Adeegga caafimaadka ee hooyada iyo dhallaanka oo aan laheyn awgeed ayaa sababay in ilaa toddoba haween ah inta ay dhakhaatiirtu xaqiijiyeen ay umul raac ugu geeriyoodaan degmada Warshiikh ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Isbitaalkii degmada ee bixin jiray adeegga dhalmada iyo kala badbaadinta hooyada uurka leh iyo ilmaha caloosha ku jira ayaa xiran muddo shan bilood ah, kaddib markii hay’addii gacanta ku heysay ay arrimo dhaqaale awgeed u joojisay howsha.
Weriyaheena Jowhar, Maryan Sheekh Cabdi ayaa faahfaahineysa.








