Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Tobannaan carruur ah oo guryahooda u jiifa xanuunka xiiq-dheerta

Radio Ergo by Radio Ergo
November 27, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
DEGAANKA GERIJIR OO LAGA HIRGELIYEY XARRUN CAAFIMAAD

Keydka Sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Cudurka xiiq-dheerta ayaa ka dillaacay tuulada Coodanle oo 180Km dhinaca koonfureed kaga beegan magaalada Burco ee gobolka Togdheer, iyadoo tan iyo horraantii bishan uu soo ritay 46 carruur ah sida ay xaqiijinayaan mas’uuliyiinta hay’adda bisha cas ee gobolka.

Carruurta uu soo ritay cudurka, ayaa guryahooda la jiifa xanuunka, iyadoo Coodanle aysan laheyn isbitaal ama xarun caafimaad toona. Koox ka tirsan bisha cas oo toddobaadkan booqatay tuulada ayaa arkay carruurta uu cudurka soo ritay.

Dr Cabdi Maxamed Cali oo farmashi ku leh deegaanka, ahna dhakhtar kala taliya hay’adaha iyo wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliland xaaladaha caafimaad ee ka jira Coodanle, ayaa u sheegay Raadiyo Ergo in 12 carruur ah uu cudurku soo ritay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay .

“Carruurta la ii keenay  naqaskii ayaa ku dhegay oo meel fog in ay ka neefsanayaan ayaad moodaa. Waxay leeyihiin qufac badan, xumad jabin ayaan siinayaa intii la ii keenay, balse guryaha iyo deegaannadan magaalada ka baxsan way ka jirtaa oo carruur badan ayaa u jiifta”, ayuu yiri Dr Cabdi.

Kaniinayaasha ay carruurta qaataan ayey tahay in ay farmashiyaha ka iibsadaan.

Cudurka waxaa uu markii hore ka dillaacay dhinaca xadka dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya, isagoo ku faafay Coodanle oo xuduudda u dhow, sida Dr Cabdi  uu sheegay.

Xiiq-dheerta malahan wax dawo ah, waxaana looga hortagaa tallaalka oo keliya, carruurta uu hadda ku dhacayna lagama tallaalin xanuunka. Xilligii ugu dambeysay ee Coodanle tallaalka cudurka laga sameeyey waxay aheyd bishii June.

Axmed Ismaaciil Xasan, ayaa kamid ah waalidiinta ay carruurtoodu cudurka soo ritay. Wuxuu muddo siddeed maalmood xanuunka xiiq-dheerta u jiifa shan carruur ah oo uu dhalay iyo xaaskiisa. Waxaa uu sheegay in uu siiyo malab iyo maraqa soolaha si ay cunto ugu noqoto.

“Meel aan geeyo waan garan waayay oo laba saacadood meesha uu gaadhigu u soconayo ayaa cisbitaal noogu dhow. Wax aan ku daweeyo ma aqaan oo xaaladdooda caafimaad way ka sii dareysaa”

Axmed waa reer guuraa, carruurtiisuna ma helin tallaalkii cudurka ee Coodanle laga fuliyey.

Guddoomiyaha maamulka tuulada Coodanle, Xasan Cawil ayaa sheegay in marka laga tago xiiq-dheerta haatan deegaanka ka dillaacay haddana adeeg la’aanta caafimaadka ee deegaanka ka jirta ay si isku mid ah u wada-saameysay bulshada ku nool.

Wasaaradda caafimaadka iyo maamulka gobolka Togdheer, ayuu xusay in ay gaarsiiyeen dhibaatada ka jira Coodanle, laakiin aysan ilaa hadda wax jawaab ah ka heyn.

“Meesha ayaa iska geeri go’an ah, wax walba wakhti dambe ayaa laga soo jawaabayaa. Waxaan ka cabsi qabnaan in xanuunkaasi ku sii fido deegaanka”, ayuu yiri Cawil.

Riyaad Jaamac Mahdi oo iyadana kamid ah dadka deggan Coodanle, afar carruur ah oo ay dhashay ayey kaga dhacday xiiq-dheertu. Muddo saddex todobaad ah ayey  hadda heysaa caruurteeda.

Waxay sheegtay in aanay awood u laheyn dhakhtar ay geyso carruurta si ay u la tacaasho xaaladooda caafimaad. Xumad badan, Qufac Joogto iyo matag ayey sheegtay in ay ku aragtay carruurteeda.

Riyaad ayaa xustay in aanay awoodin lacag dhan $30 oo ay ku aragto dhakhtar carruurta ah oo ka howlgala isbitaal ku yaalla magaalada Balidhiig oo ah meesha ugu dhow ee ay dadka Coodanle adeeg caafimaad ka heli karaan.

Waxay ka walwalsan tahay sida ay ku dambeyn doonto xaaladda caafimaad ee carruurteeda, iyadoo rajeyneysa in haddii ay carruurtu cudurka ka bogsadaan ay ka tallaali doonto marka ugu horreysa oo tallaalka cudurka laga fuliya deegaankeeda.

Previous Post

Kiisas cudurka xiiq-dheerta ah oo laga soo sheegayo gobolka Togdheer

Next Post

Inka badan 20,000 oo qoys oo ka faa’iideysanaya biyo gelin laga sameynayo Hargeysa

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Bay: Ceelal laga hirgeliyay tuulooyin biyo-la’aanta darteed looga barakici jiray abaar kasta

Inka badan 20,000 oo qoys oo ka faa'iideysanaya biyo gelin laga sameynayo Hargeysa

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo