dad eheladiisa ah.

Maamulaha dugsiga hoose/dhexe ee Kala-bayr ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in colaadda ka jirta koonfurta Sool ay ku xirmay shan iskuul oo ku yaallay deegaannada Dhumay, Dharkeyn iyo Daba-taag. Dugsiyadaas xirmay waxa aku waxbarasho beelay kun iyo shan boqol oo arday, kuwaas oo qoysaskooda ay u kala barakaceen deegaanno kala duwan.

Dugsiyadaas waxaa hir geliyay ganacsato isu tagay oo maal-gelin sameeyay.

Previous Post

Mudug: Kalluumeysato ka faa’iideytay tababar iyo qalab kalluumeysi oo la siiyay

Next Post

Puntland oo laga dhaqan gelinayo sharci lagu mamnuucayo bacda balaastigga ah

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
Laascaanood: Xoolo-dhaqato ka cabanaya bacda ku jira qashinka lagu daadiyo dooxooyinka xooluhu daaqaan

Puntland oo laga dhaqan gelinayo sharci lagu mamnuucayo bacda balaastigga ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-MAY-2026

IDAACADDA 07-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-MAY-2026
May 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo