Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Dhagoolayaasha Burco oo caqabad ay ka heysato helitaanka waxbarashada dugsiga sare

Radio Ergo by Radio Ergo
November 2, 2018
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
COLAADAHA OO SAAMAYN KU YEESHAY WAXBARASHADA GEDO

keydka ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

ERGO- Kontan iyo afar arday oo tan iyo sannadkii 2016 ka baxay dugsiga hoose/dhexe ee dhagoolayaasha ee magaalada Burco ayaa wajahayo xaalad waxbarasho la’aan ay ugu wacan tahay, iyagoo aanan helin dugsi sare  markii ay dhameysteen waxbarashada dugsiga dhexe.

Ardaydan oo da’doodu u dhexeysa 8 16 jir oo kuwii ugu dambeeyey ay qallin-jabiyeen bishii August ee sanadkan ayaanan wixii xilligaas ka dambeeyey dib ugu laaban iskuulka, oo noqday kuwa guryahooda Burco ku yaalla iska jooga iyo qaar dib ugu noqday miyiga magaalada, halkaasoo ay qoysaskooda ku nool yihiin.

Waalidiin dhalay carruurta dugsiga dhexe ka baxay ayaa  ka walwalsan waxbarasho la’aanta heysato carruurtooda.  Waa dad danyar ah, oo aan u awoodin in carruurtooda dhagoolka ah ay u diraan magaalooyinka kale ee Somaliland si ay waxbarashadooda dugsiga sare halkaas uga sii wataan.

Caasho Cali Jaamac ayaa kamid ah waalidiintaas. Wiil iyo gabar ay dhashay oo da’doodu tahay 13 sano jir iyo 14 jir ayaa sanadihii 2016 iyo 2017, uga baxay dugsiga dhagoolayaasha Burco. Tan iyo markii ay qallin-jabiyeena waxay noqdeen dad guri joog ah oo aan waxbo baran.

“Waa mustaqbal seeg sidan, carruurtii waxbarashadii ka istaagtay. Annagu dhaqaale uma heyno. Waxaanu doonaynaa in nalaga caawiyo in ay carruurtaasi noogu helaan dugsi sare” ayey tiri Caasho.

Tiro ka labo jeer isku dayday in labadeeda carruurta ah ay u tabarto barashada xirfadda dawaarka, laakiin ay u suurtageli weysay magaalada Burco oo aan laheyn xarun lagu tababaro dadka dhagoolayaasha iyo iyadoo aanan u diri karin magaalooyinka kale ee Somaliland ee ay xarumo noocaas ah ka furan yihiin xaaladdeeda dhaqaalaha awgeed.

Magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama ayaa waxaa ka furay dugsiyo sare oo ay ardayda dhagoolayaasha wax ka bartaan.

Dugsiga dhagoolayaasha Burco oo ka kooban ilaa fasalka siddeed oo dhismihiisu ay iska kaashadeen qurbo-joog ka soo jeeda deegaanka iyo maamulka gobolka Togdheer, ayaa la furay 2010, waxaana hadda dhigta 90 arday oo 30 kamid ah ay hablo yihiin.

Waxa u sahlaya ardayda in ay dugsiga dhexe wax ka bartaan ayaa ah in fasallada hadda dugsiga u dhisan ay yihiin kuwa qaado ardayda dhigto iyo buugaagta laga dhigo casharrada dugsiga dhexe ay ku baxayeen oo u diyaar ah, laakiin dugsiga sare waxay u baahnaanayaan casharro gooni ah oo ka duwan kan dugsiga dhexe iyo agab ka duwan kan dugsiga dhexe iyo waliba fasallo cusub.

40 kamid ah ardayda waxbarasho la’aanta ku dhacday ayaa hadda ku sugan gudaha Burco, halka 14-kalana ay dib ugu laabteen miyiga magaalada oo qoysaskoodu ku nool yihiin, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay maamulaha iskuulka dhagoolayaasha Burco, Axmed Cabdiraxmaan Ismaaciil.

Waxaa uu sheegay in ardayda dhagoolayaasha ee iskuulka ka baxay iyo kuwa hadda dhigtaba ay yihiin dad dadaal badan, oo haddii ay dugsi sare heli lahaayeen ay noqon laheyd mid waxbarashadooda kobcisa.

Maamule Axmed ayaa sheegay in sanadkan gudihiisa ay gaarsiiyeen xafiiska wasaaradda waxbarashada Somaliland ee gobolka Togdheer baahida iskuulka ka jirto, jawaabta ay heleena ay aheyd in iyadoo la eegayo awoodda dhaqaale ee wasaaradda haddana ay socdaan tallaabooyin wax looga qabanayo baahida jirta.

Ardayda dhigta dugsigan waxay isugu jiraan qaar qoysaskooda ay magaalada deggan yihiin iyo kuwa ka yimid dhinaca miyiga oo xilliyadii ay abaaruhu dhaceen soo deggay magaalada. Lix macallin oo ay mushaar siisa wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa ka howlgala, waxaana lagu dhigaa manhajka Somaliland, iyadoo la adeegsanaya farta dhagoolayaasha ah.

Isku duwaha wasaaradda waxbarashada Somaliland ee gobolka Togdheer Maxamuud Xasan Caynaanshe ayaa sheegay in ay ka warqabaan caqabadda iskuulka dhagoolayaasha ka heysato helitaanka dugsi sare, ayna wadaan qorshe Burco looga hirgelinayo xarun barashada farsamada gacanta oo u dhiganto dugsi sare oo ay ardayda dhagoolayaasha ka baran karaan farsamada sida korontada ,biyo gelinta, harqaanka iyo faryaamada.

Qorshahaas ayuu isku duwuhu sheegay in bilaha ugu horreeya ee sanadka soo socda ee 2019 ay hirgelin doonaan.

Marka laga tago waxbarasho la’aanta ku dhacday ardayda dugsiga dhexe ka baxay haddana si guud iskuulka dhagoolayaasha Burco, wuxuu wax badan ka beddelay hamiga caruurta dhegaha naafada ka ah, iyagoo u arka in ay dadka wax la qaybsan karaan haddii ay wax bartaan.

Sidiiq Yusuf Khalaf, Burco

Previous Post

Warshiikh: Kiisaska haween u geeriyooday umul raac adeeg caafimaad la’aan awgeed

Next Post

Dhageyso wararka qiimaha xoolaha

Related Posts

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo
Wararkii u Danbeeyay

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo

July 9, 2026
Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Next Post
Dhageyso wararka qiimaha xoolaha

Dhageyso wararka qiimaha xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-JUL-2026

IDAACADDA 09-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUL-2026
July 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo