Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Warshiikh: Kiisaska haween u geeriyooday umul raac adeeg caafimaad la’aan awgeed

Radio Ergo by Radio Ergo
November 2, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Carruur jadeeco ugu dhimatay Xudur

Sawirrada keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Toddoba haween ah, ayaa umul raac ugu geeriyootay degmada Warshiikh ee gobolka Shabeellaha dhexe tan iyo bishii September ee sannadkan. Sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Dr Aweys Cabdiqaadir Xaaji oo ah dhakhtar  ku taqasusay  cudurrada guud, kana howlgala farmashiya gaarka loo leeyahay oo ku yaalla Warshiikh waxay haweenkan u geerioodeen dhiig bax ka dhashay foosha ku dheeraatay iyo iyagoo caadi u dhali waayey, oo u baahday in qalliin loo sameeyo isaga iyo ilmaha loo kala badbaadiyo.

Hase yeeshee adeegga qalliinka iyo kala badbaadinta hooyada uurka leh ayaa laga heleyn gudaha degmada Warshiikh. Isbitaalkii hooyada iyo dhallaanka ee bixin jiray adeegyadaas ayaanan shaqeyneyn oo muddo shan bilood ah xiran hadda.

Dr Aweys oo sidoo kale kamid ahaa, dhakhaatiirtii ka shaqeyn jirtay isbitaalkaas, ayaa sheegay in marka ay haweenku foosha qabato oo la keeno farmashihooda ay u sameeyaan adeegga cabirka dhiigga iyo miisaamid, wixii intaas sii dhaafsiisana uusan farmashiyuhu qaban karin.

Meesha ugu dhaw oo adeeg caafimaad oo ah kala badbaadinta haweenka uurka leh iyo ilmahooda ay ka heli karaan, waa magaalada Muqdisho oo Warshiikh u jirta 60-km dhanka koonfureed. Waxaa intii ay Muqdisho caafimaad loogu sii waday waddada dhexdeeda ku geeriyooday saddex haween ah oo kamid ah toddoba umul raac u dhimatay, sida Dr Aweys Cabdiqaadir noo xaqiijiyey.

“Wiigii hadda la soo dhaafay waxaa dhiig bax  iyo umul raac u dhintay  labo haween ah. Warshiikh kuma dhiman, laakin  waana nalagu soo wargaliyey, iyadoo nala weydiinayo daawo iyo kaalmaati, balse dhex ayey ku dhinteen intaanay Xamar gaarain”.

Waxaa jira labo haween kale oo ay dadka deegaanka noo sheegeen in ay iyaguna umul raac u dhinteen, hase yeeshee uu dhakhtarka xaqiijin karin.

Isbitaalka degmda War-shiikh oo ahaa kan keliya ee ku yaallay degmada oo ay gacanta ku heysay hay’adda bisha cas ee dalka Qadar, ayaa u xirmay bishii May ee sanadkan taageero la’aan xagga dhaqaalaha ah, sida uu ii sheegay madaxa caafimaadka degmada Warshiikh Xuseen Axmed Cosoble. Isbitaalka oo bixin jiray adeegyo caafimaad oo bilaash ah waxaa ku tiirsanaa dadka ku nool degmada Warshiikh yo 53 tuulo oo hoostagta.

Adeegyada uu siin jiray hooyada uurka leh ayaa ahaa kuwa joogto ah oo haweenka ay ku adkaato dhalmada ayaa qalliin loogu sameyn jiray – ama kuwa u baahan in iyaga iyo ilmahooda la kala badbaadiyo.

Marka xaalad deg-deg ah ay jirto in qofku gaari ka kireyso Warshiikh oo uu ku tago Muqdisho waxaa laga qaadaa $150-$200.

Madiino Axmed Ibraahim, waxay habaryar u tahay Deeqo  Maxamed Xasan oo bartamihii bishii September u geeriyootay umul raac. Markii maalin iyo habeen ay foolaneysay oo ay caadi u dhali weysay ayaa loo soo qaaday Warshiikh, iyadoo gaari dameer laga soo saaray  tuulada Bakaaroole oo 16 km dhinaca galbeed kaga beegan degmada Warshiikh.

“Tabar yari ayaa ka muuqatay, ma heysan wax kaalmaati oo dadkan waxay aaminsan yihiin umuliso dhaqameedka  ah.  Saddex ayey horay u dhashay, labana way ka dhimatay, way dhiig baxday.  Baabuur waa la awoodi waayay”.

Marxuumadda geeriyootay ayaa umushay labo cunug oo mataano ah oo badqaba sida ay habaryarteed noo sheegtay.

1,200 oo qoys ayaa ku nool degmada Warshiikh iyo tuulooyinka hoostaga. Nolol ahaan waxay dadku ku tiirsan yihiin kalluumeysiga iyo xoolaha, waxaana soo raaca ganacsiyo yar yar oo aan sidaas u badneyn. Waxaa hadda ku yaalla Warshiikh hal MCH oo aan awood u laheyn in uu qabto adeegyada daryeelka hooyada uurka leh. Waxaa keliya MCH-ku bixiyaan kaniiniyaal la siiyo dadka xanuunnada sida duumada ay ku dhacdo.

Deeqo Maxamed Cali, waxay kamid tahay haweenka deggan Warshiikh, waa hooyada siddeed carruur ah, haatanna waa uur, waxaa ay ka walwalsan tahay xaaladeeda dhalmada iyo adeeg caafimaad la’aanta ee degmada ka jirta.

“Toddoba bilood ayaan ku jiraa, waan bararsanahay.  Walwalka aan qabo waa cabsida foosha iyo isbitaal la’aanta na heysato. Carruurtii aan horay u dhalay isbitaalka ayaan ku dhalay oo si fiican ayaa la iiga dhaliyey”

Ilmihii ay horay u dhashay laguma qallin oo si caadi ah ayey udhashay, maaddaama ay heysatay isbitaal ay xilli kasta la xiriireysay iyo dhakhtar xaaladeeda ka war qabayey.

Madaxa caafimaadka ee maamulka degmada Warshiikh, Xuseen Axmed Cosoble ayaa u sheegay Raadiyo Ergo in ay wadaan qorshe ay taageero ugu raadinayaan isbitaalkii degmada si mar kale dib loogu furo.

“Baahiyo badan ayaa ka jira in lala socdo haweenka marka ay uurka leeyihiin, iyo marka ay dhalayaan.  Baahiyaha annaga ma buuxin karno ka maamul ahaan.  Inta karaankeena annaga ma daali doono. Waxaan heli doonaa hay’ado naga caawiyo dhibaatada jirta,”

Isbitaalka Warshiikh, muddadii uu furnaa wuxuu ahaa kan ugu weyn ee dadka Warshiikh iyo tuulooyinka hoostaga ay caafimaad ahaan ku tiirsanaayeen.

Maryan Sheekh Cabdi, Jowhar

Previous Post

Tiro haween ah oo umul raac ugu geeriyooday Warshiikh

Next Post

Dhagoolayaasha Burco oo caqabad ay ka heysato helitaanka waxbarashada dugsiga sare

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
COLAADAHA OO SAAMAYN KU YEESHAY WAXBARASHADA GEDO

Dhagoolayaasha Burco oo caqabad ay ka heysato helitaanka waxbarashada dugsiga sare

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-MAY-2026

IDAACADDA 07-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-MAY-2026
May 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo