Inka badan afartan carruur ah, ayaa la xaqiijinayaa in uu soo ritay cudurka xiiq-dheerta tuulada Coodanle oo ku taalla koonfurta magaalada Burco ee gobolka Togdheer.
Koox caafimaad oo ka socota hay’adda Bisha Cas oo dhawaan deegaanka booqday ayaa arkay kiisaska carruurta uu cudurku soo ritay, sida uu warbixintan ku faahfaahinaya Ilyaas Cabdi Cali oo jooga Hargeysa.









