Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baydhabo: Beeraley carruurtooda waxbarashada uga reebay si ay tuulooyinkoodi ugu noqdaan

Radio Ergo by Radio Ergo
December 10, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Baydhabo: Carruur iskuullada looga saaray beero falasho

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Siddeetan carruur ah oo ka soojeeda qoysaska barakaca ku ahaa Baydhabo ayaa waxbarashada ka haray saddexdiibilood ee u dambeeyay. Waalidiintood oo ku laabtay deegaannadii ay beeraleydaku ahaayeen ayaa kala baxay iskuullada, sidaas waxaa Raadiyo Ergo u sheegaymaamuleyaasha iskuulladaas.

Deegaannada Aw-diinle, Boonkay, Misir, Misgaale, Salboy, Ashagow iyo kuwo kale ayay ku laabteen qoysaska carruurtaan, si ay uga faa’iideystaan roobka dayrta oo beerahooda ay u abuurtaan. Badankood waxay laabteen bishii Sabteembar ee sanadkaan.

Lixdan ka tirsan carruurtaas waxay dhiganayeen dugsiga hoose Dhexe ee Kormari oo ku yaalla duleedka bari ee magaalada Baydhabo. Iskuulkaan Kormari wuxuu qeyb ka ahaa mashruuc uu bishii Luuliyo ee sanadkaan xeryaha lagu barakacay ka hirgeliyay guddiga qaxootiga Norway ee loo soo gaabiyo NRC.

Aamino Cismaan Aadan oo ah maamulaha iskuulka Kormari ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in waxbarashada iskuulka ay tahay bilaash, maaddaama qoysaska barakaca ah aysan awoodin inay dhaqaalaha lagu dhigto dugsiyada iska bixiyaan.

Waxay tilmaantay inay isku dayeen ka maamul ahaan inay waalidiinta ku qanciyaan in aanay carruurta ka kala jarin waxbarashada, laakiin ay ku adkeysteen inay carruurtooda kala baxaan iskuullada maaddaama aanay ka tagi karin ayna ku laabanayaan deegaannadoodi.

Iskuulka ay Aamino maamulaha ka tahay waxaa dhigto 630 carruur ah oo ka kala timaadda sagaal xero lagu barakacay oo ku yaalla Baydhabo.

Xeryaha lagu barakacay ee Baydhabo waxaa ku yaallaa toddobo iskuul oo ay sameysay hay’adda NRC, sida uu Raadiyo ergo u sheegay Maxamed Aadan oo ah wakiil hay’adda ee gobollada Bay iyo Bakool.

Dugsiyadaan ayaa laga bartaa waxbarashada hoose, waxaana qorshuhu yahay in ardayda ka baxda fasalka afaraad loo wareejiyo dugsiyada kale ee magaalada oo ay taageerto isla hay’adda.

Safiyo Cabdi Maxamed waxay ka mid tahay hooyooyinka carruurtooda ka joojiyay waxbarashada. Labo carruur ah oo ay dhashay ayaa dhigan jiray dugsiga Kormari, hase yeeshee waxay dib ugu celisay deegaankooda oo lagu magacaabo Shabeelow oo Baydhabo u jira 30 km.

Qoyskeeda oo ka kooban toban qof ayaa tuuladan ka maqnaa muddo sanad iyo bar ah. Carruurta waxay dib u celisay markii labadii xilli ay u dambeysay roobabkii da’ay ay u suurageliyeen inay wax tacbadaan.

“Beerihii ayaaba shaqo naga raba marka beerta ayay igala war qabayaan oo igala shaqeyanayaan,” ayay tiri Safiyo.

Deegaannada ay qoysaskan ku noqdeen oo dhan roobka deyrta kama wada di’in, waxaana jira ilaa 1,200 oo qoys oo markii ay waayeen ama ay ku yaraadeen roobabka dib ugu soo noqday xeryaha sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Cabdinuur Ibraahim Maxamed oo ah guddoomiyaha iskaashatada beeraleyda Baydhabo.

Wuxuu intaas ku daray in 3,400 oo beer oo iskaashatadooda u diiwaangashan oo la abuuray xilliga dayrta ay 1,700 ka tirsan qallaleen. Waxaa ku beernaa masaggo, galley, digir iyo sisin.

Marka la gaaro xili roobadyada gu’ga iyo dayrta waxaa jira qoysas isku diyaariya inay si iskood ah ugu noqdaan tuulooyinkii ay ka yimaadeen si noloshoodii hore dib ugu billaabaan.

Previous Post

Somaliland: Toban kun oo tan oo abuur firaley ah ayaa la soo saaray

Next Post

Puntland: Saddex milyan oo neef ayaa laga tallaalayaa furuq iyo jadeeco

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
THOUSANDS OF SHEEP AND GOATS TREATED FOR DISEASE IN BUHODLE

Puntland: Saddex milyan oo neef ayaa laga tallaalayaa furuq iyo jadeeco

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-MAY-2026

IDAACADDA 07-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-MAY-2026
May 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo