Tallaalka xoolaha ayaa ka billowday gobollada iyo deegaannada Puntland. Waxaa qorshuhu yahay in saddex milyan oo xoolo ah oo isugu jira ari, lo’ iyo geel laga tallaalo cudurrada furuqa iyo jadeecada, waxaana barbar socda daweynta xoolaha oo iyadana lagu bartilmaameedsanaya hal milyan iyo bar xoolo xanuunsan ah.
Dhakhaatiir xoolaha iyo kalkaaliyeyaal caafimaad ayaa ka qeyb qaadanaya ololaha oo socon doono muddo 45 cisho ah.
Maxamed Xaashi oo ka tirsan Raadiyo Ergo ayaa tallaalka iyo sida uu u socdo taleefanka ku wareystay wasiir-u-dowlaha wasaaradda xannaanada xoolaha ee Puntland Cabdirashiid Cali Geelle.










